Sign in to follow this  
General Duke

Marka: Who do you blame for their plight?

Recommended Posts

MARKA: Dadweynaha Marka oo ka codsanaya Maxkamadaha Muqdisho inay ka cayriyaan kooxaha haysta

Posted to the Web Jul 25, 16:18

 

 

Marka (PP) - Iyadoo maxkamadaha Islaamiga ah ay ku guulaysteen inay inta badan shacabka Soomaaliyeed ee u nool Banaadir iyo Shabeellada dhexe ay ka qaadaan dhibaatadii ay ku hayeen tuugada iyo kooxaha isbaarooyinka ay u yaalleen ayaa waxaa jira cabasho weli ka soo baxaysa gudaha Gobolka Dariska la ah caasimadda ee Shabeellada Hoose.

 

 

Dadweynaha Degmadaas ku dhaqan ayaa waxay cabsho xooggan ka muujinayaan isbaarooyinka yaalla waddooyinka gudaha Gobolkaas mara iyo sidoo kale lacago baad ah oo laga qaado bil walba guryaha iyo goobaha ganacsiga ah ee ku yaalla gobolkaas.

 

 

Xaaji Maxamuud wuxuu ka mid yahay dadweynaha ku dhaqan Degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose wuxuuna cabasho weyn ka muujiyay dhibaatada uu ku hayo maamulka ka jira Gobolkaas shacabka ku dhaqan gobolkaas waxaana uu ka codsaday Maxkamadaha Muqdisho inay ku dadaalaan sidii ay dadka gobolkaas dulmiga ku habsaday uga dulqaadi lahaayeen.

 

 

"Waxaa nalagu qasbaa hadii aan nahay shacabka ku dhaqan Shabeellada Hoose inaan bixinno lacago baa ah oo haddii aan bixin wayno nala xiro dhibaatooyin kale oo jir ahaaneedna naloo gaysto" ayuu ku calaacalay odaygaas oo magaciisa inuu wada sheego diiday.

 

 

Maxaakimtu waa inay simmaan caddaaladda isla markaana ay ka qaadan dadka Shabeellada Hoose ku dhaqan cadaaladdarada saaran ee lagu hayo, waa mid looga baahan yahay Maxkamadaha balse aan looga baahnayn kooxda xoogga nagu haysata.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dan gaar ah oo diinta loogu gabannaayo

 

Diinta Islaamka ma ahaa mid ku cusub ummadda Soomaaliyeed. Soomaaliya waxeey ka mid tahaay dalalkii ugu horeeyeey oo diinta soo gartaay waana umadda kaliya oo sitoos ah u qaadataay diinta islaamka markeey soo gaartaay, ayadoon lagu cadaadinin; 100% waa dad muslim ah. Waxaa xusid mudan in qof kasto oo soomaali ah, ha ahaado culumo ama caamo aan weligiisa dukan, aan lagu hor caynkarin diinta islaamka.

 

Soomaalia waxaa jiri jiraay waxa loo yaqaano “Dhariiqooynâ€; taasi mahaayn mid dadka marin habaabiya amase wax ku cadaadiyo, kaliya waxaay daka farajireen “alle ka cabsi, in la isxaqdhooro, maslaxat, ka fogaasho xaaran iyo wixii xunâ€.

 

Waxaaynu wada ognahaay innu dhaqan u yahaay soomaalidu inneey ugu yeeran Macalin qofka Qoranka dad bara, Sheikhna kan kitaabka raacda aqoontiisaba hayeraate; hadana sidooda aya lagu xishmayn jiraay ayaguna way ogaayeen aqoontooda cilmiyeed mesha eey ku simintahaay.

 

Waxaa ayaan dara ah oo boga taarikhdu iyo laabta soomaaliyeed aan ka tirtirimikarin hab-xumadi hugaankii sare ee USC u lacag kaga soo qadataay Hugaamiyaha Liibiya ayagoo adeegsannayo farsamo ah “dad gaalo ah ayaa Soomaaliya joogaâ€. Dadka lagu tilmaamaay inney gaalo yihiin, waa dadkii Quranka barashadiisa loogu tagijireey.

 

Hugaankaas hantidii ku soo gashay habkaas, laguma soo iibin nirig xalaal ah ee waxaa la soo siistaay hub lagu xasuuqaay Soomaali aan waxba galabsan dhulkoodi iyo hantidoodina lagula wareegaay.

 

Taas waxaa xigtaay ayadoo ayaamahaan dambe ku soo badannaayan bulshada soomaali dexdeedi “Doctor, professor iyo Shekh†ayaa dad badan waxeey isweediinyaan “ hadii eey soomaali leedahaay intaas oo Dr., Professors iyo Sheikh dhab ah maxaay dhibaatadan lagamabaxaanka ah noogu dhacdaayâ€. Jawaabtii ayaa waxaay noqotaay mid aan waxba kajirin; maxaa yeelay Doctor, Professor iyo sheikh waa derejo cilmiyeed ee ma ahaa mid dadka lagu marinhababiyo.

 

 

Tiiba waxaa ka daran oo soo baxaay dadkii la wada ogaa oo digiya cabka ahaa ayaa isku magacaabaay Maxkamad Islaami ah. Tani waxaa looga dan leeyahaay in lagu jahwareeriyo ummadda Soomaaliyeed si loo xalaalaysto hantidii iyo dulkii la boobaay..

 

Waxaa igu yaab badanaayd markii aan ka dhex arkaay sawar rag ku sujuudsan Gegedii dayuradaha Xamar ninka lagu magacaabo Yusuf Indacade ka soo jeedo gobolka Galgugud oo 16 sano xaaran ku haaysta Shabeelada hoose. Waxaaba intaas ka daran waxaa lagu magacaabaay wax loogu yeero gudoomyaha gudiga nabadgelyada maxaakimta islaamka ah. Miyeesan ahaayn dadkaan, dad aan diin, dhaqan, sariig iyo anshax midna lahaayn.

 

Mida kale hadal ku qornaa web pageka shabelle.net oo ah:†Gudoomiyaha golaha Fulinta Maxkamadaha islaamiaga Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay beelaha D&M in hubkooda ay ku soo wareejiyaan Maxkamadaha islaamigaâ€.

 

 

Sheikh Sharifow anigu aqoon kuu ma lihi, hase ahaate waxaan ku leeyahaay arin kaa da’a wayn baad faraha la gashaay ka bax, ogsoonawna dhibaatadii beesha aad ka soojeedid u geesataay Qowmiyada D&M weli lama ilaabin. Hub dhigista iyo cidii loo dhibilahaa waa mid D&M u taalo, ee ma ahaa mid maxaakim isku sheega u taalo.

 

 

Diinta cadaaladbaay na fartaay; haddii aad wax tarikartid eeg waxaa yaala Xamar weiyn iyo Shabeelada Hoose; kadib ayaad u hanqaltaagi karta meel kale wax ka dhihideedha.

 

 

Inj. Xassan M. Abukar

 

(Australia)

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would blame C/Yussuf indirectly coz if the ICU were to boot out Indhocadhe he would be warmly welcomed by C/Yussuf and it would tuun out that he would use an alliance of Warlords to fight ICU.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Ahmed_Guree:

I would blame C/Yussuf indirectly coz if the ICU were to boot out Indhocadhe he would be warmly welcomed by C/Yussuf and it would tuun out that he would use an alliance of Warlords to fight ICU.

Do youy actually believe that the two ,ICU and Balayo Indhacade, are two different factions?

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are but both of them woulndt go without a fight.

just Imagine if the ICU declared War on Indhocadhe?

C/Yussuf and company will Aid Indhocadhe.

So in the mean time

Indhocadhe is like a burning piece of coal in ones palm.

 

I weould personaly would kill that Animal (indhocadhe) but when i think of TNG i just see a magnifyied indhocadhe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this