Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaabsade Arrives Lasanod

Recommended Posts

Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool wafdi kasoo kacday magaalada Hargeisa ee Gobolka Sool wafdidaas oo uu hogaaminayo siyaasiga Axmed Cabdi xaabsade oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeisa ee xarunta maamulka Somaliland kadib markii uu kasoo laabtay safar caafimaad.

 

 

Wafdidan ayaa waxaa kamid ahaa Axmed Cabdi Xaabsade,wasiiru dawladaha waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed Qawdhagayste,xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool,xildhibaan Cawil C/laahi Caydiid iyo sidoo kale masuuliyiin kale kuwaas oo soo gaadhay magaalada Laascaanood maanta.

 

Imaashiyaha Axmed cabdi Xaabsade ayaa si wayn looga dareemay magaalada Laascaanood iyadoo wafdi ka tirsan maamulka Gobolka,Degmada,Police-ka iyo waliba shacabwayne aad u fara badani kusoo dhaweeyeen meel banaanka ka ah magaalada Laascaanood halkaas oo ay kasoo raaceen wafdida ilaa ay soo gaadhsiiyeen hoyga uu ka dagan yahay magaalada Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Wafdidan ayaa imaashiyahooda magaalada Laascaanood ayaa mar aan wax ka waydiinay ayaa waxa ay ku sheegeen sidii magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka ay ula socon lahaayeen qaabka habsami usocodka shaqada Gobolka iyo waliba sidii shacabka Gobolku uga qayb qaadan lahaa sidii ay isku diiwaan gelin lahaayeen.

 

Hadaba imaashiyaha siyaasiga miisaanka wayn kuleh maamulka Somaliland magaalada Laascaanood oo ay ugu danbaysay muddo bilooyin ah isagoo horay uga dhaqaajiyay maamulka Somaliland Gobolka Sool kadib markii uu maamulka Somaliland uu la wareegay taas oo uu gacan wayn kasiiyay ayaa dadku waxa ay ku tilmaamayaan inuu yahay sidii uu wax uga badali lahaa qaabka shaqada maamulka ugu dhiiri gelin lahaa sidii ay siyaasada dawlada dadka ugu bandigi lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this