Sign in to follow this  
Cowke

Burtinle Begins The Fight Against Illegal Sites

Recommended Posts

Cowke   

Maamulka Degmada Burtinle oo Bilaabay La Dagaalanka Dhulka La Xirmeysto

 

(Garowe) RBC: Wararka naga soo gaaraya degmada Burtinle ayaa sheegaya in saakay deegaaaka tuulo Jalam iyo deegaanada hoos yimaada ay ka fulin doonaan Howlgalo lugu bur burinayo gooba si sharci dara ah loo xirmaystay oo dadka deegaanadaa cabasho ka muujiyeen sida uu RBC xaarir uu la soo sameeyay u sheegay Xog hayaha Dowlada hoose ee Burtinle.

 

Xaafid C/risaaq ayaa intaa ku daray in howlgalkaan uu yahay mid ay gacan ka gaysanayaan dadka deegaankaa tula jalam iyo deegaanada hoos yimaada waxuuna sheegay in howlgalkaa uu noqon doono mid ay ku bar tilmaamsadaan goobaha sida sharci darada ah loo xirmaystay.

 

Howlgalkaa ayaa waxaa fulinaya sida xaafid hadalkiisa ku xusay Ciidanka amniga degmada Burtinle oo gacan ka helaya Ciidanka amniga Gobalka Nugal oo halkaa gaaray waxana arintaan la filayaa in maalma ay qaadato bur burinta xirmooyinka sharcidarada ah oo dhawanahaanba si xowli ah uga socday deegaano hoos yimaada Gobalka Nugaal.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Howlgal asbuuc qaatay Ciidanka amniga Gobalka Nugaal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal gaar ahan deegaanka Jamagale halkaa oo asbuucii aan ka soo gudbnay uu gaaray Madxwayne Farole islamarkaan u qudbad u jeediyay dadka deegaanka oo u kula dardaarmay in deegaankooda ilaaliyaan.

 

Howlgalkaa maanta halkaa Maamulka Degmada Burtinle ka fulin doono aya qayb ka ah howlgalada Maamulka Gobalka Dhwaan ku baaqay kaa oo ku aadan in la furo goobaha la xirmaystay si xoowlaha u helaan gooba ay daaqaan madama inta badan dadkaa xirmaystay ay ka ganacsadaan cowska ka baxa goobahaas.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this