Sign in to follow this  
BN

Demonstration in Support of New President in Mogadishu

Recommended Posts

BN   

Banaanbax lagu taageerayo dowladda cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta gobalka Banaadir

 

 

October 24, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Banaanbax lagu taageerayay dowladda cusub ee Federaliga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta gobalka Banaadir degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxaan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka tirsan ururada haweenka ee gobalka Banaadir iyo dhalinyaro ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Banaadir iyo xubno ka tirsan TNG-dii Carte.

 

Dadka isugu soo baxay banaanbaxaasi ayaa waxaa la hadlay ku simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dowladda cusub ee dhawaan Nairobi lagu soo dhisay.

 

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay oo uu ka mid ahaa duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan lana shaqeynayana dowladda dhawaan Soomaailda loo dhisay.

 

Goobta lagu qabtay banaanbaxan maanta lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayeysan ka muuqanin taageerayaasha hogaamiye kooxeedyada magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Dibadbaxii ugu horreeyey oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, oo maanta kaDhacay Xaruunta "Ufficio Governo" ee Magaalladda Muqdisho

 

 

Muqdisho, Axad, 24-0kt’04

 

Boqolaal qof ayaa waxay barqanimaddii maanta isugu soo baxeen Dibadbax lagu taageerayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ka dhacay Barxadda ka soo horjeeda Xaruunta Maamulka Gobalka Banaadir ee "Ufficio Governo" ee Degmadda Xamar-Weyne ee Magaalladda Muqdisho.

 

Dibadbaxani oo ah kii ugu horreeyey ee laga qabanqaabiyo Magaalladdan Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid ammaankiisa aad loo adkeeye, isla markaana Maleeshiyooyin Hubeysan lagu daadiyey dhammaan Waddooyinka ku hareersan Fagaaraha lagu dibadbaxayey.

 

Dibadbaxaasi, oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobalka Banaadir, waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen K/S Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Md. C/llaahi Firimbi iyo K/S Duqa Magaalladda Muqdisho, Md. Ibraahim Shaaweeye iyo xubno ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka, waxayna muujiyeen inay si xoog leh u ayidsan yihiin, isla markaana soo dhaweynayaan Dowladda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

 

http://www.mudulood.com/Page7.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this