Sign in to follow this  
General Duke

Good news : Somalia defeats Tanzania 1:0

Recommended Posts

ciisedhere1.jpg

Xulka Somalia oo hal iyo eber direy Tansaaniya

Saturday, January 3rd, 2009 at 8:40 pm

C/qaadir Kaarshe

 

HR Media Kampala

 

kaarshe@horseedmedia.net

 

Halyey Ciise Abshir Midnimo Goolka shabaqa ku hubsadey oo shucuurtiisa siiyay Horseed Media markii uu goolka dhaliyey: Halkan ka dhegayso

 

Ciyaarta maanta dhexmartay xulalka qaramada Somalia iyo Tansania ayaa waxay ahayd ciyaar aad u xiisa badan iyadoo ay boqolaal Taageerayaal somali u badan ay soo buuxdhaafiyeen Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay.

 

Labada Xul ee ay ciyaartu dhexmaraysay Somalia iyo Tansania ayaa waxay labaduba soo bandhigeen Ciyaar aad u xiisa badan taasoo ay la dheceen dadkii ciyaarta Daawanayey, sacab iyo sawaxana uu garoonka is qabsaday.

 

Xulka Somalia oo maanta soo bandhigay Ciyaar aad uga qoslisay kumanaan Somali ah oo si aan hore loo arag maanta usoo camirtay Garoonka ayaa waxay ciyaar wanaagii ay maanta soo bandhigeen u suura gelisay inay guul ka soo hooyaan ciyaarta.

 

Ciyaarta oo ay markii ay bilaabatay ku bilaabatay weerar xoogan oo ay labada kooxood la yimaadeen, ayaa kooxda Qaranka Somalia waxaa u suurta gashay inay kaambiyadii hore ee ciyaarta ay shabaqa Xulka Tansania Goal ku hubsadaan.

 

Ciise Abshir Midnimo oo ah Kabtanka qaranka somalia ayaa Goal laga soo shaqeeyey oo uu baas fiican ka helay Saaxiibkii Shiino ku hubsaday shabaqa kooxda ka soo horjeeda.

Markii uu dhashay Goalka ayaa garoonka oo dhan waxaa hadheeyey sacab iyo sawaxan ay dadka somalida ah ku taageerayaan Goalka Quruxda badan ee ay xulkoodo soo hooyeen, waxaana kaambiyadii hore ciyaarta lagu kala nastay 1-0 ay xulka qaranka somalia ku hogaaminaysay ciyaarta.

 

Markii laysu soo laabtay kaambiyadii Danbe ee ciyaarta ayaa inkasta oo ay kooxda qaranka Tansania ay la timi weerara isdaba jooga iyo dadaal fara badan ayaa hadana Goal hayaha Xulka Somalia ayaa diiday inay mar qudha ay soo taabtaan shabaqooda.

 

Waxaana ay ciyaartu ku soo gebagebowday 1– 0 uu xulka somalia ku badiyey.

 

Xulka Somalia ayaa waxa au hadhay laba ciyaarood oo ay layeelanayaan labada xul ee Rwanda iyo Uganda oo ay Group A kuwada jiraan, waxaana rajadoodu ku xidhantahay inay labada ciyaarood ay badiyaan ama ay midna badiyaan midna barbardhac layimaadaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta guul kasoo hoyay koobka Bariga & Bartamaha Afrika

 

Kampala, Uganda (Calanka.com) 03-Janaayo-09

 

Xulka Qaranka Somaliya ayaa maanta guul farxad leh kasoo hoyay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmay dalka Uganda, kadib markii ey 1-0 uga badiyeen kooxda xulka qaranka Tanzania.

 

Ciyaarta maanta dhacday oo ey guusha kasoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa la sheegay in ey ka dhacday garoonka NATAKUBI, kaasoo ku yaala magaalo madaxda Uganda ee Kampala.

 

Goolka guusha ey kusoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa waxaa u dhaliyay xulka qaranka Somaliya ciyaaryahan lagu magacaabo Ciise Abshir Aadan (Ciise Dheere) oo isagu deegaan ahaan iminka dagan dalka Norway.

 

 

Ciise Dheere oo ah kabtanka kooxda Somalida islamarkaana qaata (nr.9) ayaa dhaliyay goolka galinkii hore ee ciyaarta (14-mirir ka dib markii ey ciyaartu bilaabatay), waxaana la sheegay goolka uu dhaliyay in uu ahaa mid aad u qurxoon.

 

Dhanka kale kooxda reer Tanzania ayaa ciyaarta galinkeedii dambe waxa ey lasoo bexeen fir-fircooni dheeri ah oo u muuqatay in ey kaga soo ceshanayeen goolkii uu ka dhaliyay kabtanka kooxda Somaliya ee Ciise Dheere.

 

Waa ciyaartii labaad oo ey ciyaaraan kooxda xulka Qaranka Somaliya, waxaana ciyaartan tii ka horeysay ey Somalidu la ciyaareen kooxda xulka Zan-Zibar oo iyagu uga badiyay Somaliya 2-0, halkaasna ey Somalidu guul-darro kala soo laabteen.

 

Macalin Geelle oo ah tababaraha xulka Qaranka Somaliya iyo Somalidii daawaneysay ciyaartan ayaa soo dhaweeyay guusha ey soo hoyeen dhalinyarada xulka qaranka Somaliya.

 

Maalinka Isniinta ahaa ayaa waxaa lagu wadaa in ey ciyaartii sadexaad ciyaaraan, iyadoo ciyaartani ey isaga hor imaan doonan sida naloo xaqiijiyay xulka qaranka Rwanda.

 

Dhalinyarada Xulka Qaranka Somaliya ayaa iyagu ka kooban dhalinyaro Somaliyeed oo laga soo ururiyay dalal kala duwan oo caalamka ku yaal, haba u badnaadeene wadamada reer galbeedka.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

the new and improved Somali uniform is looking great.

 

congratulations to our boys and i hope they win on monday in order to reach the next round

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this