Sign in to follow this  
Gar-haye

si cad ugu sheegay in 2 nin ay ka soo codsatay Itoobiya isla markaana ay iyagu fuliye

Recommended Posts

Gar-haye   

C/naasir Maxamuud Aw Xuseen & Xariir Maxamuud Dool oo uu maamulka S/land u gacan galiyay Itoobiya

Beerdhiga 16.05.2008 18:58

 

Maamulka Soomaaliland ayay ciidamadiisa Booliiska ee magaalada Hargeyga waxa ay maalinimadii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay waxa ay magaalada ka qabteen 2 nin oo sida la xaqiijiyay ka soo jeeda gobolka Soomaali galbeed in mudo ahna ka shaqeysan jiray magaalada.

 

Labada nin ee ay qabteen ciidamada Booliiska magaalada Hargeysa ayaa lagu kala magacaabi jiray C/naasir Maxamuud Aw Xuseen iyo Xariir Maxamuud Dool kuwaas oo sanadihii la soo dhafay magaalada ku sugnaa.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in C/naasir Maxamuud Aw Xuseen la qabtay sacaadu markey ahayd 2:00 duhirnimo halka Xariir Maxamuud Dool isna la qabtay ka dib salaadii duhur ee Isniintii laga soo gudbay.

 

Ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in 2 nin loo sii qaaday dhanka magaalada Jig jiga oo ay hada ku sugan yihiin , waxayna dhinac kale ilahaasi sheegeen in qaar ka mid wax garadka la qaraabada ahaa 2 nin ay maamulka Somaliland u tageen kalana hadleen xaalada 2 nin balse maamulku uu si cad ugu sheegay in 2 nin ay ka soo codsatay Itoobiya isla markaana ay iyagu fuliyeen howshii loo diray.

 

Ilahaas ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 2 nin markii la qabtay kadib ay magaalada ku sugnaayeen wakhti kooban wax yar ka dibna loo sii qaaday dhanka Jig jiga oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin.

 

C/naasir Maxamuud ayaa ahaa nin ka shaqeeya Hotel la seexdo oo lagu magacaabo “Baane” oo uu lahaa Suldaan Cali Baane wuxuuna ahaa sida ay ilo xog ogaal ahi noo sheegeen nin ka shaqeeya hotelka sanadihii la soo dhaafay.

 

Sidoo kale Xariir Maxamuud Dool ayaa isna sarifle ka ahaa Suuqa weyn ee sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa wuxuuna halkaa ku sugaan mudooyinkii la soo dhaafay.

 

2 nin ee uu maamulka Soomaaliland u gacan galiyay Itoobiya ayaa ka soo jeeda gobolka Somali galbeed gaar ahaa degmada Awaare oo ay dagaan qabiil ka mid ah qabaa’ilka daga deegaankaasi.

 

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax fal dambiyeed ah oo uu maamulka Somaliland ku heysto 2 nin marka laga tago in ay Itoobiya ka soo codsatay sidaana ay ugu dhiibeen moyee.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu maamulka Soomaliland u gacan galiyo dad ka soo geeda Soomaali galbeed gumeysiga Itoobiya waxayna dhacadadani qeyb ka noqneysaa falal dhowr ahaa oo uu maamulka Soomaaliland kula kacay dad Soomaali ah.

 

Maamulka Soomaliland ka arimiya ayaa lagu sheegaa inuu xiriir hoose la leeyahay xukuumada ka arimisa Addis Ababa waxaana mar sii horaysay hadal ka soo baxay dhanka maamulka Soomaaliland lagu xusay in ay Itoobiya la soo galeen in ay u gacan galiyaan dadka ay Itobiya ka soo codsato.

 

2 maamul ee kala ah Puntland iyo Soomaliland ayaa la dhihi karaa waxa ay tafa xeydasho ugu jiraan sidii midba midka kale uu uga soke mari lahaa xiriirka uu la leeyahay Itoobiya, balse waxa ay dad badani is waydiin karaan dadka la dhiibayo ma maamuladaas ayay dambi ka galeen maxaysa kaga duwan yihiin dadka walaalahood ah ee maamuladaas ku hoos nool.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The true is that the ethiopians have now learned not to trust 100% to these puntland and somaliland admins and dabo-dhilifs (incl. former Mogadishu warlords) who openly used to trade and still trading innocent somali citizens in exchange of what? nothing...maybe a dinner with Colenel Gebre one day.

 

A friend of mine once told me that a somali hotelier in Jigjiga who happened to be one of these unlucky innocent guys handed (sold) to ethiopians by somaliland admin later got his freedom back when ethiopians found out he is well known local business man who went to Hargeysa for a business trip. Ceebooba!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this