Sign in to follow this  
Liibaan

Hoggaanka SSC Oo Casuumado Ka Helay DFKS, Itoobiya Iyo Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Liibaan   

S_S_C_flag1.jpg

 

SomaliamapMaakhirSSCandawdalland.jpg

 

 

Hoggaanka SSC Oo Casuumado Ka Helay DFKS, Itoobiya Iyo Dalka Jabuuti.

 

Boocameonline.com

 

 

Warar aanu ka helney xubo ku dhawdhaw Hoggaanka SSC ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in hoggaanku uu marti qaad rasmiya ka heley Dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Xukuumadda Soomaaliya.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Saleebaan Ciise Axmed ay dabayaaqada bishan safar ugu bixi doonaan xukuumadda ay casuumadaha ka heleen.

 

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn ujeeddada socdaalka hoggaanka SSC uu ku tagi doono Jabuuti, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa haddana waxaa ay warar hoose sheegayaan in uu la xidhiidho sidii hoggaanka SSC iyo xukuumadahaasi ay isku soo baran ahaayeen, maadaama aaney horey si rasmiya u kulmin.

 

Xogo kale ayaa waxaa ay sheegayaa in Jabuuti iyo Itoobiya ay u sheegi doonaan hoggaanka SSC wixii ka soo baxey shirarka ay la yeesheen Madaxweynaha Maamulka waqooyi bari Faroole, oo haatan ku sugan dalka jabuuti iyo Siilaanyo oo la filayo in isaguna uu safar ku tago dalalkaas ka hor socdaalka Hoggaanka SSC.

 

Warar laysla dhex marayo ayaa waxaa ay sheegayaa in Itoobiya iyo Jabuuti ay Faroole u sheegeen in uu faraha kala baxo arrimaha SSC, haddii aanu taas yeelinna ay ka faai’adaysan doonaan kacdoonka shabanka Sool, Sanaag iyo Cayn kooxaha ay reer galbeedku Argagixisada u yaqaaniin, sidoo kalena waxaa la filayaa in ay Siilaanyo mid taa la mid ah u sheegi doonaan.

 

Isku soo wada xooriyoo waxaa uu safarka Hoggaanka SSC noqonayaa kii ugu horreeyey ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu gudaha soo galay 15/5/2010. Waxaana ay sheegayaan dadka la socda arrimaha SSC in dhanka dibadda uu Hoggaanka Midaynta iyo Badbaadada SSC aad uga dhisan yahay, balse xoogaa habacsanaan ahi ay ka muuqato gudaha.

 

C/casiis Saleebaan Axmed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

hogaankassc.jpg

 

 

SSC President Receives Welcome from TFG, Ethiopia and Djibouti

 

Cayn (ssctimes.com) SSC Sources in Cayn confirm that the President of SSC has received welcome from the Somali Transitional Federal Government and two important neighbouring countries Ethiopia and Djibouti. This welcome is expected to be based on building relations between the SSC and current Government in Somalia as well as the neighbouring countries of Somalia. Criminal Siilaanyo is expected to make a visit to both Ethiopia and Djibouti prior to the SSC President’s visit.

 

There are also reports that Faroole of Puntland has been ordered by the Ethiopian government in his recent visit to Ethiopia to keep out of the affairs of the SSC region.

 

It seems as if both Ethiopia and Djibouti understand the plight of the SSC civilians and are equally concerned of the safety of the region and the never ending attacks of the Somaliland Clan Militia. The Somali TFG’s welcome of the SSC president does not come as surprise, given the increasing international support of the SSC movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KOOXDII ISKU MAGACOWDAY HOGAANKA SSC EE LAGA SUGAYEY DIBUXOREYNTA IYO DAGAALKA OO MARKAY FASHILMEEN MARMARSIINYO KA DHIGTAY ADUUNKAA NA MACSUUBAY OO AANU MARTIQAAD KA HELAY IYO WARAR BEENA OO AY INTERNETTKA KU FAAFIYAAN.

Posted: September 17/2010, 4:49 pm

 

Sida aad la socotaan kooxdan oo u badan dhalinyaro qurbaha ku raagtay oo ah nooca Soomaalidu ku magacowdo dhaqan celiska, waxay ka kooban yihiin ilaa 30 qof oo ay ku jiraan dhowr isim oo iyana aan qaan gaadh buuxo ahayn oo aan 40 sano buuxin maskaxdooduna aanay taam noqon.

 

Kooxdani ilaa maalintii ay Nairobi isku magacaabeen waxay ku kacayeen falal xunxun oo ay ka muuqato ciyaalnimo, dhaqan la,aan, masuuliyad daro iyo fidmo shacabka SSC iyo reer Puntland dhexdooda.

 

Falalkoodu waxay u badan yihiin falal ay doonayaan inay shacabka SSC ku ******* kuwaas oo qofkastaaba garankaro waxa ay uga jeedaan:

 

Tusaale ahaan:

1.Mudo 3 bilood ah ayey marba NGO isla sawirayeen oo internetka soo geliyaan oo jaaliyadaha dibadaha tusayeen inay yihiin maamul shaqeynaya.

2.Mudo sanad rubiciisna waxay wareegayaan dibadaha oo lahaayeen dalkii iyo dagaal baanu u soconaaye noo qaadhaama.

3.Mudo 4 bilood ah waxay dhuumaalaysanyeen kenya ilaa Somaliya oo ay marma Baabuurta muuska dusha soo qabsanayeen.

4.Mudo dhowr bilood ah ayey marba war been Buuhoodle kasoo dirayeen oo lahaayeen dagaalkii wuxuu ka socda Widhwidh oo Somaliland waan jebinay.

5.Kooxdani ilaa intay dalka dhuumashada ku soo galeen waxaa fidmadooda ku dhintay dad shacab ah oo tiradoodu kor u dhaafayso 32 qof oo dhintay, 14 dhaawac ah, 6 xabsiga mandheera la geeyey iyo degaanka Widhwidh oo Somaliland la wareegtay.

6.Hada waxay lasoo baxeen inay faafiyaan been cad, iyagoo sheegaya in ay casuumad ka heleen aduunka, iyo wadamada jaarka ah, arintan oo ay u arkeen cardkii ugu dambeeyey ee ay isticmaali karaan.

 

 

Mudo kadib Jaaliyadaha SSC oo ahaa ishooda dhaqaale ayaa fahmay nidaamka ay kooxdani ku xoogsanayaan, dhowrkii lacagood oo ay u soo urursheena ay sixun u isticmaaleen, waxayna ka jareen dhaqaalihii ay ku caawin jireen.

 

Shacabka iyo waxgaradka Gobolka Cayn ayaa iyana gartay kooxdan qaswadeyaalka ah, iyagoo arkay in kooxdani aanay ku soconin talo iyo midnimo SSC, sidaasdarteedna ay abuurayaan dhibaato degaanka Cayn oo keliya ku kooban. Waxay fahmeen in kooxdani ay ka ganacsanayso dhiiga iyo dhibaatada shacabka Cayn, sidaasdarteed waxay kala noqdeen taageeradii ay u hayeen.

 

Hadaba kooxdan markii meelwalba kasoo xirantay oo taageeradii dhaqaale ee jaaliyadaha waayeen, taageeradii shacabka gobolka cayna lumiyeen, dagaalkii iyo kala qaybintii bulshada reer Puntlandna u socon waayey, wadamada deriska ahna fidmowaleyaal looga aqoonsaday, meel walibana kusoo xirantay ayey waxay lasoo baxeen farsamo cusub oo ay mar uun dalka dibadiisa ugaga laabtan.

 

Khiyaamada ay hada la yimaadeen waa tii ugu liidatay oo ah wax aad loogu qoslo oo aan ilmo caruur ah lagu siri karin.

 

Waxay ayaamahan faafinayeen in aduunku casuumay oo ay martiqaad ka heleen, ilaa hadana ma sheegin sababta aduunku u casuumay oo u danaynayo. Muxuuse aduunku u casuumanayaa koox fidmowaleyaal ah oo hawd cidlo ah ku gadoonsan? Waxay macno tirayaan mariqaadkii iyo siyaasadii. Waxay been aan jirin ka iibinayaan shacabka SSC.

 

Xaysimo.com waxay baaris ku sameysay wadamadii ay magacaabeen ee ay sheegeen inay marti qaadeen, ilaa hadana ma jirto wax casuumada oo ay heleen.

 

Xaysimo.com waxay soo ogaatay inay baryahanba ku mashquulsanaayeen farsamadii ay buuhoodle uga noqon lahaayeen oo wadamadii ay qaxootiga ku ahaayeen ugu noqon lahaayeen, iyagoo la meeshii ay ka dhoofi lahaayeen, waxayna taageero waydiisteen kooxda Al suna wajameeca oo ay ka codsadeen inay tahriibiyaan.

 

Waxayna doonayaan inay fashilankooda iyo cararka ay dib u cararayaan ku qariyaan aduunka ayaa na macsuumay. Arintani waxay noqonaysaa riwaayadii ugu liidatay ee kooxdami la timaado.

 

YAA DOONAYA KOOXDAN ADUUNKU MACSUUMAY INAY TAAGEERO DHAQAALE SIIYAAN?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay ayaamahan faafinayeen in aduunku casuumay oo ay martiqaad ka heleen, ilaa hadana ma sheegin sababta aduunku u casuumay oo u danaynayo. Muxuuse aduunku u casuumanayaa koox fidmowaleyaal ah oo hawd cidlo ah ku gadoonsan? Waxay macno tirayaan mariqaadkii iyo siyaasadii. Waxay been aan jirin ka iibinayaan shacabka SSC.

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somailand wabu is raaciiye sool sanaag cayn togdheer awdal saaxil iyo maroodijeex uun bu ka reeebey war muxu saaxil iyo maroodijeex ugu so qori wayey colorki calanka sl ba ka maqan uun

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunduf marki horeba sl mapkeedu booli buu ahaa oo Liibaan xaq ka maqan malaha soo dhacsadey albeit khariidad ahaan :D

 

laakiin qoloda barigu waxay galabsadeen baanan garan ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

maan garan waxa ka maqan ileen dhulka silanyo ba ssc bu ugu yeedha sool sanaag iyo cayn tallow maxay diidanyihin xiin ma qoladu garaadku bintiland ugu yeedhay baad sheegeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaajo xunduf markaad cuqdada daaci jirtey baa la gaaray ood ragga bariga kaa xiga aad libinta kala bakhayli jirtey. somaliland intay jeclayd waa haysataa magacii uunba ka maqan, Liibaanna caradaa caddaaladii dhaafisay ee hadda magac uu meel ku qoraa waxba kama dhinteen :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xiin,

 

Cadaaladu waa 2-way street, maxaa magaca Gobolka Woqooyi Bari Somalia loo qori waayey baad ka cabanasaa? is weydii Jabhada barigu sababta ee uga soo horjeedaan xoriyada iyo Jiritaanka Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Somali oo dhan baa la socota in Jabhada Gorowe ee kasoo horjeedo xoreynta SSC, Cadde Muuse, Faroole ma rabaan inay xoreeyaan SSC, Reer SSC uma ogala inay xoreystaan dhulkooda SSC

 

 

laakiin qoloda barigu waxay galabsadeen baanan garan ?

La yaab malihid, Sidoo kale Faroole qoloda barigu waxay galabsadeen ma garanayo, isku xishooda

 

Jabhadaa Garowe ayaa dhulkii SSC bixisay, Walaalaheen Soomali Galbeed bixisay, ayaadoo raali galinasa Xabashida iyo SNM-somalidiidka

 

Markaa labada jabhadood SSDF, iyo SNM-Somalidiika isma dhaamaan, waa dameer iyo labadiisii dhagood

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

You do not want to do anything with Ethiopia. You will end up regreting. Xabashi laysma baro

Jabuuti is fine. Eritreia could be better choice.

 

According to this map SSC has bigger map than the one in somaliland. the triangle is even smaller as I though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this