Sign in to follow this  
Cowke

Dhahar Elders Condemn Galgala Terrorists and Support Puntland

Recommended Posts

Cowke   

Magaalada Dhahar oo laga soo saarey go'aamo

14 Jul 14, 2010 - 12:31:28 PM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaalada Dhahar oo ah xarunta gobolka cusub ee Hayland Puntland ayaa maanta 14 July,2010 kusoo xirmey Shir dhawaanahan ay ku lahaayeen odoyaal iyo cuqaal Deegankaasi kasoo jeeda, kuwaas oo baaq soo saarey gabagabadii shirka .

 

Baaqaan maanta kasoo baxey odoyaasha shirka ku yeeshey magaalada Dhahar ay ku xaqiijiyeen wararka tilmaamaya in halkaasi koox maleeshiyaad ah isku urursanayso kuwaas oo xiriir la leh ururada ka dagaalama Koonfurta Somalia.

 

Mukhtaar Maxamuud Faarax (Xabeeb) oo afhayeenka u ah odoyaasha shirkoodu kusoo dhamaadey degmada Dhahar xarunta oo Radio Garowe xiriir la sameysay ka dib markii uu soo gabagaboobey shirkii halkaasi ka soconayey ayuu ugu horeyntii akhriyey baaqa odoyaasha kasoo baxey.

 

1. Guud ahaan odoyaasha iyo cuqaasha gobolku waxey isla garteen marka hore Barnaamijka Galgala uu yahay duulaan qaawan oo lagu soo qaadey Puntland, gaar ahaan beesha degan deegaanka Galgala oo ka tirsan Bosaso. .

 

2.In mas'uuliyada deegaamada Puntland sidii horeyba loogu ogaa xil uu ka saran yahay Dowlada Puntland.

 

3.In laga maarmaan ay tahay siyaasiinta Xukuumada ku jirra, Xillibaanada Iyo Cuqaasha Gobolka u dhashey is kala shaqeeyaan barnaamij gaaban oo ah sidii kooxdan looga saari lahaa Galgala.

 

4.Beesha Deegaanku waxey cadeysay in mar kasta ay taageereyso go'aamada kasoo baxa xukuumada Puntland, dhanka kasta oo ay yihiin maxaa yeelay amniga Puntland waa muqadas .

 

Intaa ka dib cuqaal kasoo jeeda gobolkaasi ayaa u sheegey Idaacada Garowe in baaqoodu uu yahay mid ay ku garabtaagan yihiin xukuumada Puntland iminka shaqeysa , Islamarkaana ay tilmaameen in kooxdan fursada ay isku urur-sadeen u sahashey shaqsiyaad deeganka u dhashey kuwaas oo mudan talaabo ciqaab ah oo lagu qaado, ahna kuwo xiriir la leh ururada mayalka adag ee argagixisada ah waa sida hadalka u dhigeene.

 

Wararka kale oo raacsan baaqa odayaasha ayaa sheegaya in dowladda Puntland maalmahaan dambe diyaar xoogan ugu jirto sidii ay usoo afjari laheyd xaalada ka taagan buurta Galgala iyo agaarkeeda halkaasoo koox ku sugan sheegeen in ay kaga dhawaaqayaan maamul Islaami ah.

 

Kooxahaan ayaa dowladda Puntland rumeysan tahay in falalka argagixida ah ee ka dhaca magaalada Bosaso kuwaasoo lagu dilo saraakiisha ka tirsan Xukuumada Puntland iyo ciidamada.

 

Magaalada Bosaso ayaa caawa fiidkii 14 July,2010 lagu diley saraakal ka tirsan ciidamada amniga ee Puntland.

 

Audio Below

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Chief maxaa ka galay sxb arimaha reer gale? war orood shaqo yeelay wa gunnimo waxaas. anigu ma dhex gali beeshada ee langaab ma ihi.

 

your embarassing yourself and all somalis see thats why your treated like crap in somalia your waxgarads are told to sit in the awdal section of the tfg, then their told you can only get half of what the big clans get and then your told you can not rise above ministerial positions and thats why everyone knows your minority because thats what minority do and thats what your future holds and nothing will change because thats justice and thats why its recognized because its FAIR and the world sees it as fair or else they wouldnt recognize it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Dhahar maxaa ka galay Galgala?

 

Galbeedka Bari way leeyihiin odayaal iyo guurti, iyaga ayay ahayd hadii uu meesha dhib ka dhaco in lagu xaliyo. Laakiin odayaal qol isku soo xirey go'aan ay kasoo saaraan waxyeelo uma noqonayo Galgala.

 

Arinta ah reer Galgala ayaa ka dambeeya dhibkii dhacaba, runtii waa mid loogu gafaaya umada ku dhaqan deegaankaasi. Hadiise ay yiraahdaan maamul ayaan sameysaneynaa oo Puntland baa wax ka qaban weysay, ma argagixisaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this