Sign in to follow this  
General Duke

Presidents Political advisor Azhari states that Government coming to Mogadishu soon

Recommended Posts

Azhari oo sheegay in dowlada ay iman doonto Muqdisho bartamaha bisha soo socota.

 

November, 22. 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

La taliyaha dhinaca siyaasadda madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya Yuusuf Axhari, ayaa waxaa uu sheegay inta ka horeysa 15 bisha December ee soo socota, in si deg deg ah dowlada ugga soo duuli doonto Nairobi ayna fariisin ka dhigan doonto Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ka dib markii si weyn isku af garteen hoggaamiye kooxeed yada hubka ku heysta Magaalada Muqdisho, oo balan qaaday iney dowlada la shaqeynayaan.

 

 

 

Yuusuf Cumar Azhari oo isagu ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, ayaa sheegay in Magaalada Nairobi ay ka socdaan kulamo ay dowladu la yeelaneyso hoggaamiye kooxeed yada Magaalada Muqdisho, wax garadka kala duwan ee beelaha Soomaalida, iyo shaqsiyaadka muhiimka u ah ee aan looga maarmin hawlaha wada tashiga dhinaca nabadda, kuwaasoo ku saleysan qaabkii ay dowladu ku iman laheyd guud ahaan dalka gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Azhari waxa uu intaa ku daray in arrimuhu meel wanaagsan marayaan, lana filayo inta ka horeysa bisha December sida qorshuhu yahay ay dowladu soo gaari doonto Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Yuusuf Axhari waxa uu qeexay in Magaalada Muqdisho ay dowladu ugga sii hor mari doonaan hoggaamiye kooxeed yada awooda ku leh, oo iyagu u sii gogol xaari doona qaabkii ay dowlada u iman laheyd Muqdisho, isagoo sheegay iney ka sii shaqeyn doonaan hawlaha amniga lagu sugayo.

 

 

 

La taliyaha arrimaha siyaasadda Cabdulaahi Yuusuf waxaa kale uu sheegay in fadhigii Golaha Ammaanka ee uu khudbada ka jeediyey madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ay lix iyo tobankii dal ay soo dhoweeyeen hadaladii madaxweynaha, isla markaana ay wax badan ka fahmeen qadiyada Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in sagaashan “90†casho dabadeed la filayo iney go’aano ka soo baxo.

 

 

 

Yuusuf Azhari oo ka hadlayey hadal heynta ciidamada shisheeye ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo aragtida ay ka qabaan dadka Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamadani aaney aheyn sida dadka qaarkii ay u fasirayaan.

 

 

 

“Ciidamadani waa kuwo nabadeed oo nagala qeyb qaadanaya dib u soo celinta sharcigii iyo kala danbeynta dalka, waxeyna tababaro siinayan ciidamada Soomaaliyeed.†Ayuu yiri Yuusuf Azhari, oo intaasi ku daray in ciidamada shisheeye ay ku jiraan rag enjineera ah oo ka qeyb qaadanaya dibu dhiska dalka.

 

 

 

Yuusuf Azhari oo dhinaca kale muujinayey qaabka lagu qancin karo qeybo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo iyagu mabda ahaan ugga soo horjeeda dowlada uu hor kacayo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, ayaa waxa uu tibaaxay iney haboon tahay in culimada iyo dowlada ay yeeshaan fadhiyo ay ku falan qeynayaan waxyaabaha ay fikir ahaan ku kala duwn yihiin, si loo helo xal waafi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The question is how will the president go back to Mogadisho and be safe in his office.

 

 

I doubt the president will have the courage to do that unless he receives support from clans in Mogadisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this