Sign in to follow this  
Wiilo

Murtida Maanta

Recommended Posts

Wiilo   

Murtida Maanta:.....

 

:::::::Majaajillo Xigmadeed:::::::

 

 

Janaayo 2, 2007

Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Muqdisho (6), Kismaayo (2)

 

Prof. Geeddi: Soomaaliya Waa Kililka 6aad ee Ethiopia, Calankii Buluugnaa ee Soomaaliyana waa la Baabi'iyey.....

 

Sarkaal sare oo Ethiopian ah ayaa warbixin gurigiisa ku siiyey Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxana uu uga warbixiyey waxyaabihii dhacay 24kii saacadood ee ugu dambeeyey ka dhacay Soomaaliya, waxana uu sarkaalkii warka ku bilaabay:

 

source:

http://www.somalitalk.com/murti/murti6.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Murtida Maanta:::

:::::::Majaajillo Xigmadeed:::::::

 

Janaayo 3, 2007

Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Muqdisho (7), Kismaayo (3)

 

2005-5-28-meles.jpg

 

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan ahan mid shakhsi ee waa fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawlada.

 

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi markii loo sheegay in Wasiirka Arrimaha Guddaha, ahna ra'iisul wasaare xigeen, Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ee ahaa in Soomaaliya iyo Ethiopia la midaynayo oo la baab'inayo xadka oo hal ciidan ay labada dal yeelanataan, oo sidoo kale Zenawi loo sheegay in madaxda sare ee DKMG ay yiraahdeen arrintaasi waa mid wanaagsan; ayaa dad ag fadhiyey Zenawi waxay arkeen isagoo dhoolla caddaynaya. Markaas ayey yiraahdeen: Ato waa sidee xaalku waa adiga dhoola caddaynaya'e.

 

Zenawi waxa uu ugu jawaabey: Ugu horayn maanta waxaa ii hirgalay arrintii uu Boqor Mililikhii Labaad ku hamiyayey, oo ahayd in aan ka taliyo laga bilaabo Harada Tana ilaa xeebta Liido ee Kismaayo, waxaana arrintaas ii rumeeyey hadalkii uu ku dhawaaqay wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliya, hadalkaas oo ah qorshihii aan Addis Ababa khariidada ugu jeexnay.

 

Waxaa kale oo aan ku qoslay markii Afhayeenka Dawladda Kumeelgaarka ah, Cabdiraxmaan Diinaari, uu yiri hadalka Xuseen Caydiid waa mid shakhsi ah, laakiin waxa uu Soomaalida ka hoos bixiyey: Hadalkaasi waa "vision-ka" Xuseen Caydiid iyo in hadalka waqtiga uu kusoo beegay ayaan munaasab ahayn.

 

Markaan sidaas maqlay ayaan dhoola caddeeyey sida aysan Soomaalidu halkaas u fahmin. Waxaana ogahay in uu ula jeedey "Caydiid waa Shakhsi oo shakhsi ayaa warka ku dhawaaqi lahaa, shakhsigaas oo ah wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka oo si xeel dheer loo doortay in uu warkaas ugu dhawaaqo. Mana jirin qoraal rasmi ah oo warkaas lagu beeniyey iyo cadayn ka hadleysa midnimada qaranimada dalka oo Soomaaliya laga soo saaray maanta.

 

Waxa kale oo aan qoslay markaan maqlay kelmedda "Vision" ee uu adeegsadey Diinaari, kelmeddaas oo aan Soomaalidu fahmin in ay la macne tahay "Qorshaha iyo Aragtida dheer ee la rabo in dal gaaro". Aragtidaas xeesha dheer dalka waxaa gaarsiiya shakhsi. Waxaa arrintaas tusaale u ah Dr. Mahathir Muxamed, Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysiya, hindisihiisii ama Aragtidiisii uu u bixiyey (Vision- 2020) ee uu soo saaray 1990, kaas oo ahaa qorshe 30 sano oo uu rabey in uu dalka Malaysiya noqodo dal horumar ka gaara dhinac kasta. Sidaas daraadeed C/Raxmaan Diinaari waxa uu yiri hadalkaasi waxa uu ahaa VISION-ka Wasiirka Arrimaha gudaha in Soomaalida la hoos geeyo Ethiopia, waa maxay hadalka kale oo Soomaalidu sugeyso.

 

Waxa kale oo aan dhoolla caddeeyey markii aan maqlay in Diinaari yiri "Waxaa jira barnamijyo ama arrimo ka muhiimsan arrintan", iyo in uu yiri "hadalka waqtiga uu kusoo beegay ayaan munaasab ahayn", taas oo uu la jeedey arrintan in Soomaaliya la hoos geeyo Ethiopia waa u soo soconaa marka waqtigeeda la gaaro ee hadda arrimo kale ayaa ka horreeyey. Bal is weydiiya maxaa ka muhiimsan qaranimada dal ama wadajirka dal.

 

Waxa kale oo aan qoslay markii aan maqlay in Xuseen Caydiid yiri: Hadalkii aan iri si khaldan ayaa loo tarjumey. Waan la yaabay halkaas waayo waxa uu ku hadlay AfSoomaali waana laga duubay codka oo ma ahan qoraal keliya. Haddaba waxaan reer Itoobiya u cadaynayaa in hadalkaasi uu ahaa siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda aan geyney Muqdisho oo y ahayd in VISION-keena uu SHAKHSI ku dhawaaqo, shakhsigaas oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Waxaana taas reer Addis Ababa ugu cadaynayaa in aan Dawladda KMG aysan qoraal rasmi ah ka soo saari doonin arrintaas oo ay sidaas kaga aamusi doonaan, taas ayaa daliil idiin noqoneysa in aan gaaray hamigii Boqor Mililkh II.

 

_289111_aideed150.jpg

 

 

Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid

Markaas ayaa Zenawi waxa uu telefoon u soo diray Xuseen Caydiid waxana dhex maray hadalkan:

 

Meles Zenawi: Xuseen ma maqashay in xisbi ka mid ah mucaaradka Itoobiya uu soo saaray warsaxaafadeed. Xisbigaas oo ah Kinijit [CUD] oo qoraalka soo saaray 1999-04-24 (Takhs'as' 24, 1999) sida ku cad Halkan ama Halkan.

 

Xuseen Caydiid: Ato miyaad khaldantay, waxaan ku jirnaa sannadkii 2007 adiguna waxaad ka hadleysaa 1999, waa sidee xaalku miyaad wareertay?

 

Meles Zenawi: Xuseen sidee ayaad ku qaadaneysaa Baasaboorka Ethiopia haddii aadanba la socon taariikhda Ethiopia in ay hadda mareyso 1999. Sidaas haddii aad ka tahay Ethiopia caawa kula hadli maayo ee telefoonka iigu dhiiba Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Xuseen Caydiid: Waa yahay, waakan ee la hadalay.

 

Prof. Geeddi: Jariidada The Standard ee ka soo baxda Kenya, ayaa baaragaaraaf ka mid ah qoraalkeeda waxaa ku jira "Ethiopia waxay duulaan kusoo qaadeen Soomaaliya" [Ethiopians have invaded Somalia....], ee arrintaasi ma runbaa?

 

Mr. Zenawi: Taas hadda ka hadli meyno oo arrimo ka muhiimsan ayaa jira ee aan kaaga warbixiyo waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya 24kii saacadood ee la soo dhaafay: Cabdi Nuure Siyaad "Cabdi-Waal" oo xubin ka aha Isbaheysiga la Dagaalanka Argaggaxisada waxa uu yiri: Hub kayga waxaan wareejin doono haddii iyo haddii oo keliya ay DFKMG qorshe cad la timaado, waxana uu adiga Geeddi ah kugu tilmaamay nin aan qorshihiisa hub ka dhigista ee uu soo jeediyey aysan cadayn. Sidoo kale Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in aysan suurta gal ahayn in maalmo kooban loo qabto in hub lagu ururiyo. Haddaba si aan wax uga qabano arrimaha Cabdi Waal iyo Qanyare, Qaybdiid, Hiiraale iyo qabqalayasha kale waxaan dhammaantood isugu yeeray in ay yimaadaan Baydhabo halkaas oo aan kula kulmi doono, markaan la hadlo dib dambe hadalladaas looga maqli doono.

 

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Prof. Geeddi: Waa gartay...

 

Mr. Zenawi: Waa sidaas ee aan warbixinta Soomaaliya wixii ka dhacay kuu sii wadee: Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinoow Calasow waxa uu sheegay in dekedii 8 saac shaqayn jirtey laga dhigay 24 saacadood taas oo fududaynesa in la dedejiyo cunatada iyo alaabada bagaashka ah ee loo rarayo Addis Ababa maadaama aanaan deked kale haysan.

 

Prof. Geeddi: Haye...

 

Mr. Zenawi: Magaalada Jilib waxaa lagu diley askari kale oo Ethiopian ah, taas oo tirada Itoobiyaanka ee lagu diley Soomaaliya ka dhigeysa 504 askari

 

Prof. Geeddi: Tiradaas ma ku jiraan askarta DFKMG kaga dhimatay dagaaladii?

 

Mr. Zenawi: Maya, kuwaasi waa Soomaali oo waxay ku xisaabsan yihiin Soomaalida dhimatay taas oo tiradoodu ay toban laab ka badan tahay inta ka dhimatay Ethiopianka.

 

Prof. Geeddi: Wan gartay taas. Waxaanse maqlay in Ururka Midowga Yurub ay sheegeen in aysan u ekayn in ay ciidan reer Yurub ah u diraan Soomaaliya, arrinta ciidan u diristuna ay u taal Afrikaanka. Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ahna madaxweynaha Midowga Yurub ee xilligan oo magaalada Brussels kula hadlayey xubnaha ku jira EU ayaa sheegay in ciidamada Nabad Ilaalinta ee loo dirayo Soomaaliya ay "ahaadaan kuwo asalkoodu ka yimid Afrika". Uganda hadda waxay sheegtay in ay 1,000 askari u dereyso Soomaaliya. Marka maxaa ciidamadaas looga baahan yahay haddii aan hal ciidan yeelaneyno oo ciidamadaasi ay yihiin kuwa Ethiopia, Soomaaliyana calankiina la bedeley oo la hoos geeyey Ethiopia?

 

Mr. Zenawi: Waa ciidamo dadka lagu jaah wareerinayo, waayo Afrika 17kii sano ee la soo dhaafay ayey ciidan keeni lahayd xilligii qabqablayaasha haddii ay daacad ka yihiin arrimaha Soomaaliya.

 

 

source:

http://www.somalitalk.com/murti/murti7.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Murtida Maanta@lol..........I missed magaca barnaamijkii caanka ahaa ee berisamaadkii Raadiyaha Soomaaliya ka soo bixi jirey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this