Sign in to follow this  
Siciid1986

Gudoomiyaha Ururka ONLF oo Booqday Ciidankii Jabhada ee Nabada Qaatay

Recommended Posts

Intii uu ku sugnaa magaalada Jigjiga, Gudooomiyaha ururka ONLF Eng. Saalaxdiin Abdiraxmaan Macow ayaa waxa uu booqday xarunta weyn ee ay degan yihiin boqolaal ciidamo ah, oo ka tirsan ururka ONLF. Ciidamadan ayaa waxa ay hordhac u yihiin barnaamijkii nabada ee dhawaan ku baaqeen ururka ONLF.

 

Ciidamadan ayaa waxa jigjiga ku soo dhaweeyey mas’uuliyiintii ururka ee u timid dhaqan galinta heshiiskii xabad joojineed iyo mas’uuliyiintii Dowlada Deegaanka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa waxa ay degan yihiin xarun weyn oo ay u diyaariyiiin Dowlada Degaanka Soomaliyeed.

 

Intii uu Gudoomiyihu ku jirey booqashada ayaa waxa ku wehelinayey, qurbajoogtii dhawaan soo gaartay magaalada jigjiga. Booqashadan ayaa waxa gudoomiyuhu ka yiri dhowr erey oo kooban, isagoo ciidamada u sheegey in ay ku guuleysteen nabadii ay ka soo shaqaynayeen in badan, hada wixii ka danbeeyana ay wadanka la shaqeysan doonaan.

 

Sidoo kale qurba joogta ayaa iyagana waxa ay halkaas ka soo jeediyeen ereyo kooban oo ay kula dardaarmayeen ciidamada.

 

Ugudanbeyntii ayaa waxa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururka ONLF, mudane Abdirashiid Shariif Maxamed, oo ka dhageystey ciidamada baahidooda iyo wixii barnaamij ah ee ay rabaan in ay ka qaybqaataan. Sidoo kale ayuu u sheegey in uu gacanta ku hayo barnaamij horumarineed oo ku saabsan dib u dejinta ciidamada ururka ONLF.

 

 

Gud_ONLF_Booqasho_1.jpg

 

Gud_ONLF_Booqasho_2.jpg

 

Gud_ONLF_Booqasho_4.jpg

 

Abdimalik Askar

Somali Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

That little kid in the picture iyo afarta xerow ee gaagaban miyaa jabhadeeyay?

 

You never know what Eng. Salihudin is up to ,,,

 

Riwaayad bilaa lacag ah ayuu jilayaa... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this