Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Sheikh Abu Mansuur: Regulations on WFP remain unchanged

Recommended Posts

Mas’uul ka tirsan Shabaabul mujaahidiin oo ka Hadley Codsi kasoo yeerey WFP

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka mid ah horjoogayaasha Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ka jawaabey dalab maalintii shaley kasoo yeerey Hey’adda WFP kaasi oo ku aadanaa in laga qaado shuruudihii horey loogu soo rogey.

Abu Mansuur wuxuu sheegey inaysan marnaba suuro gal noqon doonin inlaga noqdo shuruudihii horey loogu soo rogey Hey’adda WFP inta aysan Hey’adaasi oofin dalabkii kasoo baxey Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee ahaa in raashiinka ay gar gaarka ah ee ay ka qeybisho gobolada koonfurrta dalka soomaaliya ay ka iibsato beeraleyda soomaalida ah.

"Waxaa la leeyahay maxaa loogu diiday WFP inay dalka ka shaqeyso, inaguna waxaan leenahay waxay dhibaato ku haysaa beeraleyda Soomaaliya, ilaa ay aqbasho inay raashinka ka iibsato iyagana kama shaqeynayso dalkeenna" ayuu yiri Sheekh Abu Mansuur.

Sheekh Abu Mansuur wuxuu sheegey in raashiinkii ay WFP ay kaqeybin jirtey gobolada kala duwan ee dalka soomaaliya uu ahaa mid laga keeni jirey dalka Mareykanka wuxuuna xusey in tayada raashiinkaasi oo uu ahaa mid aan hagaagsaneyn.

"Halkii loor ee galeyda ah ee laga soo iibiyo dalka Mareykanka wuxuu ku fadhiyaa $50, mana ogola in qiimo intaas ka yar ($10) ay ka siiso beeraleyda Soomaaliya" ayuu yiri Abu Mansuur oo sheegay in beeraleyda Soomaaliya ay kobceen tan iyo markii WFP laga cayriyay Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee beeraleyda ku dhaqan gobolada koonfurta ee dalka soomaaliya ayaa horey si weyn ugu soo dhaweeyey shuruudihii ay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku xirtey Hey’adda WFP waxeyna sheegeen in laga dul qaadey culeys xoogan oo saarnaa Shaqadooda.

 

Harakat Shabaab Al-Mujahideen orders WFP to halt food imports

 

Sheikh Cali Dheere on the WFP suspension of operations in Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this