Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Xaafadaha Addis Ababa Oo Ay Ka Bilaabatay Oohinta Hooyooyinka Tigreega

Recommended Posts

Addis Ababa, 12/24/2006 - Xalay fiidkii ayaa guryo badan oo ku yaal magaaladan Addis Ababa waxaa ka yeereyey oohinta hooyooyinka Tigreega ah ee wiilashooda lagu laayey duleedyada magalaada Baydhabo.

itqr8.jpg

Shantii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa la qiyaasayaa in ku dhawaad 500 oo askarta Tigreega ah lagu laayey dagaal kulul oo wali ka socda duleedyada magaalada Baydhabo oo u dhaxeeya ciidanka Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa Isbaheysiga Soo Celinta Boqortooyadii Abyssinia.

 

"Weynee.....weynee.....weyneeee," iyo erayo la mid ah ayaa ka yeerayo guryo badan oo reerihii degnaa caawa uun loo sheegay in wiilashoodii Soomaaliya u duulaan tagay ay dhamaadeen.

 

Dowlada ayaa isku dayeysay inay qariso baqtiga lixaadka leh ee soo gaaray ciidankeeda, balse waxaa arintaas ka shifay dhaawacyadii la keenay shalay oo shaaca ka qaaday inay dhalinyaro badan oo Tigree ah dib ugu soo noqon doonin guryihii ay marki hore ka duulaan tageen.

 

Ciidanka Tigreega ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 20,000 oo askari.

 

Dhanka kale, waxaa cabsi weyn la soo daristay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, iyagoo ka cabsi qaba in loogu aaro ciidamada Tigreega ah ee sida xad dhaafka ah loogu leynayo gudaha dalka Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa yaqaano qaabka aarsiga foosha xun, isagoo bari uu odayaal Soomaalida ******ya ah la shiray ku yiri "hal nin oo askari Tigree ah maalintey ONLF iga disho, nin idinka mid ah ayaan u dili noocuu doono ha noqdee," taas oo uu Meles ka dhabeeyey, ilaa hadana ah sharciga ay dowladiisa kula dhaqanto shacabka gobolkaa.

 

Hab dhaqanka Meles ayaa ku sababayo inay Soomaali badan oo Itoobiya ku nool cabsadaan inta uu socdo dagaalka.

 

Faysal Macalin

Wabishabeele

Addis Ababa

 

www.wabishabeele.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

This must be upsetting and suddening news to the dishonourable TFG supporters who had difficult time accepting and arguing against the simple fact that in a war, both sides die from the wounds inflicted upon them by the firepower used.

 

While they gloated and smiled, linked to everywhere the dead pictures of somalis killed by the Ethiopians, they vehemently denied and couldn't come to terms even with the remotest chance that it is possible on the side of the Ethiopian army, many died.

 

What is more dishonourable than taking a position like that? Dadka noocaasaa isku dayaaya inay kula hadlaan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ugu yaraan 33 Qof ayaa Ku Dhintay iska-Hor-Imaad ka dhacay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa....

 

 

Tarjumadii SomaliTalk.com | Nov 2, 2005

 

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa tibaaxay in ciidanka Booliska Itoobiya ay rasaas ku fureen isla markaasna bombaanooyin ku tuureen dad shacab ah si ay u aamusiyaan mudaharaadka labada maalmood ka socdey Caasimada dalkaasi ee Addis Ababa. Waxaana shacabku ka mudaharadaadayaan muranka weyn ee ka dhashay doorashadii baarlamaanka dalkaasi. Waxaa rasaastaas ku dhintay ugu yaraan 33 qof, waxaana dhaawacmay 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay weriyeen hay'adaha xuquuq Insaanku.

 

Nin deggan Addis Ababa aya u sheegay hay'adda wararka ee AP, in boolisku ay soo galeen gurigiisii kaddibna waxay rasaasta u ridayeen si aan daymo lahayn iyagoo raadinaya kuwa dhagaxa tuuraya.

Qof dumar ah oo itoobiyan ah oo barooraneysa markii dhaawacii dadka la keenay cisbitaalka Blak Lion, Sawirka: AP

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

War ku soo baxay jariidada USTODAY oo soo xiganeysey AP ayaa yiri "In la laayo dadka shicibka ah waxay dib u dhac ku tahay Ra'iisul wasare Meles Zenawi, kaas oo maamulka Bush ay u muujineen in uu yahay Afrikaan horusocd ah iyo in uu jaal kula yahay dagaalka Argagxisada.

 

Codbixintii la qabtay bishii May 15keedii, taas oo siisay xisbaga EPRDF in uu xukumo baarlamaanka 60% , waxaa loo arkay in ay tahay tijaabinta in ay Meles ka go'antahay samayn isbedel iyo in kale. Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in codbixintaas iyo sanduuqyadii codbixintaba ay hareeyey musuqmaasuq, cabsi gelin, iyo rabshado, waxana ay xisbiga talada haya ku eedeeyeen in uu is-daba-maryeeyey doorshada.

 

Sawaxanka rasaasta iyo qaraxyayada hoobiyaha ayaa Arbacadii hareeyey caasimada Itoobiya. Gawaarida gaashaaman oo ay wataan ciidamo khaas ah ayaa xoog ku muquuniyey wadooyinka ay yaalaan taayirada gubanaya, laguna daadiyey jajabka dhalooyinka.

 

Rabshaduhu waxa ay ku fideen magaalada Addis Ababa oo ay ku nool yihiin 3 million oo qof, waxaana rabshadahaasi qarka u saarmeen goobaha ay ku yaaliin safaaradaha British, French, Kenyan iyo Belgian - safaaradahaas oo dhammaantood ku kala yaal meelo kala duwan oo magaalada ah. Shaqaalaha xarunta UN-ka ee Addis Ababa waxaa loo sheegay in aysan ka bixin xafiisyadooda.

 

Hay'adda AP waxa ay soo werisey in boolisku ay isku xaydaameen Cisbitaalka lagu magacaabo Zewditu Hospital, booliiskaas oo dadka jiidayey, xabsigana u taxaabayey dhallinyarada. Dad indhohooda arrimaha ka socda Addis Ababa ku soo arkay ayaa sheegay in ciidamadu ay xabsiga u taxaabayeen dadka dhallinta yar dhammaan daafaha magaalada.

 

Booliska oo Adeegsadey Sunta Dadka kaga Ilamaysiisa, rasaas iyo Bombaanooyin

 

Tigist Daniel, oo 16-jir ah, ayaa tiri waxaan cisbitaalka keenay hooyaday oo 50-jir ah kaddib markii ay boolisku caloosha ka toogteen.

 

"Waxa keliya oo ay hooyaday samayneysey waxa ay ahayd in ay badbaadiso walaalkay oo dagaalku meel dhexe ku qabsaday. Wexey kasoo oroday guriga si ay isaga usoo qabato, markaas ayaa boolisku iyadii toogteen" ayey tiri gabadhaas 16-jirka ahi. "Qofkii guriga ka soo baxa waa tooganayeen".

 

Abdul Fatal (Waa sida warka AP magaca u dhigaye) waxa uu sheegay in gabadhiisa oo 13-jir, Arabia, ay rasaas finiin ahi ka dhaawacday caloosha iyo lugaha.

 

"Booliska oo raadinaay dadkii mudaharaadayey ayaa xoog kusoo galay aaga gurigayaga, kaddibna waxay rideen sunta dadka kaga ilmaysiisa, kaddibna bombaano" ayuu yiri Abdul oo 44-jir ah. "Kaddib boolisku waxay bilaabeen in ay rasaas furaan kuna soo ridaan aaganaga. gabadhaydu weligeed cid wax ma yeelin.".

 

Urur madax banaan oo ah Itoobiyaan Xuquuqda aadamiga u dooda ayaa sheegay in ay tiriyeen meydkii 33 qof oo ah dadka meydkooda la keenay qaboojiyaasha meydka la dhigo ee cisbitaalada. Dhakhaatiirka shan cisbitaal-na waxa ay sheegeen in qaybta gargaarka degdega ah la keenay 27 qof oo meyd ah, iyo ugu yaraan 150 qof oo dhaawac ah, oo uu ku jiro wiil 7-sano-jir ah oo laga toogtey misigta.

 

Dawlada Itoobiya iyadu waxa ay dhimashada ku sheegtay 11 qof oo shicib ah iyo hal sarkaal oo boolis ah, iyo in ay dhaawacmeen 54 sarkaal iyo 28 shicib ah.

 

Hogaamiyaashii Mucaaradka oo la xirxiray

 

Rabshadihii Arbacada waxaa ka horeeyey rabshado dhacay maalinta Talaadada kuwaas oo ay ku dhinteen sideed qof ayna ku dhaawacmeen 43 qof. Mudaharaadyadan socdaa waxay bilaabmeen kaddib markii maalintii Isniinta la xiray 30 taxi-wade oo ka qayb qaadnayey mudaharaad lagaga soo hor jeedey doorashoyinkii baarlamaanka.

 

Mudaharaadkii maanta (Arcada) waxa uu bilowday saacado kaddib markii xabsiga loo taxaabay hogaamiyaashii mucaaridka. Dhammaan 15kii xubnood ee xisbiga "Coalition for Unity & Democracy" iyo 1,000 qof oo taageerayaashooda ah ayaa xabsiga la dhigay, sida uu cadeeyey qareen u hadlayey xisbiga mucaaridka, kaas oo arrimo ammaan awgeed weydiistey in aan la magacaabin.

 

Mucaaradku waxa ay sheegeen in kumayaal qof oo taageerayaashood ah iyo xubnaha mucaaradka xabsiga loo taxaabay labadii bilood ee ugu dambeeyey. Ugu yaraan 42 qof ayaa boolisku dileen mudaharaadkii Bishii June, sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqul insaanku.

 

Afhayeenka mucaaradka oo magaciisa la yiraahdo Gizachew Shiferaw waxa uu booliska ku eedeeyey in ay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah.

 

Wakiilka Midowga Afrika, Alpha Oumar Konare, waxa uu cambaareeyey rabshadahan cirka isku shareeray iyo nafaha lagu waayey. Waxana uu labada dhinacba ugu baaqay in ay is xakameeyaan.

 

Wasiirka warfafinta Itoobiya, Berhan Hailu, waxa uu yiri 'dawladu waa ka xuntahay, waana ka murugaysan tahay' rabshadaha, kuwaas oo uu ku eedeeyey xisbiga guud ee Mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this