Sign in to follow this  
Abtigiis

Puntland ooy ku cadaatay in ay 2 nin oo ONLF gacanta u galiyeen Ethiopia

Recommended Posts

Abtigiis   

http://www.kilil5.com/news/16433_puntland-oo-ay-ku-cadaatay-in-2-

 

Puntland oo ay ku cadaatay in 2-nin oo ONLF ah ugacan galisay Itoobiya.04/29/08

 

Boosaaso(kilil5)--Maalmahaan ayaa gudaha puntland waxaa ka taagnaa buuq badan oo ku aadan in puntland ay gacan galisay laba nin oo kasoo jeeda deegaanka soomalaida itoobiya ahna ogadaeen kuwaasoo Saraakiil ka ahaa jabhada ONLF arintaan oo ay gaashaanka u daruuurtay xukuumada puntland.

Balse baaritaano ay sameeyeen gudi madax banaan si loo hubiyo sheegashada ONLF ayaa soo xaqiijiyay in labadan nin ee ka tirsan jabhada ka dagaalanta bariga itoobiya(******) ay saraakiil ka mid ugu sareeya maamulka puntland ay gacanta u galiyeen ciidanka nabad sugida itoobiya iyagoo la sii mariyay sida la sheegay dhudub loona sii gudbiyay ilaa laga gaynayay wardheer oo xarun u ah gobolkaaas.

Labadan nin ee loo gacan galiyay ciidanka itoobiya ayaa la sheegay midkood in laga qabtay gudaha hotel ku yaala magaalada garoowe oo lagu magacaabo Global hotel kan kalana bar kaantorool oo ay magaaladu leedahay.Wararka aan helayno ayaa sheegayo in mas'uuliyiinta looga shakisanyahay inay gacan galiyeen uu ka mid yahay wasiirka maaliyada Mr maxamed cali yuusuf (gaagaab).

Bishii hore ayay ahayd markii xubin kale oo ka tirsan jabhada ONlf iyana inta la xiray misana la dilay iyadoo la sheegayo in xabsiga gudihiisa lagu jirdilay isagoo dhaawac ah.Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo ay maamul goboleedka puntland itoobiya ugacan galiso xubno ka tirsan jabhada ONLF amaba ay waxyeelo u gaysato sida dil iwm.

Hanad deeq aaden

Somalia,Galkacyo

Posted in Politics| Top Headlines| Warka Maanta | add new comment »

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

It's all in your head son. I neither denied nor confirmed anything and I have yet to share any views of this matter. I don't also get riddled up each time someone disagrees or an opposing report shows up. Boowe barasho ka hor ha i nicin as my people, Somalis say it.

 

BTW, here's another one dismissing yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Nac meesha ma yaal. But sometimes you think you are too clever and think people can't get where you are driving at. (Bravo. You are vindictated) is one such example; and the fact you are now posting a dismissing one gives me a clue. I appreciate how you are playing the riddle, but would have also liked you to be more honest!

 

And you are also making the mistake, of believing I am relying on Somali webistes. I am well-informed of the subject issue, at least. Taas ha u daymo la'aan. Wixii anigu aan ka warami lahaa, cidnna ka waraysanmaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^I knew that boowe lingo would threw you off. My exact thought. Next time I'll utilize Banaadir one. :D

 

I'm the last person to offer welcoming words to PL admin especially Cadde & Gaagaab but I'm not the type of person to condemn for the sake of popularity or acceptance. I read these reports and make my own judgement. No need to agree with someone out of validation or something else. Midkoo geeljire ahaa ayaan dhexdaas ila daga galay admit you're against Amxaaro shelling on civilians. Admit you're not dabodhilif. I should've told him I'm also against geeljire politicking. I could be wrong but you remind me of such character. Cool off sxb. No one is out to get you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D Geeljire-doontaa ku cuncunaysa ninyahow

 

ive already made up my mind about you .. what side you are on depends on which direction the wind is blowing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariye

 

Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye

 

Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye

 

Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye

 

Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane

 

Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone

 

Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode

 

Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne

 

Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye

 

Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne

 

Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode

 

Qar-rog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode

 

Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye

 

Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye

 

Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye

 

Marbaad qaalimiyo soo celcelin, qaankey didiyeene

 

Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye

 

Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye

 

Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane

 

Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye

 

Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe

 

Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine

 

Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye

 

Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye

 

Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye

 

Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarirayaaye

 

Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye

 

Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude

 

Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye

 

Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle

 

Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane

 

Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye

 

Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe

 

Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye

 

Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone

 

Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule

 

Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saa’id e

 

Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene

 

Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh

 

Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone

 

Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah

 

Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya

 

Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye

 

Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne

 

Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye

 

Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris)

 

Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane

 

Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne

 

Ragbaa kuu qisaasane yaree, qulubka laabtaada

Share this post


Link to post
Share on other sites

midna maaha ......... iska daa meesha oo intii ugu muhiimsanayd waanigaa ka soo copy gareeyay ee enjoy ,, oo weliba xafid si aad dadka ugu akhrido ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this