Sign in to follow this  
Fiqikhayre

12th April National Army Day Celebrated hugely in Puntland hundred of troops parade!

Recommended Posts

Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

News20264121510457706.JPG

 

Waxaa maanta si weyn looga Dabaaldegay Puntland gaar ahaana Caasimada Puntland ee Garowe Xuska 12April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

 

Dabaaldegan oo ahaa xuska sannadguuradii 50aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegnayd asaaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ah 12kii April 1960.

 

 

Xuska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya dabbaaldegiisa ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Ciidamada ee 54aad ee ku taal duleedka Magaalada Garowe.

 

Dabbaaldegan lagu xusayey maalinta Ciidanka Xoogga ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Gen:Cabdisamed Cali Shire,Wasiiro,saraakiisha Ciidamada iyo marti sharaf kale iyo weliba Saxaafadda.

 

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay horkacayaan Ciidanka Baanboyda ayaa iyagoo Cutubyo u socda waxa ay socod ku mareen Xerada 54aad halkaasi oo ay ku sugnaayeen Madaxda sare iyo saraakiisha Ciidamadu,waxaana salaan sharaf halkaasi kaga qaatay Ciidamada Madaxweyne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Gen:Cabdisamed Cali Shire.

 

Salaan ka dibna waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyey Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland ahna sii hayaha xilka Taliyaha Ciidamada Puntland Col:Deyr X.Cabdi Iska Toos,ugana warbixiyey qabanqaabada dabaaldegga isagoo uu sheegay in ay u harsan yihiin waxyaabo kale oo badan oo ay ugu talagaleen xuska 12April,intaasi ka dibna waxa uu Taliyuhu hadalkii ku wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamed Cali Shire wuxuuna ugu horraynba Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan,Ciidamada Daraawiishta Puntland waa kuwa maanta Matelaya Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed una dabaadegaya waayo maanta ma jirto meel kale oo laga xusaya aan ka ahayn Puntland waxayna taasi kuu xaqiijinaysaa Soomaalinimada Puntland halka ay ka taagan tahay.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Ciidanka ugu ballanqaaday in maanta Ciidanka laga farxiyo loona qalo Geel iyo Ariba.

 

News20264121510457706.JPG

 

News20264121510457706.JPG

 

News20264121510457706.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali National Army Day Commemorated in Puntland.

 

News205941211102390706.jpg

 

Puntland Administration commemorated the National Army Day this morning. The national day was marked at the 54th Army Base located in the Administrative capital, Garowe.

 

H.E Brigadier General Abdisamad Ali , the current vice-president,presided over the ceremony which was attended by Members of the Puntland Cabinet, Security Officers, members of the Puntland Parliament, the media and members of the public.

 

The event kicked off at 8:00 am with a parade led by the Puntland Army Band playing patriotic melodies, followed by security forces marching gallantly infront the jubilant spectators.

 

Next, a guard of honour mounted by security forces was inspected by the Vice-president, H.E Abdisamad Ali Shire accompanied by senior authorities from the Puntland Government.

 

Colonel Deyr, the acting commander of the Puntland Security Forces opened the ceremony with praise for the professional parade skills displayed by the forces. Then he welcomed the guest of honour to the podium.

 

In his speech,the guest of honour Vice-president Abdisamad Ali Shire explained that the Puntland Security represented the strength of the Somali people.He praised the historic defence that the National Somali Army carried out for the country and lamented their disintegration during the civil war.

 

The young and hopeful faces of the Puntland security forces glistened in the hot morning sun, as they listened to the speeches attentively.

 

The new administration has been keen on professionalizing and motivating the security forces. Currently a number of the forces are enrolled in security courses aimed at building their professional capacities. In addition to this, regular and timely payment of salaries has improved the committment and loyalty of the security forces to their noble duty.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Puntland oo Ciidankii ugu xooganaa Maanta kala qeybqaadatay Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

12. april 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Maanta ka qeybqaadatay Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee 12-04-2010,waxaana Xerada Milatariga Puntland ee 54-aad lagu qabtay Munaasabad aad u weyn oo lagu xusayo Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

Munaasabadan oo ay ka qeybqaateen Kumanaan ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ee Puntland,waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Jen,Cabdisamed Cali Shire,Wasiiro,Xildhibaano

&Saraakiil katirsan Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ay kamidm yihiin kuwa Daraawiishta,PIA-da,Birmadka,Madaxtooyada & Booliska Puntland.

 

Ciidamada Daraawiishta ee Puntland oo labisan Dirays Dhawaan lasiiyey ayaa soo bandhigay Gaardis & gaada ka ciyaar ay halkaas ku sameeyeen,waxayna Ciidamadani salaan siiyeen Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland jen,Cabdisamed Cali Shire & Dhamaan Mas'uuliyintii kale ee kala qeybgashay Xafladan.

 

Xafladan oo Saacado badan socotay ayaa waxaa kahadlay Madax farabadan oo ka tirsan Dawlada Puntland,waxayna Muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin inay ka qeybqaataan Xaflad lagu xusayo Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Dawlada Puntland ay si gaar ah u xusayso,waxaana Dadkii halkaas ka hadlay kamid ahaa Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland.

 

Cabdisamed Cali Shire oo halkaas hadal dheer kasoo jeediyey ayaa ka hadlay Maalintan & Qiimaha ay u leedahay Dhamaan ummadda Soomeeliyeed,wuxuuna Madaxweyne xigeenku sheegey in Ciidanka Puntland looga baahan yahay inay si gaar ah Dalkooda u ilaashadaan Maadaama ay cadowyo badan leeyihiin.

 

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada kaladuwan ee Dawlada Puntland ayaa iyana halkaas ka hadlay,waxayna Madaxdani sharxeen sida ay Muhiimada u leedahay Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,iyagoo soo hadal qaaday waxqabadyadii Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed oo imika aanan guud ahaanba dalka Soomaaliya ka jirin tan & Markii ay Bur-Burtay Dawladii Dhexe ee Soomaaliya oo Imika 20-Sano laga joogo.

 

Maalimii lasoo dhaafay Waxaa Xeryaha kaladuwan ee Ciidamada Punland laga dareemayey Ciidamada Puntland oo isku diyaarinaya inay Xusaan 12-04-010 oo ah Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay Ciidamada Puntland sanadkan u egyihiin inay yihiin kuwii ugu tirada & Hubka badnaa ee ay Dawlada Puntland yeelato Sanadihii ugu danbeeyey oo Bur-Bur laga dareemayey Ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo aad u yaraaday Dhamaadkii waqtigii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Jen,Maxamuud Muuse Xirsi.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dowlada Puntland

 

Garowe, 12 April 2010

 

Deeganada Puntland oo laga xusay as aaskii kasoo wareegay ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ku beegan maanta oo tariikhda tuhay 12 April- 2010, waxaana lasoo ban dhigay Dhoola tus Milateri oo lugu xusayay maalintii la asaasay ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku aadaneyd 12 April-1960-kii, ayadoo maanta lugu qabtay deegaanada Puntland, gaar ahaana magaalo Madaxda dawladda Puntland ee Garowe halkasoo ay dhuulatusyo milateri ku soo bandhigeen ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland.

 

Dhoola tuskan ayaa ka dhacay xeradan 54aad ee kutaala duleedka magaalada Garowe, waxaana halkaasi hadalo qiiro xambaarsan oo ku aadan xuska maanta ka jeediyey Madaxda dawladda Puntland, kuwasoo horay uga soo mid ahaan jiray ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed qayb libaax lehna ka soo qaatay dagaaladii lugu difaacayay xornimada Jamhuuriyadii hore ee Soomaaliya, xiligii bari saamadkii (intaan waaqlahi iyo wareerku dhicin)

 

 

Waxaana ugu horeyntii qudbad shuucurta dadka kicisay ka jeediyay goobtaasi Madaxweyne ku xgeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire, wuxuuna sheegay in ciidamada Daraawiishta ee Puntland ay yihiin kuwo xilgaan xaadirka ah matalaya oo u taagan xooggii dalka Soomaliya ee bur buray kuwasoo qayb libaax ka qaatey difaca dalka,hase ahaatee kala tagey intii uu socdey xasuuqii Caasimada,sidoo kale Fanaaniinta Puntland ayaa kaalintooda hoose ku soo bandhigay goobtii u xuska kasocdsay heesahooda ay ku muujinayeen qiimaha ciidamadii xoogi dalka Soomaaliyeed ay lahaayeen, ka hor intaan kibirka iyo aabiiga loo xasuuqin qaar ka mid ah bulsha weynta Soomaaliyeed waxeyna tahay maanta maalin dad badan ay xasuus iyo qashuuc galayaan.

 

Dhoola tuskaan ayaa ahaa sanadguradii 50-aad ee kasoo wareegtay asaaskii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,munaasabadaan xuska ah oo bilaabatey 8:00 aroornimo ayaa waxaa ka qayb galey Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Gen Cabdi Samada Cali Shire, sarakiisha ciidamada Darawiishta Puntland, Wasiiro iyo xubno ka tirsan golaha wakiilada shacabka Puntland.

 

Waxaana saaka si weyn looga daawanayay caasumada Puntland gaada ka cayaarka ciidamada daraawishta Puntland ku mareen xerada 54-aad iyaga oo kooxda Bambooyda garaacda horkaceyso ayaa salaan siiyey Madaxweyne ku xigenka Puntland iyo sarakiisha dowladda oo halkaas ku sugnaa.

 

Ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxaa la asaasay 1960-kii waxaana waqtigaas ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay gumeystayaashii reer galbeedka ahaa ee kusoo duulay gayiga Soomaaya ,waxaana taliyihii ugu horeeyey noqday waqtigaasi Gen. Daa'uud Cabdile Xirsi (Jen. Daa'uud), ayadoo ay kuxigeeno unoqdeen Gen. Maxamed Siyaad Barre iyo Gen. Maxamed Ibraahim Axmed (Liiq-liiqato)

 

Waxeyna bur bureen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed 1991 xiligii gumaadka loo geystay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed,waxaana xiligaas hogaanka ugu sareeya ahaa Gen.Maxamed Farax Ceydiid jabhadii la oronjiray UNC ee ku kuftay caasimadii hore ee Soomaaliya.

 

Allidamaale.com Cabdiwali

office of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Qalabka Sida Puntland oo Saaka Xusay Maalinta ciidanka Qalabka Sida.

 

14415.jpg

 

Xerada 54aad ee duleedka Magaalada Garowe Caasimada Puntland waxaa ku soo gabagabowday xaflad balaaran oo siweyn loo soo agaasimay Taas oo ay ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay ku xusayeen xuska Maalinta ciidanka Qalabka sida ee Somaliya.

 

Munaasabadaasi oo ay ciidamada Maamulka Puntland ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyagoo dabaal deg weyn u sameeyay maalintan ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Puntland sida Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

 

Hadalo qiimo badan leh oo lagu xusayay maalintan manta ah oo ku beegan tahay sanadguuradii ciidanka qalabka sida Somaliya ayaa waxaa ka soo kala jeediyay madaxdii goob jooga aheyd iyadoo ugu dambeyntii uu ciidanka Qalabka sida goobtaasi salaan kaga qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire.

 

Ugu dambeyntii xalad balaaran oo siweyn u qurux badan ayay soobandhigen ciidamada Maamulka Puntland iyagoo muujinayay farxad iyo reyn reyn, qeybtooda Bambeydana ay tumayeen musica Astaanta Qaranka Dalkan Soomaaliya.

 

Sawiro iyo Faah faahino intaan dheer kala soco wararkayaga Dambe.

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Puntland oo Xusey Sanad-guuradii 50-aad Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Manaasabad ka Dhacdey Xerada 54-aad ee Garoowe

 

Garooowe:(Radiolaascaanood)

 

Boqolaal Katirsan Ciidamada Daraawiishda Dawlada Puntlandna ayaa Maantey Soo Dhaweeyay Munaasabada Xuska Sanadguuradii 50-aad Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay Taariikhdu Maantey ku Beegneyd 12 04 2010

 

 

Xuska Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Ay Maantey Matalayeen Ciidamada Daraawiishta ee Dawlad Puntland ayaa Xuskaan Waxaa Sanadguurada Lagu Xusayay Lagus Soo Bandhigey Xerada 54aad oo Ku Taala Duleedka Magaalada Garoowe

 

 

Waxaana Manaasabada Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeedka Kasoo Qey-qaatey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane General Cabdi Samad Cali Shirre Xubka Ka Tirsan Golaha Xukuumada Dawlada Puntland Qaar Ka Mida Golaha Wakiilada Dawlada Puntland iyo Saxaafada Gobolka Nuugaal

 

 

Ugu Horeyntaa Waxaa Salaan Qiimo Badan Siiyay Kusimaha Madaxweynaha Gaashaanle Sarre Ayax Maxamed Ducaalle oo Horkacayay Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Dawlada Puntland.

 

 

Dhinaca Kale Waxaa isna Ka Hadlay Munaasabadaan Qiimaha Badan Dhame Siciid Bootaan oo Tix Gabey ah kasoo Jeedinaya Halkaaasi iyadoo uu ku Muujiyay Dareenkiisa ku Aadan Xuskaa Maalintaan Soomaaliya kuweyn.

 

Intii Ay Socotey Xuska Soo Dhaweynta Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa Waxaa Muuqatey Ciidamada Daraawiishta oo Muujinaya Astaamahii Lagu Yaqaaney Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed iyadoo Kooxda Baanbeyduna Qeyb Muhiima Ay ka Qaateen

 

Ugu Danbeyntii Waxaa Goobtaasi ka Hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland G. Cabdi Samad Cali Shirre oo Sheegey iney Sharaf u Tahay Puntland Xuska Maalinta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Xuskaana uu Daliil u Yahay in Dawlada Puntland Wali ay Hiigsaneyso Nadaamka Faderaalnimo Diyaarna u Tahay Xuskasta oo Qaranimo

 

Munaasabadaan Ayaa Waxaa ay kusoo Gaba-Gaboowdey Jawi Aad u Dagan iyo Sidii Loogu Talagay Mana Ahan Markii ugu Horeysey oo Dawlada Puntland ay Xusto Manaasabadaha Lagu Xusayo Maalmaha Qiimaha Badan ee Qaranka Soomaaliyeed

 

Jamac Maxamed Nuur (Jeelle)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo xustey maalnta ciidanka

 

11 Apr 11, 2010 - 11:30:58 PM

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la hadlaya ciidamada.

Waxaa maanta 12 April, 2010 laga xusey maamulka Puntland maalinta xooga dalka Somalia taasoo lagu qabtey qaybta 54 aad oo ku taal duleedka magaalo madaxda Garowe. Xuskaan ayaa ahaa sanadguradii 50 aad ee ciidamada Xoogga dalka Somalia.

 

Munaasabadaan xuskaan oo bilaabatey 8:00 aroornimo ayaa waxaa ka qayb galey Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Gen Cabdi-samada Cali Shire, sarakiisha ciidamada Darawiishta Puntland, Wasiiro iyo xubno ka tirsan golaha Barlamanka.

 

 

Ku-xigeenka ciidamada Daraawiishta Deyr oo la hadlaya ciidanka

Socod ciidamadan ku mareen xerada dhexdeeda iyaga oo kooxda Bambooyda garaacda horkaceyso ayaa salaan siiyey Madaxweyne ku-xigenka Puntland iyo sarakiiha dowladda oo halkaas ku sugneyd.

 

Salaantan kadib ayaa waxaa halkaas ciidamada hadal kooban u jeediyey Taliye ku-xigeenka ciidamada Daraawiishta Puntland Deyr ahana ku-simaha.

 

 

Ciidamada Darawiishta Puntland oo maraya xuska xoogga dalka Somalia

Madaxweyne ku-xgeenka Puntland Cabdi-samad Cali Shire oo halkaas isaguna hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegey in ciidamada Daraawiishta Puntland yihiin kuwa matalaya xoogga dalka Somalia ee bur-burey kuwasoo qayb libaax ka qaatey difaca dalka balse kala tagey intii uu socdey dagaalka sokeeye.

 

Ciidamada halkaas socodka ku marey oo warsidaha GO dhexqaadey ayaa sheegey in niyadooda aad u sareyso madaama maamulka hadda ka arrimiya uu xuquuqdooda u soo celiyey.

 

Ciidamadan oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa mushaharadkooda iyo xuquuqdooda kale ay leeyihiin qaadanyey tan iyo inta la doortey maamulka Farole hogaamiyo Jan,2008.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this