Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xiisado Colaadeed

Recommended Posts

i have read that some Americans in the west have made modern houses out of those ubiquitous chinese containers, perhaps the bososans are testing that idea with jails first.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan aqyaarta xilkaska ah:

 

N. Nugaal: Walaal Magaalada Boosaaso waxaa ku yaala xabsiyada kala ah: Xabsiga Biyo kulule oo ahaan jirtey meeshii Hanuuninta waqtigii hore oo loo badalay xabsi, iyo Stationka la yiraahdaa Baalade. Midka sadexaad waa xabsiga dekeda oo ah Koonteenaro dadka lagu soo xiro, kuwaas oo geesaha ku leh doloolo ay dadka ka neefsadaan.

 

One man gang: Ninka leh Majiyahan xoogbaa lagu soo qaadayaa: Taariikhdu waa dahab hadaad dib u raaceyso. Bal eeg taariikhdii suugaanyahankii reer sool Dr. Cabdulaahi Spanish uu ka gabyey:

 

Yaaquud markuu huursanaa, halabsigii maagay

Majiyahan si aan loo hantiyin, hoobiyaa dhacaye

Wrsngli hubkii inu ka xigay, hubanti weeyaane

Bagaa dhalad halgamey tuugtu way, na holinaayeene

 

Iyo markii uu lahaa abwaankii reer Sanaag

 

Horornimada qaar keed marbay kuu hednoqotaaye

Hunguri baan wadku umuuqan oo hoos waxba udeyine

Haraanka ini muuse iyo gaaray huruntiisa

Ku hungoobe hadaf kuu watiyo himiladisiye

Waataa hilbaha reer cismaan haadka looqubaye

 

Marka waxaan ku leeyahay waan sugaynaa riigag ha keensadaan sideese looga dhaamin doonaa. Hantida waa hanti qaran waxaa iska leh: 5 Soomaali, waajibkana inaga ayuu ina saaranyahay ilaalinteeda iyo sidii looga dhowri lahaa nin ay qaad iyo qamri ay shirkaduhu u qaadaan in hanta qaran lagu qaato hay’haatay ka tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midka sadexaad waa xabsiga dekeda oo ah Koonteenaro dadka lagu soo xiro, kuwaas oo geesaha ku leh doloolo ay dadka ka neefsadaan.

:D:D:D:D

 

 

That is all what i needed to know ,,, now i know odayga in halkaas lagu xidhay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaaso:- Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Sanaag ayaa ka hadalay Xadhiga loo gaystay Nabadoon Cabdi Faarax Cilimi,isaga oo daboolka ka qaaday inuu xadhigaasi ahaa mid aad sharciga uga fog isla markaana looga baahan yahay inay Maamulka Puntland raali galin Deg Deg ah ka bixiyaan

 

Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed ayaa oo ka mid ah Nabdoonada ugu caansan Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay Maamulka Puntland ku gafeen xadhiga Nabadoonkaasi ee ay dhawaa Xidheen, waxa uu sheegay Nabadoonkaasi in si Sharci daro ah Gurigiisa looga kaxeeyay isaga oo aan waxba la Su"aaln la geeyay Jeelka.

 

Nabadoon Maxmuud Xasan Maxamed oo nala soo xidhiidhay ayaa shaaca ka qaaday inay Nabadoonada Gobolka Sanaag dhawaan shir Deg Deg ah ka yeelan doonaan Tacadigaasi lagu kacay Nabadoonka,waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland in badan ay ku soo dheereeyee Nabadoonada Gobolka Sanaag, Balse arinkaasi dhawaan wax laga qaban doono.

 

Nabadoonka ayaa sidoo kale ka hadalay Doorka ay Maamulka Puntland ka ciyaaraan Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay ka Gaabiyeen oo aanay waxa shaqo ah ku lahaya Talada Gobolka Sanaag isaga oo farta ku fiiqay inay Talada Gobolak Gacanta Nabadoonada Ku jirto.

 

Waxa uu dhaleeceeyay Hadafka ay Maamulka Puntland ka leeyihiin Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay kula wareegayaan Qori dable,iyaga oo doonaya inay Colaad ka horiyaan Gobolkaasi oo haatan ah mid Nabdoon.

 

Hadalka Nabadoonka ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan Xidheen Maamulka Puntland Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi,iyaga oo ku eedeeyay inuu maleegayay ciidamo ka dhan ah Maamulka Puntlnd oo fadhiisinkoodu yahay Magaalada sida wayn loo Ilaaliyo ee Majiyahan, Waa sida ay Hadala u dhigeen maamulka Puntland.

 

Ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin Maamulka Puntland xadhigaasi ay ugasteen Nabadoon Cabdi Faarax Cilimi oo ay dhawaan xidheen Ciidamo la sheegay inay ka Amar qaadaan wasiirka Amniga ee ee Puntland C/laahi Siciid Samatar oo inta badan la sheegay inay saaxiib dhawyihiin Cade Muuse,isla markaana ay isku beel ka soo jeedaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

 

LaasqorayNet/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this