Sign in to follow this  
Emperor

Faroole's first tour of the state as President of Puntland + massive welcome:PICS

Recommended Posts

Originally posted by Gheelle.T:

Afro, If you knew it why asked in the 1st place? Every time I see you in one of this kind of post/threads about PL, you are either arguing for the sake of it or questioning something about PL. Why do you really care if I may ask?
:D

Or he is daring someone to come Ceerigaabo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha PL oo gaaray Bosaso

3 Feb 3, 2009 - 5:12:42 PM

 

Waxaa maanta [Feb. 3] si diiran looga soo dhaweeyay Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo ay ka mid yihiin Madaxweyne xigeenka Gen. C/samad Cali Shire, Wasiirka A/Gudaha Gen. C/llahi Axmad Jamac iyo Dr. Farax Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Puntland.

 

Madaxweyne Farole ayaa inta uusan tagin Magaalada Bosaaso ka tegay waaberigii saakay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo maalintii shalay galinkeedii horay gaaray waxuuna intii uu joogay Magaalada Qardho kulama la qaatay waxgaradka Gobolka, Maamulka Gobalka kan degmada iyo Saraakiisha amaanka waxuuna kala arrinsaday sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka Gobalada Puntland. Madaxweynaha ayaa sii maray degmada Carmo ee Gobolka Bari.

 

Dr. C/raxmaan Farole ayaa markii uu gaaray Magaalada Bosaaso durbaba kulama la qaatay Waxgaradka Gobalka Saraakiisha amaanka qaybaha kala duwan ee bulshada waxuuna uga warbixiyay waxa uu la xariiro socdaalka uu ku soo gaaray Magaalada Bosaaso oo ah rugta ganacsiga ugu wayn ee Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland.

 

"Aniga iyo kuxigaynkayga C/samad Cali Shire waxaanu bedalnay labadii naga horaysay waxaana doonaynay, waxa ay ahaayen isbedal lugu sameeyo Gobolka uma aan bedalin in aan gudan wayeno wixii noola doortay" sidaa waxaa yiri Dr. Farole oo ah xili uu ka hadlay kulan maanta uu la qaatay Waxgaradka Gobolka Bari ayna goob joogna ka ahaayeen Maamulka Gobolka Bari.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu sii wadi doono kulamada uu la qaadanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso waxaana sidoo kale la filayaa in uu u kuur galo ilaha dhaqaalaha madaama Magaalada Bosaaso ay tahay rugta ganacsiga Puntland, ahna meesha ugu badan ee dhaqaaluhu ka soo xeroodo si uu dib u habayn ugu sameeyo kala daadsanaanta ka jirta dhanka maaliyadda iyo maamulka dhaqaalaha.

 

Safarkaan Madaxweynaha waa safarkii ugu horayay ee uu ku tago Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari tan iyo xiligii loo soo doortay xilka Madaxtinimada Puntland, waxaana soo dhaweyay soo garida Magalada Bosaaso Shacabka ku dhaqan iyadoo saakay aroortii hore heegan u galeen Shacabku sidii ay u soo dhawayn lahayen wefdiga Madaxwaynaha waxaana wadooyinka waa wayn gaar ahaan wadada laamiga ah lugu arkayay boqolaal dad ah oo wata caleema qoyan iyo borar ay ku qornaayeen soo dhawoow Mudane Madaxweyne, waxaa sidoo kale kaalin ka qaatay Ururka Haweenka Gobolka Bari oo eraya sugaaneed ku soo dhawaynayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this