Sign in to follow this  
Saalax

Beesha Galbeed-Burco Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaanka Ku Dhufatay

Recommended Posts

Saalax   

Beesha Galbeed-Burco Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaanka Ku Dhufatay Inaan Gabooye Ku Biiraya Wax-ba Ka Jirin,

 

 

Burco-16-December-2009(Hadhwanaagnews): Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Beelaha Galbeedka-Burco oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan Boqolaal qof oo ka kooban qeybaha kala duwan bulshada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

 

 

ibxvgwn2xoqnut7owrr9.jpg

 

 

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Salaadiinta, Cuqaasha, Ganacsatada, Aqoon-yahanada, Culima’udiinta iyo Xubnaha golaha deegaanka Burco(Council) beesha kaga jira ayaa gebi ahaanba gaashaanka ku dhuftay warar beryahanba la isla dhexmarayey oo sheegayey in la kuul-careeyo laguna soo daro beelaha Galbeedka Burco jilibo ka mida beesha Gabooye oo iyana la yidhaahdo ilma KUUL oo loona balamay in lagu ansixiyo shir la sheegay in uu ka dhici doono 21/1/-2010 magaalada Burco in aaney haba-yaraatee waxba ka jirin, beesha Galbeedka-Burco-na aanay aqbaleyn.

 

 

Sidaa waxa lagu sheegay Warsxafadeed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco, warsxafadeedka oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

“Haddaba, dood dheer iyo falanqayn ka dib markii laga eegay dhinac walba xagga diinta islaamka iyo xag dhaqanba waxay soo saareen beeshu go’aamadan hoos ku xusan:

 

 

1- Ugu horayn majiro shir ay wada yeelanayaan beelaha Galbeedka Burco iyo Gabooye (Kuul) oo ka ka dhici doona magaalada burco lagagana wadahadli doono arinta ah in jilibo ka mid ah gabooye lagu soo biiriyay beel-weynta Galbeedka Burco.

 

 

2- Beeshu ma ogola barnaamijka loo bixiyay kuul-caraynta, mana jiro shir hordhac ahaa oo beelaha habaryoonis yeelatay kuna go’aansatay in lagu soo biiriyo beesha gabooye. Waxaana la qaatay go’aankaas ka dib markii la eegay dhawr arimood oo kala ah: Diinta islaamku ma ogala in qof ama mujtamac laga raro nasabkiisii xaqiiqda ahaa loona raro nasab kale. Beeshuna may fahmin ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa barnaamijkan kuul-caraynta ah.

 

 

3- Waxaanu ogaanay in dadka u ololaynaya barnaamijkan kuul-caraynta In ay yihiin xubno ka mid ah qurbo joogga beesha (diospores). Sidaa daraadeed waxaanu kula talinaynaa xubnahaas in ay ilaaliyaan sharafta reerka isla markaana xaqdhawraan madax-dhaqameedka iyo waxgaradka joogga dalka gudihiisa, kalana tashadaan inta aanay qaadan talaabo masiiriya.

 

 

4- Beeshu waxay u aragtaa dhib kale oo loo gaysanayo in ay tahay walaalaha gabooye haddii laga raro nasabkoodii loona raro nasab kale. Sidaa darteed waa in camal kasta oo la qabanayo la waafajiyaa shareecada islaamka.

 

 

Saxeexa War-saxaafadeedka:

 

 

Suldaanaka Guud ee beelaha Galbeedka Burco

 

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar

 

 

Xubanaha Ka soo qayb galay shirka ee iyana ku saxeexan warsaxafadeedka oo dhamaystiran boqol xubnood.

 

 

1 Aadan Max´ud Xayd

 

 

2 Aar Saxardiid Ismaaciil

 

 

3 Aw yuusuf Max´ed Cige

 

 

4 Axmed Aw Cumar Cali

 

 

5 Axmed Cilmi Cige

 

 

6 Axmed Daahir Cabdi

 

 

7 Axmed Gaariye Ismaaciil

 

 

8 Axmed Suldaan Aadan Suulcayn

 

 

9 C/fataax Axmed Xasan

 

 

10 C/laahi Aw Muuse Xasan

 

 

11 C/laahi Barre C/raxmaan

 

 

12 C/laahi Cabdi Cilmi

 

 

13 C/laahi Cumar Cabdi

 

 

14 C/laahi Xasan Muumin

 

 

15 C/nuur Xusein C/laahi Amaan

 

 

16 C/qaadir Muuse Xasan

 

 

17 C/samad Daahir Aadan

 

 

18 Caaqil Axmed Max´ed Cali

 

 

19 Caaqil C/Qaadir Damal Xasan

 

 

20 Caaqil C/Risaaq Cumar Aw Diiriye

 

 

21 Caaqil Cabdilaahi Cilmi Cumar

 

 

22 Caaqil Cali Kediye Jaamac

 

 

23 Caaqil Cismaan Jaamac Max´ud

 

 

24 Caaqil Faarax Xuseen Gaabuush

 

 

25 Caaqil Huruuse Max´ed Gaaxmaal

 

 

26 Caaqil Ismaaciil X Max´ed Yuusuf

 

 

27 Caaqil Mahdi Jaamac Cumar

 

 

28

 

Caaqil Max´ed Faarax X Jaamac

 

 

29 Caaqil Max´ud Caaqil Yuusuf Caaqil Cawed

 

 

30 Caaqil Rashiid Cali Cabdille

 

 

31 Caaqil Xayd Ismaaciil Jaamac

 

 

32

 

Caaqil Yuusuf Cabdi Diiriye

 

 

33 Cabdi Max´ed Cali

 

 

34 Cali Axmed Jibriil

 

 

35 Cali Cabdi Faarax

 

 

36 Cali Max´ed Jaamac

 

 

37 Cali Max´ed Qaanbiil

 

 

38 Chief Caaqil Baashe C/laahi Ibraahim

 

 

39 Chief Caaqil Max´ed Daahir Cabdi

 

 

40 Cilmi Maxamuud Saalax

 

 

41 Cismaan Ibraahin Nuur

 

 

42 Cumar Axmed Xayd

 

 

43 Cumar Farax Cabdille

 

 

44 Dr Ciise Nuur Liibaan

 

 

45 Dr. C/raxmaan Axmed Raage

 

 

46

 

Faarax Yuusuf

 

 

47

 

Ibraahin Cabdi Saxar

 

 

48 Ismaaciil Aw Cabdi Cali Gaax

 

 

49 Ismaaciil Cabdi Dacar

 

 

50 Jaamac C/laahi Xusein

 

 

51 Jaamac Sidiiq X Cali

 

 

52 Jaamac Yousuf Cali Boos

 

 

53 Maax Hogod Xandulle

 

 

54 Max,ed Farax Laangadhe

 

 

55 Maxamed Axmed X Jaamac

 

 

56 Maxamed Axmed Yaasiin

 

 

57 Maxamed Cabdilaahi Jaamac

 

 

58

 

Max´ed Aadan Warsame

 

 

59

 

Max´ed Aw Max´ud Xasan

 

 

60 Max´ed Ayax Warsame (Faroole)

 

 

61 Max´ed Jaamac Waraabe

 

 

62 Max´ed Liibaan Xasan

 

 

63 Max´ed Xaaji Axmed Diiriye

 

 

64 Max´ud C/laahi Axmed

 

 

65 Max´ud Firdhiye

 

 

66 Max´ud Kabadheere

 

 

67 Mursal Aadan X Ismaaciil

 

 

68 Muxumed Max´ed Abokor

 

 

69 Rashiid X C/laahi X Diiriye

 

 

70 Salaan Ayjeex

 

 

71 Saleebaan Aw Daahir Cali

 

 

72 Shaakir Max´ed Odowaa

 

 

73 Sheekh Cali Mahdi Ismaaciil

 

 

74

 

Sheekh Cismaan Ibraahim Faarax

 

 

75 Sheekh Khadar Jaamac Mirre (Albayaan)

 

 

76 Sheekh Max´ed Cali Yousuf

 

 

77 Sheekh Mustafe Aadan Max´ed

 

 

78 Sheekh Saleebaan

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this