Sign in to follow this  
Emperor

Tension's high in Kismayo, Huuraale militia regroup after UIC troops enter the city

Recommended Posts

Emperor   

Kismaayo: Colaado ka jira Magaalada Kismaayo.

13. august 2008

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Wararka AllPuntland ka soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay caawa halkaasi ka jiraan xiisado coladeed ,markii sida lasheegay Maleeshiyada magaalada gacanta ku heysta ay ka soo horjeesteen kulan dhawaan Magaalada ka dhacay.

 

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa Magaalada jooga ,waxa ayna Maleeshiyada Magaalada gacanta ku heysa sheegeen in ay weerarayaan goobo ka mid ah Magaalada oo ay joogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Saxansaxada dagaal ee lasheegayo waxaa lasheegay in ay hor boodayaan Siyaasiin horey umaamulijirtay Magaalada Kismaayo ,imikana si dad badan umaamulaya waxaana lasheegayaah in ay jiraan Abaabul dagaal.

 

Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Kismaayo udhashay ayaa dadaal xoog leh maanta oo dhan ugu jiray sidii ay dagaalkaasi ubaajin lahaayeen ,ayagoo go'aamo ay soo saareen ay ka soo horjeesteen Hogaamiyaasha Maleeshiyada gacanta ku heysa Magaalada Kismaayo.

 

Warar Buuxa oo laga helayo Magaalada ayaa sheegaya in ay inta badan xaafadaha Magaalada si dad badan ujoogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya gaar ahaan xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ,waxaana lasheegay in ay dhawaan la kulmeen Odayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen xaaladaha nabadgalyada ee Magaalada.

 

Tan & wixii ka dambeeyey 22-kii April 2007-dii Maamul ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya kama jirin halkaasi ,waxaana Masuuliyiintii ee dawladda Soomaaliya ee halkaasi ka saaray Maleeshiyo beeleedyo horey uga talin jiray Magaalada Kismaayo xiligii Burburkii dalka Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamo ka tirsan Jabhada Islaamiga ,Al-Shabaab iyo Isbahaysiga oo gudaha u galay Kismaayo

Posted to the Web Aug 13, 20:06

 

 

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ay maanta soo galeen magaalada Kismaayo ciidamo taabacsan xoogaga Jabiso ,Al-Shabaab,iyo Isbahaysiga oo wada socda arinkaan ayaa timid ka dib markii dadka magaalada ay diideen in ay baxshaan canshuurta ka dibna ay xireen Suuqa magaalada Kismaayo Maleeshiyaadka ka tirsan beesha **** ee gacanta ku haya Kismaayo.

 

Ciidamadan ayaa qaar ka mid ah waxay horey u joogeen xaafada fiyo Afmadow waxaa ayna fureen ciidamada soo galay magaalada Kismaayo Suuqa weyn ee Kismaayo iyaga oo qaaday dhowr isbaaro oo tiil gudaha magaalada kismaayo.

 

Ciidanka Maleeshiyo beeleedyada ka tirsan Beesha **** ee gacanta ku hay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose oo uu dhexdooda uu ka jiro khilaaf ayaa haatan isagu tagey Xarunta madaxtooyada iyaga oo abaabul xooggan wada si ay dagaal ula gali lahaayeen ciidamada soo galay magaalada.

 

Ilaa haatan lama saadaalin karo sidaa ay noqonayso Xaalada Magaalada Kismaayo oo ah magaalo ,hardankeedu uu badan yahay ahna meesha ku xigta xagga dagaalka dhex mara Beelaha magaalada Muqdisho

 

 

Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha **** ayaa raba inay baajiyaan dagaal sababab khasaaro nafeed waxaan ay wadaan dadaal ay doonayaan is faham siiyaan ciidanka Maxkamadaha iyo Ciidan Beeleed hubaysan oo ka biyo diidan ciidanka soo galay magaalada.

 

Ciidamada soo galay magaalada Kismaao oo is garabsanaya ayaa waxaa ay ka kala yimaaden Magaalooyinka Jilib iyo deegaano ay ka mid yihiin Kudhaa iyo Canjeel.

 

 

Cabdi yare

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xiisado dagaal oo ka taagan Kismaayo ka dib markii qeybo ka mid ah magaaladaasi lagu arkay xoogaga midowga maxkamadaha Islaamka

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in xiisado colaadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybno ka mid ah magaaladaasi ka dib markii ciidamo taaabacsan midowga maxkamadaha islaamka ay xalay saqdii dhexe soo galeen lana wareegeen xaafadaha ku yaala woqooyiga magaaladaasi oo dhowaan waxgaradka ka so ojeeda beelaha magaaladaa ay ka qaadeen jidgooyooyin u yiilay maleeshiyo beeleed dadka dhibaateyn jiray.

 

Maleeshiyooyinka beesha gacanta ku heysa magaalada oo taageero ka helaya xildhibaano ka tirsan baarlamkanka federaalka Somalia oo magaaladaasi ku sugan ayaa wada abaabul dagaal oo ay doonayaan iney kaga hor tagaan xoogagga maxaakiimta Islaamka ee soo galay gudaha magaalada Kismaayo oo la tilmaamay iney ciidamadooda u badan yihiin kuwo heyb ahaan ka soo jeeda beesha magaaladaasi gacanta ku heysa, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaro dagaal qasaare badan dhaliya.

 

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada maxaakiimta Islaamka ee jooga gudaha magaalada Kismaayo, hase ahaatee waxaa soconaya dedaalo la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo oo ay wadaan qaar ka mid ahg mas’uuliyiinta magaalada iyo waxgaradka ku dhaqan halkaasi, kuwaasoo aan la ogeyn iney ka miro dhalin doonaan iyo in kale arintaasi, waxaana gudaha magaalada u arkayaa maleeshiyaadka maamulka gobolka halkaasimka jira oo gaadiidka dagaalka wata wadooyinkana u kala gooshaya si xowli, iyadoo dadkuna ay baqdin muujinayaan.

 

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Muqdisho Somalia

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Kismaayo: Xaafado ka mid ah Kismaayo oo ay galeen Kooxaha ka soo horjeeda DF & Cabsi Xoog leh oo jirta.

15. august 2008

 

Kismaayo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay Magaaladaasi aad ugu dhawaadeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna wararka qaar sheegayaan in ay galeen gudaha Magaalada qeybo ka mid ah.

 

Xaafadaha ay ka caagan yihiin Maleeshiyada gacanta ku haya magaalada ayaa lasheegay in laga soo dhaweeyey Ciidamadaasi ay horboodayaan dad udhashay Magaalada Kismaayo ,waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in ay Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo wata ciidamo xoog leh ku wajahan yihiin goobaha ay Maamusho Beesha ****.

 

Dadweynaha Magaalada ayaa qaarkood ay walaac ka muujinayaan dagaalo ka dhaca Magaalada Kismaayo ,waxa ayna dadka qaar sheegayaan in ay ubaahan yihiin Isbadal dhinacyo badan leh ,waxaana Magaaladaasi mudooyinkii ugu dambeeyey gacanta ku hayay Maleeshiyo beeleedyo kala wareegay maamulkii dawladda Soomaaliya.

 

Magaalada Xeebta kutaala ee Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Koonfurta Soomaaliya ,waxa ayna Magaaladaasi leedahay ilo dhaqaale oo fara badan ,waxaana dawladda Soomaaliyeed gacanteeda ka saaray Maleeshiyo beeleedyo si dad badan amaro uga helaya Odayaal & Siyaasiin kala duwan.

 

Galida & Dhiiladan colaadeed ee ku soo dhawaatey Magaalada Kismaayo waxa ay wel-wel & Cabsi ku beertay Beesha Magaalada ka talisa ,waxaana la arkayay Hubka waa weyn oo la diyaarinayo & Abaabul looga hortagayo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this