Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Vice President Visits Malaysia

Recommended Posts

M/wene Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Wefti uu hogaaminayo oo u Kicitimay Malaysia

 

Hargeysa(Qaran )Madaxeyne Ku -Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambo-baxay Dalka Malaysia,ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen Dawlada Wadankaas.

 

Madaxweyne-ku xigeenka Somaliland oo intii aanu ka ambo bixin Dalka Saxaafada ugu waramayay Madaarka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa waxa uu yidhi.

 

“waxa aan u ambo baxaynaa Dalka Malaysia markii hore waxa aynu awooda saari jirnay Dalalka Afrika iyo yurub waa waajib in magaceena meel walba la gaadhsiiyo oo marka eeshiya laga yimaado ilaa Maraykanka la wado,horta waxa Malaysia casuumadan ku khasbay jaaliyadeena wadankaas ku dhaqan Dawladaasina way ka aqbashay waxa aanu socdaalkayagan awooda u weyn saaraynaa in xoolaha oo wadamada dibada aynu ugeyno iyagoo nool bal in hada ay Somaliland ka samaystaan meelo xoolaha lagu qalo oo ay xataa xoolahii oo qalan ay inaga qaataan ,waxa aanu madaxda dalkaas kala hadli doonaa sidii Ganacsi aynu u yeelan lahayn iyo dabcan inQadiyada Somaliland meel walba la gaadhsiiyo”.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin Waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha dibada C/Laahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Idiris Ibraahim Cabdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta ka dhoofay dalka, isaga oo u kicitimay dalka Maleesiya.

 

Madaxweynekuxigeenka oo saxaafadda la hadlay, ka hor intii aanu dalka ka dhoofin, waxa uu sheegay in socdaalkiisu ka dambeeyey martiqaad uu Madaxweyne Riyaale ka helay jaaliyadda Somaliland ee dalka Maleeshiya iyo dowladda dalkaas, balse xaaladdu u saamixi weydey inuu ku baxo martiqaadkaas.

 

Madaxweynekuxigeenka waxa socdaalkan ku ay socdaalkiisa ku weheliyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Idiris Ibraahim Cabdi iyo Wasiirkuxigeenka Ganacsiga, mudane Cabdulxamiim Maxamed Muuse.

 

Madaxweynekuxigeenku waxa uu sheegay in socdaalkooda oo qaadan doona muddo 10 maalmood ah uu ku wajahan yahay sidii Somaliland xidhiidh dhinaca Baayacmushteriga iyo xoolaha ah ay ula yeelan lahayd dalka Maleesiya.

 

Waxase uu xusay in booqashadoodu aanay ku ekaan doonin keliya xidhiidhka ganacsi, balse ay isku deyi doonaan inay ka dhaadhiciyaan dowladda dalkaas.

 

"Waa inaan xoogga la saarin uun Afrika iyo Yurub ee bal in Eeshiya lafteeda awood la saaro, si magaca Somaliland uu caalamkood dhan u dhexgalo, " ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waraysi uu siiyey BBC-da ka hor intii aanu dalka ka dhoofin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

The vice-president is trying hard to build some good reputation that he has lacked all during his service in Riyale's government. I think he is preparing to run for President after Riyale's second term ends in 2013. But the question is if he will even survive beyond this term to keep his post as vice-President.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are rumours that he is going to run for the presidency this term ,, i mean he'll be a candidate among UDUB during their general meeting in the coming months.

 

I'm not sure if he is gonna make it ,,, complete waste of time iga dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

He does not have much support in UDUB party. But if he does that and fails to get support, is he going to join Kulmiye as Dr. Abdi Aw-Dahir has done years back?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sure he'll do something that will anger UDUB ... it is politics after all.

 

But everybody knows he is not capable of such position ,, he shouldn't waste his precious time and do some more helpful things ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this