Sign in to follow this  
Che -Guevara

Geedi ordered to appear before the stooge parliament

Recommended Posts

Prof.Geedi oo sheegay inuu ogol yahay in Baarlamaanka uu hortago

 

Addis Ababa (HRNet):- Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysay sheegay

inuusan waxna ka qabin in la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

 

Hadalkan ayuu Geedi ka sheegay shir saxaafadeed oo uu shalay ku qabtay magaalada Addis Ababa kadib labo maalmood oo uu halkaasi safar ku joogay.

 

Prof.Geedi oo kulamo kala gedisan la yeeshay Mas'uuliin sar sare oo kamid ah dowlada Itoobiya oo uu ugu horeeyo Melez Zenawi Dhigiisa Itoobiya, ayaa markii ugu horeysay sheegay inuusan kasoo horjeesan doonin inuu hortago Baarlamaanka Soomaaliya.

 

"... khilaafka jira waxaa lagu xalinayaa sharciga iyo Baarlamaanka, taasina ma diidani..." ayuu yiri Prof.Geedi oo asagu horey uga gil gilshay in Xukuumadiisa uu kalsooni u weydiiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Geedi oo wax laga weydiiyey khilaafka la sheegay inuu ku dhexjiro asaga iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka C/laahi Yusuf Ahmed ayaa ku jawaabay "... aniga iyo Madaxweynaha ma jirto khilaaf shaqsiyadeed oo na dhex yaal balse wax walba waxaa lagu saxayaa sharciga noo dajisan..." ayuu yiri Geedi oo saxaafada kula hadlayey magaalada Addis Ababa.

 

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa todobaadkan mar uu Baarlamaanka la hadlayey sheegay in hadii mooshin ka dhan ah xukuumadiisa la horkeeno Golaha, taasi ay keeni karto caqbad weyn iyo burbur ku yimaada dalka Soomaaliya oo dhan. Arrintan oo ay dad badan la yaabeen ayuu u muuqdaa Prof.Geedi inuu hada yara kasoo dibcay kadib safarkiisii Addis Ababa.

 

Prof.Geedi ayaa safar deg deg ah sadex maalmood kahor ugu baxay magaalada Addis Ababa asagoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo la yeeshay dowlada Itoobiya.

 

Safarka Geedi ayaa kusoo beegmay xili uu buuq weyn ka taagnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka halkaasi oo uu xarig jiid ku dhexmaray Prof.Geedi iyo xukuumadiisa xubno kamid ah oo ka gadooday.

 

Geedi iyo xubnaha ku dhaw ayaa sheegay in arrimahan ay salka ku heyso olole uu hoosta ka wado Madaxweynaha Dowlada Federaalka C/laahi Yusuf Ahmed, balse Madaxweynaha ayaan illaa iyo hada arrimahan ka hadlin. Madaxweyne Yusuf ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu u safro dalka Itoobiya oo ay casumaad uga timid.

 

Prof.Geedi ayaa maanta oo sabti ah dib ugu soo noqday Magaalada Baydhabo, waxaan magaalada kusoo dhaweeyey Wasiirada taageersan iyo qaar kamid ah xildhibaanada, welina saxaafada lama hadlin.

 

Geedi ayaa intii uu maqnaa hakad la geliyey kulmadii Golaha Wakiilada ka yeelan lahaa arrimaha Xukuumadiisa, mana cada hada tilaabada ku xigi doonta imaanshihiisa, ayadoo la saadaalinayo arrimo kala gedisan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

This is the fate our fathers chose for us...to suck the blood of the innocent and then if the innocent chidren resist to stay alive finish them off by sending goons like Mohamed Dheere iyo Qabydiid and geedo and vampire YEEY to snatch it all away...alow dadkaaga adaa u maqan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this