Sign in to follow this  
Maaddeey

Are Shabaab Takfiiris? here's the answer

Recommended Posts

Maaddeey   

Xarakada Alshabaab ayaa howl galo ay ku qab qabanayaan Firqada loo yaqaano Takfiir Wal-Hijra ka qab qabtay magaalada Beledweyn, kadib markii ay ku weerareen Masaajid ay ku cibaadeysanayeen Firqadaas, kaasoo ahaa masaajid iyaga gaar u ahaa.

 

Qab qabashadan ayaa ka dambeysay kadib markii Shabaabku ka shakiyeen firqada oo la rumeysan yahay in ay gaaleysiiso muslimiinta kale, isla markaana Hilibka ay gowracaan aanay cunin.

 

Wararka laga helayo Galbeedka Magaalada Beledweyn oo Xarakada Alshabaab ku xoogan yihiin ayaa sheegaya in howl galka lagu qab qabtay ilaa 50 ruux oo ahaa jameecadii Masaajidka oo ka tirsaneyd Firqada Takfiirka.

 

Lama garanayo sababta keentay in ay soo qab qabtaan kooxdan takfiirka ah, iyadoo ay jireen eedeymo horay Shabaabka loogu jeedinayay oo aheyd in ay qudhooda Takfiir yihiin.

 

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdan Takfiirka ay Riddo ku tilmaameen Shabaabka qudhooda, taasoo keentay in la qab qabto, isla markaana tuhun iyo shaki ka qaadaan dhaq dhaqaaqyada qaar ee ay wadeen.

 

Takfiirkan ayaa waxa ay yihiin kuwa hilibka caadiga ah diida ee xoolahooda iyagu gawracda, waxaana ay yihiin badankooda kuwa dadka intooda kale ka soocan kana soo horjeeda dagaallada ay Alshabaab wadaan.

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Maaddeey:

 

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdan Takfiirka ay Riddo ku tilmaameen Shabaabka qudhooda, taasoo keentay in la qab qabto, isla markaana tuhun iyo shaki ka qaadaan dhaq dhaqaaqyada qaar ee ay wadeen.

 

Al-shabaabkii wax kayaabiya ayay arkeen :D Sidaas haday u nicibyihiin in Gaal loogu yeero, ha joojiyaan umada Muslimka ah ee gaalnimada ay ugu yeerayaan markasta oo ay dhiigooda xalaalaysanaayn.

 

Al-takfiiri waxay ku badanyihiin Kismaayo area wax dhulkaa ku sheega ma maqal waayahaan taloow ma Al-shabaabka ayay ku milmeen !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^And whether or not the quest for contact with the "true" God happens for selfish or selfless reasons remains to be seen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ :D . Correct. According to Gaalo-raac logic, only those who take up arms to defend their Deen, their Dal, and their Dad can be called Takfeeri Khaarijites.

 

But if you are a true Takfeeri(like the group mentioned in the article) who accepts the hegemony of Ethiopia and it's puppets, then you are not a Takfeeri or Khaariji, balse you are a peace-loving distinct constituency of Somalia whose right to believe in Takfeer'ism will be protected by the Holy-Muqadas fowr-bointi-fife dastoor.

 

Gotta love how the Gaalo-raac xoolo play with words :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Sidaas haday u nicibyihiin in Gaal loogu yeero, ha joojiyaan umada Muslimka ah ee gaalnimada ay ugu yeerayaan markasta oo ay dhiigooda xalaalaysanaayn.

Waxaad keentaa one objective source, one daleel, uu muujinaayo inay Mujahideenta umada muslimka gaalaayseeyeen ama dhiigooda xalaalsadeeen. Just one source, balees.

 

Ma haysid soomaaha ? Marka, abti, Jaahil'nimada intaa iska kala yaraysid, indaha kala for. Kalaam al-shawaaric meeshaan hala imaanin. Soomalida Starbucks-ka shaqo la'aan darteeda uu taag-taagan beenta raqiis'ka aa ka soo maqashay meeshaan kama soconayaso ee ogow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this