Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Maxkamada Gobolka Hargeysa oo xadhig gaadha 20-25 sano oo xadhiga ku xukuntay koox lo

Recommended Posts

Somaliweyn - Hargeys - 9/12/06

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa oo xadhig gaadha 20-25 sano oo xadhiga ku xukuntay koox loo haysto falal argagixiso ah, iyo Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Xaashi Cayrow oo waxba lagu waayay

 

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday isugu jira 20-25 sano oo xadhiga eedaysanayaal loo haystay falal aragagixiso oo ay ka fuliyeen gudaha Somaliland. waxa kale oo halkaasi ay maxkamadu ku wayday kiisas loo haystay qaar ka mida eedaysanayaal aan iyagu joogin dalka balse ay maxkamadi kaga socotay magaalada Hargeysa.

 

ee daysanayaasha lagu xukumay 25-ka sano

 

1. C/raxmaan Cismaan Yuusuf (Warsame)

2. C/raxmaan Maxamed Jaamac (Indha-cade)

3. Axmed Cabdi Godane (Oo Ka mida xubnaha sar sare ee maxaakiimta oo imika jooga Muqdisho)

4. Ibraahim Jaamac (Ibraahim Afgaan) (Oo Ka mida xubnaha sar sare ee maxaakiimta oo imika jooga Muqdisho)

5. Ibraahim Dheere (Maqane)

6. Saalax (Maqane)

7. Maxamed Caydiid (Maqane)

 

ee daysanayaasha lagu xukumay 20-ka sano

1. Axmed Cali Xuseen (Axmed Keyse)

2. Sheekh Maxamed Ismaaciil

3. Maxamed Ibraahim Axmed (Laba Qumacle)

4. C/laahi Maxamed Axmed (C/laahi Gaab)

5. Muuse Cali Yuusuf

 

Gudoomiyaha maxkamada ee Gobolka Hargeysa Mr C/raxmaan Jaamac Hayaan waxa uu sheegay in 22 kal-fadhi oo ay maxkamadu yeelatay si looga sal gaadho dacwadan ay maanta soo gabagabeeyeen isla markaana waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay in Maxkamadu ay wax dambi ah ku wayday nimankan hoos ku qoran.

 

1. Gudoomiyaha Gudida Shuurada ee Maxkadaha Muqdisho Xasan Daahir Aweys

2. Aadan Xaaji Cayrow oo isaguna ka mida Hogaanka sare ee maxkamadaha

 

3 Maxamed Muxumed Nuur (Faruur) oo isaga xorriyadiisii loo soo celiyay

waxana Xasan Daahir Aways iyo Aadan Xaashi Cayrow ay ku eedaysanaayeen in ay soo direen dhamaan xubnaha fuliyay howl-galadii dilal ee laga fuliyay Somaliland, waxana dacwada soo oogtay xeer-ilaalinta hasa yeeshee waxa uu Mr Hayaan oo ah Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Hargeysa sheegay in waxba lagu cadayn waayay sidaasi daraadeedna ay waxba ku waayeen.

 

Waxa kale oo Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Hargeysa sheegay in Maxed Sh Ismaaciil aan lagu samayn wax jidh dila isla markaana aanay dushiisa ka muuqan wax nabaro ah iyo cadaymo kale oo muujinayaa in jidh dil lagu sameeyay.

 

 

JAMAAL IBRAHIM MAXED

HARGAYA

mustaqbal7@hotmail.com

tel 002522-405388 mobile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this