Sign in to follow this  
Peace Action

PM Sharmarke Head to Puntland

Recommended Posts

Ra,iisul Wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo safar ku imaan doona Puntlland

Posted to the Web Aug 15, 12:05

 

 

Boosaaso:-Raiisulwas aaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gaaro Puntland ,R/Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa in ay qabanqaabo ugu jiraan safar aysan weli shaacin oo ay ku imaan doonaa Puntlland.

 

 

Raiisul Wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in uu safarkiisa ugu horeeya uu ku imaan doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo hadda ay ku sugan yihiin inta badan 2 Gole ee Maamulka Puntlland.

 

Warar badan oo soo gaaraya warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in safarka Raiisul Wasaaruhu DFKM iyo Wafdigiisu ay ku imaanayaan Puntlland la filayo in uu bilowdo maalinta bari ah walow aan ilaa hadda war rasami ah oo ku saabsan safarka Raiisul Wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid iyo wafdigiisu uusan ka soo bixin xafiiska Raiisul wasaaraha.

 

 

Safarka Raiisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeeyey oo uu ku tago Puntlland ilaa intii xilka loo magacaabay,Raiisul Wasaaraha DFKM Dr. Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in uu safaro kale duwan uu ku bixin doono Gobollada Puntlland.

 

Wafdiga Raiisul Wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa sidoo kale intii ay joogaan Puntlland in ay shirar dhowr ah la qaadan doonaa Madax da Dowlada Puntlland ,shirarkaas ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya DFKM iyo Puntlland iyo sidii ay Maamulka Puntlland taageero buuxa u siin lahaay een DFKM.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this