Sign in to follow this  
Abwaan

Ethiopiankii Soomaaliya ku soo duulay oo la billaabay in la ugaarsado

Recommended Posts

Abwaan   

Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay degmada Jilib

Sida uu xaqiijiyay Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo ah ninka loo magacaabay guddoomiyaha maamul KMG ah oo uu yeesho degmada Jilib, nin Soomaali ah ayaa maanta toogasho ku dilay labo ka tirsan Askartii Itoobiyaanka ee shalay halkaasi xooga ku galay, kadib markii uu weerar gaadmo ah ku soo qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi.

 

Faarax Qooley ayaa sheegay in ninkani uu ka mid ahaan jiray ciidamadii golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, ee ka baxay degmada Jilib, isagoo sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay illaa shalay guri ay ka qaxeen qoysas Soomaaliyeed oo deganaa Jilib “Saaka xilligii salaada subax la tukanayay ayuu ninkani soo weeraray xero ciidan oo ku tiilay tuulada Lugooshow oo ka tirsan Jilib, kadibna mar kale ayuu galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaaday isla xeradii wuxuu soo riday Rasaas iyo Bambo, markii dambena ciidamadu wey iska caabiyeen weyna dileen” ayuu yiri Qooley.

 

Waa markii ugu horeysay oo weerar gaadmo ah lagu dilo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee iyagu ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna arrintan laga yaabaa inay wado u furto Soomaali badan oo iyagu si aad uga horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia

cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this