Sign in to follow this  
Suldaanka

Sir Bob Galdof and a BBC TV crew arrive in Hargeisa

Recommended Posts

The Irish music icon and thirdworld Activist, Sir Bob Geldof, arrived in Hargeisa midday today. Bob is mostly known for his work in "Aid Live" concerts which he launched to help the drought stricken Ethiopians in 1985.

 

Sir Bob Galdof and his BBC TV crew had a dinner with officials from Somaliland administration at the state house.

 

 

-------------

 

Xaflad casho sharafeed oo loo sameeyey heesaaga Sir Bob Galdof

 

Hargeisa - Xalada lagu soo dhawaynayey heesaaga caanka ah ee Sir Bob Geldof ayaa lagu sameeyey qasriga madaxtooyada Somaliland, xafladan waxaa lagu gudoonsiiyey heesaaga shahaado sharaf heer madaxwayne ah.

 

Furitaanka Xafladda Casho sharafta Sir Bob Geldof

Weedha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

 

Mudane Madaxweyne,

Mudane Madaxweyne-ku-xigeen

Shir guddoonka labada Gole

Saaxiibadayda Golaha Wasiirada

Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan ee Qaranka

Hay’adaha Qaramada Midoobay

Hay’adaha Caalamiga ah

Iyo Hay’adaha Wadaniga ah

Marti-sharafta iyo Akhyaarta

 

Marwooyin iyo Mudanayaal

 

Asalaama Calaykum Wa raxmatulaahi Wa Barakaatu

 

Waxa sharaf weyn ii ah in aan halkan idiinka sheego in Madaxweynaha JSL Mud. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwada Koowaad Marwo Hudo Barkhad Aadan ay caawa marti-qaadkan u sameeyeen Sir Bob Geldof iyo akhyaarta la socota ee ka socota Telefishanka BBC-da.

 

Aniga waxa la ii igmaday in aan waxyar idiinka sheego taariikhda Sir Bob Geldof

 

Sir Bob Geldof waxa weeye fanaan weyn oo caan ah oo ku caan baxay fanka la yidhaahdo “Punk Rockâ€. Sir Bob Geldof wuxuu ahaa hogaamiyihii kooxdii la odhan jiray Boomtown Rats, ee Irish-ka ahayd 1970naadkii iyo 1980maadkii, ka dibna wuxuu noqday halgamaa weyn iyo u ololeeye xuquuqda aadamaha iyo mucaawinooyinka bani’aadminimo.

 

Sir Bob Geldof waxa weeye saaxiib weyn oo Afrika ah, gaar ahaan geeska Afrika.

 

Waxa xoog loogu xasuustaa qaybtii libaax ee uu ka qaatay gurmadkii bani’aadminada ahaa ee uu ka qaatay markii masiibo qaran oo lama filaan ahi ku dhacday dalka Itoobiya 1985naadkii, halkaas oo uu ka gilgishay Sir Bob Geldof isaga oo dhigay wax allaale wixii uu gacanta ku hayay isaga oo qaaday Olole bani’aadmino oo hor leh si uu qaadhaan iyo yabooh caalami ah oo wax ku ool ah ugu sameeyo dalka Itoobiya.

 

Taas oo uu ku guulaystay in uu isugu yeedho saaxiibadiisa waaweyn ee Fanaaniinta caalamiga ah halkaas oo maqdarad caalami ah laga dhigay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka (gaar ahaan magaalooyinka Philadelphia iyo London), iyada oo dadkii daawaday lagu qiyaaso 2 bilyan oo qof, isaga oo gaadhsiiyey yaboohdii ilaa lacag dhan 73 Milyan oo Dollar oo toos u gashay dadkii tabaalaysnaa.

 

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Afrika oo dhamiba arrintaa abaal weyn bay ugu hayaan Sir Bob Geldof waxtarkaa qiimaha leh.

 

Aniga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha waxa sharaf weyn ii ah in dawladda iyo shacabka Somaliland-ba halka kan uu la joogo Sir Bob Geldof. Aad baan kuugu mahadnaqaynaa, maritaanka aad na soo martay oo nagu soo booqatay si aad xogogaal ugu noqoto xaaladayada iyo waxa aanu qabno. Waxa kaa soo war doona qof ku danaynaya oo kuu damqanaya, waanad ku mahadsan tahay.

 

Somaliland waa dhisantay, xornimadeediina waa la soo noqotay, nasiib wanaag way cafiday wixii dhibta u geystay hay’adaheedii Qaran bay dhisatay nabadgelyadiibay ka shaqaysay, waxaanay samaysay isu soo dhawaanshihii Beelaha, sidoo kale waxay samaysatay Distoor Qaran oo gudaheeda iyo caalamkaba ay kula dhaqanto ayay samaysatay oo hirgalay.

 

Axsaab siyaasadeed bay samaysatay, doorashooyin bay gashay, iyada oo wax waliba ku dhamaadeen si nabadgelyo ah oo xalaala iyada oo caalamku goob joog ka ahaa, maantana waxay gashay inay ku dhaqaaqdo horumarinta dalkeeda, arrimahaas iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay qaaday Somaliland maaha wax cidi ku diriqiday oo dibad lagaga keenay, waxse weeye mid ay ku tashatay Qaran ahaan in hanaankaas ay qaado, Dimuqraadiyadna xididada u aasto.

 

Adiga oo mudada gaaban ee aad joogto xogta dalka heli doona, waxaan ku xasuusinayaa oo qudha saddexdan arrimood.

 

1. Dhibta ugu weyn ee maanta Somaliland haysataa waxa weeye iyada oo caalamku ka qarsaday indhaha xaalada Dimuqraadiyadeed iyo dhismaha Qaran ee ka socda dalka iyo gooni isu taageeda

2. Xaalada abaarta dabo dheeraatay oo haddii aad hoos u waraysato xogteeda oo dhan aad helayso.

3. Dhawaan xukuumadda Somaliland waxay soo saartay oo ansixisay siyaasad balaadhan oo cad oo ku saabsan cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo aafeeyey dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya waxa waajib ah in Somalialnd ka gaashaamato wayna go’aansatay kuna talo gashay. Saddexdaa arrimoodba waxay kaaga baahan yihiin gurmadkaaga iyo u ololeyntaada.

 

Xaflad sharaftani waxay ka koobnaan doontaa maaweelo iyo casho sharaf loogu talo galay martida qiimaha iyo qaayaha leh ee uu hogaaminayo Sir Bob Geldof.

 

Ugu danbayntii waxaan leeyahay ku soo dhawaada Jamhuuriyadda Somaliland, Xafladuna sidaas ayay inoogu furan tahay. Waxse aan jeclahay in aan ku soo dhaweeyo, mudane Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha JSL halka si uu u guddoonsiiyo shahaado sharaf bani’aadminimo oo heer Madaxweyne ah Sir Bob Geldof.

 

Ku soo dhowow Mudane Madaxweyne.

 

 

C/laahi Maxamed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaanka, do you think he'll come to Puntland. I always get information last somehow damn!

I am not sure, but I think he was invited by the president of Somaliland, Mr. Dahir Rayaale Kaahin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bob Geldof visits Somaliland

 

 

Mogadishu, Somalia, 09/20 - Sir Bob Geldof, the internationally acclaimed rock star cum philanthropist, accompanied by a film crew, Saturday jetted into Hargeisa, capital of the self-declared Republic of Somaliland, at the start of a five-day visit.

 

The visit is part of an African tour that would take him to Ghana, Benin, Mali, DR Congo, Uganda and Ethiopia.

 

While in Africa, he will film a serial documentary called "Geldof in Africa".

 

Presidential spokesman Adan Idriss Dualle told PANA Sir Geldof was received on arrival by Somaliland foreign minister Edna Adan Ismail and taken to the presidential compound to meet President Dahir Rayalle Kahin.

 

Kahin reportedly bestowed state honours on the visiting Geldof, acknowledging his continued efforts to help the people of Somaliland and Africa.

 

The brains behind the famous "Live Aid" concerts, Geldof is expected to launch a landmark documentary series to be filmed in the seven African countries he is expected to visit for screening on BBC TV.

 

Addressing journalists immediately after meeting with the Somaliland president, Geldof said he was expecting to once again place the African continent high on the public podium and install it firmly into the political minds.

 

He explained that the documentary would be released to coincide with the 20th anniversary of "Live Aid", and at a time when Britain chairs the G8 summit, holds the EU presidency and Prime Minister Tony Blair publishes "US and Them", a report about the future of Africa.

 

Musician Geldof led a global humanitarian campaign to help feed hundreds of thousands of starving Ethiopians during the worst famine in that country in 1985.

 

He organised two concerts, one in London`s Wembley Stadium and the other in Philadelphia`s JFK stadium, raising US$73 million all of which went to the starving Ethiopians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this