Sign in to follow this  
Nur

Ma Ku Fakartaa?

Recommended Posts

Nur   

eNuri Hearts Rust Control Labs (Archives)

 

( Somali Language Service )

 

 

Presents:

 

 

Ma Ku Fakartaa inaad Islaamka wax u qabato ?

 

 

Waxaa laga yaabaa inaad is warsaneyso , Maxaan Islaamka u Qaban Karaa maanta?

 

 

Walaal

 

 

1. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka Haddii niyadaadu ay khaalis Allah u noqoto, markaas, kaalin weyn baad qaadan kartaa, taasoo ku sugta addimadaada diintaan, naarna kaa badbaadisa.

 

2.Waxaad wax u qaban kartaa diintaan haddaad taqaanno dariiqa aad qaadeyso kaasoo u baahan cilmiga sharciga ah inaad taqaan, sidaa darteed in aad wax barato waa waddada loo qaado jannada.

 

3. Waxaad wax u qaban kartaa haddad ka faaiideysato wax walboo Allah uu kuu suuro geliyey si aad diintiisa ugu adeegto, Allah wuxuu yidhi, " Ku raadi wax walboo Allah kuu suuro geliyey daarta aakhiro, hana illaawin nasiibkaaga addunka kaa soo gaadhay"

 

4. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ka hormariso Islaamka danihiisa, danahaaga gaarka ah.

 

5. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad raacdo waddada ay mareen culimada iyo kuwa diinta dadka ugu yeedha, hadaba sabir, adkeyso, maxaa yeelay waxaad ku sugan tahay cibaado weyn.

 

6. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ka fogaato caajiska, iyo fuleynimada, maxaa yeelay diinteenna waa diin xaq ah, qofkii aaminsanna uma eka siffadka xunxun.

 

7. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddaad qalbigaag ku xidho jeceylka Allah, Rasuulkiisa iyo saalixiinta, ood markaas badiso xasuusta Allah, Salaadda rasuulka, istighfaarka iyo inaad daa'imto akhrinta Quraanka, maxaa yeelay ma jiro wax ka eryikara quluubta murugta oo Quraanka ka fiican, isla markaasna u kordhin kara murti iyo farxad.

 

8. Waxaad wax qaban kartaa Islaamka haddad waqtigaag habeysato ood maalin walba aad wax ka sameyso xuquuqda Allah, Mustafaha, Reerkaaga iyo ummadda. Markaas aad nafta kula halganto sidaad xataa hal qof aad uga fakin leheyd naarta.

 

9. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ku darto hammigaaga, oo uu faraxaaga iyo murugtaada ay noqoto mid ku xidhan hadba howshaad Islaamka u qabatay.

 

10. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka, hadba markaad aragto fursad aad ajar ku heli karto inaad u barattanto, u tarntanto oo ayan ku gafin illaa inaad xaqijiso.

 

 

Nur

 

 

2002 eNuri Strength-of-Materials Research Lab

Metals Should Rust, Not Our Perception ( hearts)!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Rendevous

 

You got that right, Ikhlaas is a must, without it, we are in manifest baby shirk, which in the long run will lead to Papa Shirk, acaadanaallahu minh.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Ilaa iyo inta qiyaamha ka istaago, waxaan shaki ku jirin in Xaqa iyo baadilka is-hortaagnaan doonaan. Haseyeeshee kuwa sheeganaya inay xaqa doonayaan iney suuro geliyaan, wexey u baahan yihiin iney xasuustaan qodobada aan soo xusay gaar ahaan:

 

 

4. Waxaad wax u qaban kartaa Islaamka haddad ka hormariso Islaamka danihiisa, danahaaga gaarka ah.

 

 

Kuwa isu xilsaaraey diintan iney soo nooleeyaan, haddey ayaga hagradaan diinta ujeeddooyinkeeda sare, waxaa loo wakiilan doonaa xilkaas kuwo kale oo kaga habboon, diintan waa xaq, wexeyna leedahay cadow dibadda ah, iyo mid gudaha ahba, iyo kuwa jecel diintan laakin xikmadda toosan ay ka maqantahay, kulligoodna ma joojin karaan nuurka islaamka inuu ku fido waddankeenna, Alle idinkiisa.

 

Ilaahayow, qofkii diintan gargaara, u gargaar, una hiilli, qofkii diintan ka doortay dan adduunna, ilaahayow haddad kheyr ku ogtahay soo hanuuni, haddad shar ku ogtahayna ilaahayow fadeeexee, oo dadka uu lunshay tusi ceebtiisa

 

Wallahul Mustacaan calaa ma tasifuun.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhii , Ukhtii

 

 

Ogow in maalmaha dunida ay gaaban yihiin, ay naga dambeyso nolol aan dhamaad leheyn, taasoo hadba waxaan shaqeysannay, aan ku noolaan doonno, raaxo iyo farax aand hamaad laheyn, ama xanuun, kadeed iyo calool xumo aan dhamaad laheyn. Sidaa darteed, u shaqeyso daarta waarta ee aakhiro, hana sissan qiima yar oo ah raaxada nolosha dunida ooy ka dambeyn doonto calool xumo aan dhamaanin.

 

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

walal nuur aad baad ugu mahadsantahay waanada wacan , waanadana waxaa isku leh walaalaha mu'miniinta , diinteenana hadii qof walba dhankiisa ka qabto wanaaga , kartida iyo xaqnimada diinta il birikhsigeed ayeey dunida dhan uga iftiimilahayd , laakin aad ayaan uga gaabinay , waxaan ka tagnay barashada diinteena waxaan ka leexanay wadadii rasuulka , waxaan qaadanay waxyaalo dhib maahee dheef aan noo keeneynin .

Guushana alle laba un buu ku bixiyaa 1: inaan noqono dad mu'miniin dhab ah inteey awoodaan ee aduunna la imaado 2: ama inaan noqono dad maadiyan udhisan oo awoodooda lagu ixtiraamo . hadii labadeaas lawaayana guul daro iska filo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Akhi Nabad- Dadaye, Guusha nolosha adduunka laguma qiyaaso maal badan ama xoog badan. Fircown, labadaba Allah ayaa siiyay, haseyeeshee si xun buu u isticmaalay, mana guuleysan.

 

Ogowna akhi, in guusha dhabta ah ay tahay in Allah uu naga badbaadiyo naarta oon jannada galno, maxaa yeelay nolosha adduunka waa raaxo gaaban oo eed badan, ama dhib aan dheereyn oo dheef badan.

 

Hadaba xikmaddu wexey ku jirtaa inaan u shaqeysanno sidii aan Diinta islaamka aan nafteenna ugu sugi laheyn.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this