Sign in to follow this  
Maaddeey

Alshabaab: Cafis baan u fidinnay kuwa naga soo horjeeday, Kenyana uma soconno

Recommended Posts

Maaddeey   

Maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka oo sheegay in aanu qorshaynayn wax duulaan ah oo uu ku qaado dalka Kenya.

Posted: 12/1/2009 10:41:00 AM

Shabelle: DHOOBLEEY

Maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhinacyadii kula dagaalamay gobolada Jubooyinka islamarkaana aanay duulaan ku ahayn wadanka Kenya.

 

 

 

Sheekh C/fataax Ibraahim Cali oo ah ku xigeenka madaxa war faafinta ee Walaayada Isaamiga ee gobolada Jubooyinka ee hoostagta Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo saakay la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay nabadgalyada deeagaanada Jubooyinka gaar ahaan laga bilaabo Birta dheer oo ahayd meeshii ay dagaaladu ka bilowdeen ilaa iyo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Dhoobleey oo ah meesha uu dagaalku ku gabagaboobay.

 

 

 

Waxa uu sheegay Sheekhu in dadka deegaanka ay si aad ah u soo dhaweeyeen isagoo sheegay in haatan wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanadaasi.

 

 

 

Sheekh C/fitaax Ibraahim Cali ku xigeenka madaxa war faafinta ee Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka waxa uu intaasi ku daray in ay dhamaanba cafis u fidiyeen dhinacyadii ka soo horjeeday waa cidii aan haatan wadin dhibaato iyo shir qoolo ka dhan ah Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ee hoostagta Xarakada Mujaahidiinta Al Shababaab.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxa uu ugu danbayn ka hadlay Sheekh C/fitaax Ibraahim Cali dowladda Kenya oo dhawaanahan ay hadalo ka soo baxayeen isagoona sheegay in dowladda Kenya ay tahay dowlad ay deris yihiin balse ay lala haanaynin wax xiriir ah,hase ahaatee waxa uu sheegay in wax dhibaato ah oo iyaga ka dhanka ah in aysan marnaa wadin laakiin waxa uu sheegay in sidii ay ula dhaqmaan ay iyana ula dhaqmi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ hadday 'Kenyaan weerareynaa' dhahaanna, waa xikmad laawayaal, meel lagu cafinaayo maleh, waxaan maqli jiray:

 

وعين الرضا عن كل عيب كليلة=ولكن عين السخط تبدي المساويا

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this