Sign in to follow this  
Biixi

Dood...

Recommended Posts

Biixi   

Asalaamu Alaykum

 

Fadlan su'aalahaan aan soo wado iyo jawaabahooda Af-Somaliga ha lagu koobo.

 

1) Diinta Islaamku "Dooda" maxeey ka qabtaa?

2) Dumarka ma la doodi karaan dumar kale ama rag kale oo aan Muslin aheen ama Muslinimada ka baxay meel laga wada maqli karo sida raadiyaha ama meel laga wada arki/maqli karo sida taleefishinka?

...Labadaas su'aalood kuwo kale ayaan soo raacin doona iyo ujeedada aan ka leeyahay su'aalaheyga.

 

Wabilaahi towfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Biixi walaal.

 

Ereygaga doodda waa in marka hore aan isla garanno ujeddadisa ( Definition) si aan u caddeyno wexey diinta ka qabto.

 

Af-Somaliga, kalimadda doodda macnaheedu waxaan u fahamsanahay iney tahay:

 

( Wada hadal la is weydaarsanayo aragti kala duwan oo ku saabsan arrin taabaneysa nolosha ama waxa ay daneeynayaan kuwa doodaya si loo helo aragti guud oo kulmisa kulligood)

 

Macnahaaas hadduu yahay kaad ula jeeddo DOOD, Islaanku wuu banneeyay, taasna rag iyo dumar wey u siman yihiin, Suuradda kaliyah ee la magac baxday DOOD ( Mujaadila/Mujaadala) wexey ku soo degtay Khawla Bint Xakiim/Thaclaba/ Khweilid, iyo ninkeeda Aws Bin Saamit Al Ansaari oo ( La Dhashay Cubaadah Bin Saamit) oo ka dooday Xukunka Dhihaarka ( ninkii xaaskiisa ku dhaha waxaad iga tahay sida hooyaday (dhahrigeeda) oo xalaal iima tahid) oo ah nooc dalaaq ah ama kala tagid ( separation).

 

Dooddu sidaa awgeed wey sugnaatay in haweenku doodi karaan, haba ahaatee ninkeeda meeshaanee.

 

Waxaa kaloo sugnaatay iney la doodi karaan rag kale, sida ay haweeney saxaabiyad ah ula doodday Cumar Bin Khattaab. Sida ka soo aroortay siiradana haweenka codkooda waa la maqli jirey xuquuqdoodana ayagaa u doodi jirey ceebna loo ma raki jirin, khulafadana haweenka wey dhageysan jireen taladoodana wey qaadan jireen, gaar ahaan Cumar talada askarta jihaadka ku maqan in afar bilood ayan ka badan intay reerkooda ka maqan yihiin waxaa laheyd inanta Cumar.

 

Cumar Bin Khattab mar uu u gar qaadayay haweeney ninkeeda ka warrantay, oo u sheegtay Cumar Bin Khattaab, wexey tiri:

 

"Ninkeyga, Habeenkii oo dhan salaad buu u taagan yahay, maalin walbana waa soomaa" Cumar asagoo la dhacsan wanaagga ninkeed ay ka sheegtay buu yiri "wanaag badanaa ninkaaga", laakin saxaabi aan illowsanahay magaciisa oo ag fadhiyay ayaa u fasiray Cumar oo yiri haweentu ninkeeda wey ka eed sheeganyesaa, Cumar wuu fahmay eeddaa, ninkeeda waxaa la amray inuu xaqeeda siiyo, saxaabigiina waxaa laga dhigay waali meel ku taal Shaam.

 

Meel fagaaro ah, haweenta Muslimka ah wey ka doodi kartaa haddey danteedaa ama danta diinta iyo ummadda u doodeyso, ( Sidii Cumar ay haweeney ula doodday oo uu qirtay, " Haweentu waa quman tahay, Cumarna waa gafay talada" Haweentaasna ajar badan bey ku heleysaa doodda wanaagsan u lagu guuleysto. Haddey u doodeyso waxaan Islaamka dan u aheyn, ama ayada fitno u keeni kara ama ragga , oo maa laa yacni ahna, waa laga reebay, taasna wexey soo galeysaa " Falaa takhdacna fil qowl" Hadalka carrab laalaadiska ah uu ragga qalbiga ka bukka ay haweenta qalad ka fahmi karaan"

 

Ereyga DOODDA macnaha Afcarabiga u dhow waa:

 

1. Xiwaar ( Wa huwa yuxaawiruhu)

2. Mujaadala ( Tujaadilu fii zawjihaa)

3. Jidaal ( Laa jidaala fil xajj) sidoo kale Miraa ( Miraa'an dhaahiraa)

4. Khitaab ( Wa cazzanii fil khitaab)

 

Dooddu wey ka duwan tahay MURAN, midda dambe macne xun bey siddaa oo ah hadal badan oon dan lagu gaareyn wanaag. Sidaasoo kale Jidaal wuxuu la macneyahay marna MURAN, marna DOOD, wexeyna ku xiran tahay hadba hadalka Quraanka meeshuu ku biyo shubanayo.

 

Haweenka waxaa kale oo u bannaan iney la doodaan ahlul kitaabka, rag iyo dumarba, sida uu Allah oo faraya Muminiinta la doodaya ahlul Kitaabka wuxuu Quraanka nagu waaniyey inaan Ahlul kitaabka kula doodna hadba sida fiican oo natiiji fiican laga filayo ( Bilatii hiya axsan)

 

 

Gud ahaan, Doodda haweenka wey u bannaan tahay, Xaaladaha:

 

1. la is hor joogo ( Haddey asturan tahay, asturka sharciga, nafteeda u baqeyn, ragna ayan fitneyneyn) ama TV iyo Radio Pal Talk etc.

 

2. Waxa laga doodayana ay tahay wax ay kaalin ( Role)fiican ka qaadan karto ( Sida arrimaha khuseeya carruurta, nolosha ijtimaaciga ah iwm. ooy ragga ka taqaanno).

 

3. Meesha lagu wada doodayoo ayan aheyn khalwo ( iyoda iyo nin qudha )

 

4. Niyaddeedana ay khaalis Allah u tahay, ooyan dan kale leheyn.

 

Wallaahu Aclam

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Asalaamu Alaykum

 

Nur walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Su'aalahaan hayay, iyo kuwaan soo wadayba qoraalkaagu wuu iiga jawaabay.

 

Wabilaahi towfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this