Sign in to follow this  
ANWAR

TFG ANGRY WITH Allpuntland

Recommended Posts

ANWAR   

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADA SOOMAALIYA.

 

Waxba Kama Jiraan Warka Ay Allpuntland.com Ka Qortay Madaxtooyada Soomaaliya

 

(Muqdisho, Soomaaliya, Febraayo, 20, 2010) Shabakadda Allpuntland.com, oo inta badan qorta warar ka dhan ah dowladda FDKM ayaa waxaa xag-jirnimadii siyaasadeed (oo aan dhib weyn dowladda ku hayn) waxa ay hadda ku darsatay qorid warar xaqiiqada ka fog – oo ceeb ku ah shabakad doonaysa in bulshadu warka ka qaadato.

 

Ciwaanka Warka Allpuntland.com waxa uu ahaa Saraakiil Madaxtooyada Soomaliya ka tirsan ayaa shalay socdaal ku yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya

 

Warkaas waa mid aan waxba ka jirin.

 

Waxaa kale oo allpuntland ay qortay in saraakiishaas ay ahaayeen lix sarkaal.

 

Warkaasna run ma aha, hal sarkaal Madaxtooyadu uma dirsan Kenya.

 

AllPuntland.com waxa ay qortay, “Saaraakisha soo gaaray magaalada Nairobi waxaa ka mid ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaliya C/qaadir Max'ed Cismaan Barnaamij, iyo Bashir Cadow oo isna ah madaxa dhaqaalaha Madaxtooyada”

 

Mudane C/qaadir Barnaamij Madaxtooyada Masuuliyaddii uu uu hayey waxa uu wareejiyey laba bolood ka hor. Isaga oo daruufo shakhsi ah ay keentay xil-wareejintaas. Madaxtooyada way ku ammaanaysaa hawlihii oo Madaxtooyada ka soo qabtay, xiligii uu masuulka ahaa.

 

Mana jiro nin la yiraahdo Bashiir Caddow oo Madaxtooyada ka shaqeeya ama dhaqaale u qaabilsan. Warkaas oo ah war allpuntland.com ayadu ay samaysay.

 

Waxa ay warkeeda ku dartay allpuntland.com, “ maalmihii u danbeeyay Safiir Soomaaliya ee Kenya Max'ed Cali Ameeriko lagu eedeynayey inuu Diplumaasiyiinta reer galbeedka kaga dhaadhicinayey isbadal hogaanka dalka lagu sameeyo.Lamase oga waxa uu socdaalka saraakiishaan soo kordhin doono”

 

Danjire Soomaliya Maxamed Cali AMerika waa danjire, dowladda ayuuna shaqo wanaagsan u hayaa, iyadana wax danteeda ka soo horjeeda kama shaqeeyo.

 

Madaxtooyada waxa ay ugu yeeraysaa allpuntland.com in ay ka waantoobaan, dacaayadaha raqiiska ah iyo wararka macmalka ah ee ay ka qorayso dowladda, waayo taasi dowladda waxba yeeli mayso, waxayse sii wiiqaysaa sumcadda allpuntland.com.

 

Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in warka ummadda iyo midka dowladaba ay ka qaataan ilaha runta ku dadaalla, ee aan wararka iyagu samyn.

 

Warfaafinta Madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this