Sign in to follow this  
Jumatatu

Jowhar Baydhabo

Recommended Posts

Jumatatu   

Dagaal laga cabsi qabo inuu ka qarxo inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

 

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa sheegaya inay jirto cabsi lala xiriirinayo in halkaas ka dhacaan dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyada kala taageerta Xaaji Muuse Suudi Wasiirka Ganacsiga Dowladda KMG ah iyo Maxamed Cumar Xabeeb (M Dheere).

 

Jiida hore ee qadka u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa la soo dhoobay ciidamo fara badan oo ku hubeysan baabuurta dagaalka, waxaana la soo sheegaya in labada ciidan isku hor fadhiyaan meel 20 KM u jirta Jowhar.

 

Wararka ka imaanaya degmada balcad oo ka tirsan Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in uu wali saaran yahay degmadaas bandow uu ku soo rogay Maamulka deegaankaas ee hoos taga Xaaji Muuse Suudi yalaxow oo aah wasiirka ganacsiga dowlada faderaalka Soomalaiyeed.

 

Xaalada labada dhinac ayaa laga dareemay magaalada muqdisho, iyadoo waxgaradka beesha ay ka soo jeedan Muuse iyo Maxamed Dheere ay leeyihiin arrintan waxaa ku jirta gacan 3 aad oo doonaysa inay dagaal dhex dhigto beesha .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Isku dhac ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo

 

Iska horimaad dad ay ku dhinteen ayaa waxa uu maanta ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

iska horimaadkaan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka tirsan garabyada RRA ayaa ka dambeysay kadib markii ay isku qilaafeen qaad ay tooko tooko u qeybsan jireen taasoo sababtay in dagaalkan gacan ka hadalka isu bedelay ,iyadoo dhaawac ka soo gaaray labo ruux halka mid kale uu geeriyooday.

 

Intaasi kadib ayaa labadani koxood waxa ay isla yimaadeen magaalada Baydhabo halkaasi oo si kama ah uu iska hor imaad kale ku dhexmaray kooxo kale oo ka tirsan garabka Xildhibaan xaabsade oo fadhigoodu yahay agagaarka Xafiiska Hay'adda UNDP ee magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan u muuqata mid cakiran xaaladeeda iyadoo shalay halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray kooxo kala taabacsan Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo kuwo kale oo banaabax halkaasi ka waday oo la sheegay inay taageersanaayeen Shaatigadud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

from the get go! i said homie aint gonna GO to Baydhabo ! but the big-balad!! how come yall didnt feel this!

 

come yall! yall feel the game!! but here is the thing! somalia is GONNA BE FROM PLAND TO B-LAND!

AND THATS BELETWEEYNALAND!

 

THE REST--I MEAN GOING SOUTH 4ROM B-LAND IS GONNA BE CALLED BANAADIRLAND!! U GET THE PIC!!

 

WORD!! :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Dagaal xoogan oo ka socda magaalada Baydhabo.

Bay( Sh.M.Network) Dagaal qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

 

Dagaalkani ayaa waxa uu u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kala taabacsan garabyada Shaati Gaduud iyo Xaabsade oo labaduba ka mid ah xildhibaanada dowladda FKMG ee Soomaaliya sida uu ku soo waramayo wariyaha shabakada warbaahinta shabelle ee Baydhabo Sujaac cali Axmed.

 

Dagaalkani oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ilaa iyo haatan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay iyadoo wararku ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen labo ruux oo ah dhinacyada dagaalamaya halka 3 kale ay ku dhawaacmeen inkasta oo wali xaaladu cakiran tahay.

 

Magaalada Baydhabo ayaa lagu arakayaa gawaari tikniko ah oo wada dhaawacyo fara badan iyadoo dhawaqa risaasta si aad ah looga maqlayo magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda.

 

dagaalkaani ayaa waxa uu sameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqii ganacsiga magaalada Baydhabo iyadoo albaabada loo laabay goobihii ganacsiga.

 

Dagaalkan oo ka duwan dagaaladii hore u dhexmaray garabyada RRA ayaa waxa uu salka ku hayaa banaanbax la isku qilaafay oo isbuucii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo kaasoo lagu taageerayay go'aanka golaha wasiirada ee ahaa in Baydhabo iyo Jowhar ay dowladu si KMG ah ay fariisimo uga dhigato iyadoo maleeshiyo Taabacsan Xaabsade iyo kuwo maamulka KMG ah ee gobolka Baay uu iska horimaad ku dhexmaray goobtii banaanbaxaasi ka dhacay.

 

 

This unfortunate fracas can solely be attributed to the recent declartion of PM Geedi. But then again he was acting on the orders of Yeey and the masters,Ethiopia. The aim here is create mayhem,cofusion and rivalary and then rule.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this