Sign in to follow this  
General Duke

Puntland State of Somalia 7 Year anniversary :

Recommended Posts

It only seems yesterday...

 

Asaaskii Puntland oo Garoowe laga xusay

Posted to the Web Aug 01, 15:37

 

 

Garoowe:-1 August 2005 oo ah sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Maamul-goboleedka Puntland, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaaabaasabad lagu maamuusayo maalintaas Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana halkaasi ka hadlay Madaxwayne-kuxigeenka ahna sii-hayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Xassan Daahir Af-qurac.

 

Xassan Daahir Af-qurac Madaxwaynekuxigeenka Puntland, ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in markii la asaasday Maamulka Puntland laga bilaabay meel maran oo aysan waxba ka jirin, hase ahaatee uu maanta yahay mid mira dhalay.

 

Xassan Daahir, mar uu ka hadlayay waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee uu Maamulka Puntland qabtay ayuu si gaara u xusay, yagleelida DFKS oo uu ku sheegay in ay iyaku hormuud u ahaayeen.

 

Madaxwayne-kuxigeenka Puntland Xassan Daahir Af-qurac, marna kama hadlin waxyaalihii shacabka Puntland ay uga fadhiyeen Maamulkiisa oo uu guul daraystay maamulku iyo waxyaalaha ay hadda u qabanayaan Bulshada.

 

Waxaa xusid mudan in aysan dhicin xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayo asaaska Puntland, hase ahaatee uu Madaxwayne-kuxigeenka Puntland uu munaasabadaan owgeed uu shacka Puntland u diray salaan, isagoo u rajeeyay sanadkaan iyo kan xigaba in ay ku noolaadaan amni iyo barwaaqo, kadibna uu hadaladaas kooban ee aynu kor ku xusnay uu jeediyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:Xus ballaaran ayaa loo sameeyay sanadguurada 7aad ee dhismaha dawlad goboleedka Puntland .

- Monday, August 01, 2005 at 10:45

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Munaasbad ballaaran oo lagu xusayo 1da Agoosto oo ah maalinta la dhisay dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

 

Munaasbaddan waxay ka dhacday guriga gobolka ee magaalada Gaalkacyo , waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin , wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ,Cali Cabdi Awaare, taliye kuxigeenka ciidanka booliska Puntland, C/casiis Siciid Gacamey iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin madaxda gobolka , degmada iyo talisyada ciidanka daraawiishta iyo booliska iyo marti sharaf bdan.

 

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Puntland C/naasir Beddel Khalaf oo kamid ahaa qaban qaabiyeyaashii munaasbaddan ayaa sheegay inay maanta tahay maalin wayn oo ah maalintii la yagleelay maamulka Puntland oo laga joogo todoba sanadood.

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug Mud: Sheekh Daahir Jaamac Nuur ayaa asaguna sheegay in dadka Puntland ay muhiim tahay inay midnimadooda iyo maamulkooda ilaashadaan.

 

Wuxuu xusay in todobada sano ee maamulku Puntland ka dhisan yahay dadka reer Puntland ay heleen sumcad wayn oo ku aaddan ammaanka iyo kala danbaynta ka jirta Puntland.

 

Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare ayaa asaguna halkaasi ka soojeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramayo taariikhda dheer ee maamulka Puntland.

 

Wuxuu sheegay wasiirku in maamulka aan dhisannay 1998dii uu naga dhigay dad maamul leh , oo leh meel loogu soo hagaago , wuxuuna sheegay in arintaasi ay sabab u tahay ammaanka aynu dalka ka hirgalinnay.

 

Awaare wuxuu intaasi ku daray in nasiib wanaag Puntland aysan marnaba sheegan inay ka go'aday dalka Soomaaliya intiisa kale , wuxuu xusay inay ka qayb qaadatay Puntland dhismihii dawladda federaalka ah .

 

Gabo gabadii hadalkiisa oo dheeraa ayuu dadka Puntland u dar daarmay inay ammaanka gacan adag ku qabtaan, iskana qabtaan dadka ammaankooda khal khalka galinaya.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Happy anniversary to Puntland State of Somalia.

 

"It only seems yesterday...

 

you could say that again. So Puntland became a State 8/1/1998.

 

well Happy anniversary once again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Anniversary about what? A corruption and mischeif in the land? I see no accomplishment of the state within that 7 years. I think it's more of a CAADIFAD than goals that have been accomplished.

 

The idea of forming a state was great but they miserably failed to better the land and its people. A few weeks ago, we have seen how people are still divided and that qabiil is still strong and rules the land. What's the point of celebration?

Share this post


Link to post
Share on other sites

First Of all qabiil is Strong not in only Puntland but all over the Country Now and in the old days. But what the People of Puntland have is some thing southern Somali does not have and that is some kind of order that steps in when Qabiil fights take place. Unlike South Somalia when their is qabiil fights thousands of People die and in puntland 2 or 3 why Because it has order. And Brother that is some thing worth celebration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland has achieved many things, it is poor yes it is backward yes, and it has a long way to go but the state brings hope which in itself is priceless.

 

Long live Puntland and all other parts of Somalia..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this