Sign in to follow this  
Juje

Duke is still alive and making noises to be noticed..!

Recommended Posts

Juje   

Prof. Geeddi oo ka hadlay muhiimada kulanka Madaxweyne Shariif iyo Hilary Clinton

 

calimaxamedgedi.jpg

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay kulanka dhowaan ku dhex mari doona Magaalada Nairobi Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimada Dibada Mareykanka Hilary Clinton.

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa isagoo u waramayay Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA waxaa uu muhiimad gaar u ah Soomaaliya ku tilmaamay kulankaas.

"Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Mareykanka inay gacan ka geystaan Xasilinta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya"ayuu yiri Prof. Geeddi ka jawaabayay su'aal la weydiiyay waxa uu ka codsan lahaa hadii Madaxweyne uu ahaan lahaa Dowladda Mareykanka.

Prof. Geeddi ayaa is bar bar dhigay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush iyo Madaxweynaha xilligan Barack Obama, isagoo sheegay in labaduba ku mideysnaayeen xasilooni loo helo dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in kulanka dhex maraya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Hilary Clinton ay yididiillo wanaagsan ka soo bixi doonto, isagoo caddeeyay in Mareykanka uu haatan u muuqdo in uu doonayo in uu ficil u bedelo hadalladii afka ahaa ee uu ku wajihi jiray Arrimaha Soomaaliya.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Geeddi ayaa ku soo aadaya xilli saacadaha soo socda lagu wado inay kulmaan Madaxweyne Shariif iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hilary Clinton oo haatan ku wada sugan Magaalada Nairobi.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this