Sign in to follow this  
Jumatatu

Golaha wasiirada DFKM oo isku raacay in la keena ciidama shisheye:

Recommended Posts

Jumatatu   

Golaha wasiirada DFKM oo isku raacay in la keena ciidama shisheye:

 

Shir albaabada u xiranaa golaha wasiirada oo socday muda badan ayaa maanta lagu ogoladay in la keena ciidamada Shisheye wadanka Soomaliya , waxaana cod aqlabiyad ah ku ogoladayin la keena ciidama shisheye 60 wasiir halka ay diideen 9 wasiir waxaana shirka isaga baxay wasiirka Howlaha Guud Cismaan Xasan Cali Caata oo aad ugu carooday arinta ah in ciidama la keena Soomaliya

 

Source: dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

A conflict of deep and principally dividing is emerging to surface between the President, the Speaker of Parliament and PM's cabinet.

It is not a big secret that the President is not keen on this government delegation going to Mogadishu. He did not approve nor was he aware of the first delegation led by Muse Sudi, and he is trying his best to block the second which is planned for this monday led by the SPeaker of the Parliament.

The president's argument is that the government should not go there untill and unless the peace-keeping troops go in advance and secure government building and places of importance. While the some of the cabinet have the oppossing view and have the support of the Speaker and the PM.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka & ra’isul wasaaraha ayaa go’aan dhex-dhexaad ah ka qaatay doodo ka dhashay soo jeedin ka timid madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo diiday safar xilligan wefdi ka socda dowladda ay ku tagaan Muqdisho, wuxuuna madaxweynuhu socdaalka wefdiga Muqdisho ku sugan ku tilmaamay mid uusan waxba ka ogeyn, isagoo xusay in aysan waxba soo kordhineyn tegista Muqdisho loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii xukuumadda & baarlamaanku ay u ansixin lahaayeen dalabka ciidamadda shisheeye ee ka howlgalaya Soomaaliya si loo dedejiyo dib ugu noqoshada dowladda ee gudaha dalka, iyadoo tan & markii uu madaxweynuhu ku soo laabtay Nairobi, uuna soo gaabiyey safarkiisii uu ku tegay Neyjeeriya uu waday olole uu kaga dhaadhicinayo xubno ka tirsan xukuumadda & baarlamaanka in tegista Muqdisho ay ka muhiimsan tahay ansixinta xukuumadda & baarlamaanka ee keenista ciidamadda shisheeye, waxaana fikirka madaxweynaha ka soo horjeestay guddoomiyaha baarlamaanka & ra’isul wasaaraha oo soo jeediyey in marka hore la soo ogaado fikirka waxgarad-ka ku dhaqan Muqdisho, kadibna wixii talaabo ah lagu dhaqaaqo, waxeyna ku adkeysanayaan wefdigu haddii ciidamo loo baahdo & haddii aan loo baahneyn-ba in ay iyagu soo sheegayaan marka ay ka soo laabtaan Muqdisho........Kulan lagu dhammeynayey arrintan oo xalay ay yeesheen madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka ayaa keentay in hadalo kulul ay isku-weydsaarsadaan madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka, waxeyna wararku sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanku uu yiri waxaan tegeynaa dalka, iyadoo madaxweynuhuna uu olole ugu jiro sidii safarka wefdigaasi loo baajin lahaa, iyadoo arrinta safarka, tan keenista ciidamadda shisheeye & arrinta farriinka dowladda ay dood adagi ka taagan tahay.

Source: dayiniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This will expose the fact that Col. Yey is the only one that can not go back to Mogadishu. Among other reasons, being a big time killer with over 20 years of "khaarajin" experience, he is in no hurry to take chancs himself.

 

 

Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^Lool...sxb I dont actually think he is afraid of to be 'kharajiin', and I dont think there is a price on his head in Mogadishu either, on the contrary they love the guy in Xamar.. smile.gif . Lakiin there is something else that is behind his intention and am afraid he is not alone in that.Abdullahi does not want to come to Mogadishu and take the seat of power there. Now whether he is right or wrong in his reason is argumentative, but what is beyond argument is that his actions will determine the tenure of his presidency..it will entirely depend on his tactical manoeuvre. Lets hope for the better and future of the Nation the old man comes to his house in Wardhigley.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cabdulaahi Jaamac Sifir Oo Shaaca Ka Qaaday In 30 Xildhibaan Ee Muqdisho Aaday Aanay Dowlada Dirsan Oo Aanay Ka tashan safarkooda.

 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka 1aad ahna wasiirka warfaafinta ee Dowlada KMG ee Soomaliya Cabdulaahi Jaamac Sifir Ayaa xalay Shaaca Ka qaaday In xubnaha dowlada ee isugu jira wasiirada iyo baarlamaanka safarka ay ku tageen aanay ahayn mid ay wax ka ogayd dowladdu balse uu ahaa mid shaqsiyadeed .

Mr. Sifir waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo Wafdigii uu hogaaminayay Maxweyne Cabdulaahi yuusuf ay ka soo qayb galeen Shirkii Abuuja oo loogaga hadlayay in Soomaaliya la keeno Ciidama shisheeye Hase yeeshee loo agolaaday in ciidmo IGAD ah la geeyo Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in Wasiirada gaashaandhiga ee Urur Goboleeka IGAD ay dhawaan ka shiri doonaan arinkaasi .

 

Waxaa sii Balaaranaya Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowlada KMG ee Soomaaliya iyadoo Ra'iisulwasaaraha DKMG iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Golaha Wsiirada Iyo inta badan xubnaha baarlamaanku ay diidan yihiin in soomaaliya la keeno ciidamo Shisheeye Halka Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu dhagaha ka fureystay Dalabaadka Baarlamaanka iyo xukuumada aay ku diidan yihiin ciidamadaas shisheeye iyagoo qaba in dhaqaalaha ku baxaya ciidamadaasi loo baahan yahay in lagu tababaro maleeshiyaadka oo la Qarameeyo lana dhaqan celiyo

 

 

Hobyonet.Muqdisho. Jimce 4 Febaraayo 2005.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A conflict of deep and principally dividing is emerging to surface between the President, the Speaker of Parliament and PM's cabinet.

 

Is this truth or the hearsay of some Somali media outlets? The fact is that the cabinet has agreed to request the deployment of foreign peace keepers for a limited time in Somalia. 60 voted for 9 against. Those who voted for include the PM and a number of ministers from Mogadishu including the security chief Qaynyare. The minister for security and a number of other ministers are part of the delegation heading to Mogadishu on Sunday and which is being led by the Parliament speaker.

 

These website represent a narrow point of view. Lets wait for the news to come in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

These website represent a narrow point of view. Lets wait for the news to come in.

Just cause they are not naratting to your liking does not mean they represent narrow ..abti...it could be wider than you think...never underestimate sxb...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geediiyo%20cabdulahi.gif

 

Wasiirada.gif

 

Wasiirada1.gif

 

 

Madaxwayne Yusuf waxa u Golaha Wasiirada siiyay warbixin dhinacyo badan isaga oo ka shayeeyay qaabkii loo soo dhaweeyay& Madaxwayna yeeshii ay kulmeen,

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Soomaalida looga baahanyahay in ay Wadankooda Dhisaan ayna ka shaqeeyaan Nabada kuwado noolaansho iyo Sidii Dadka Soomaaliyeed ay ugaari lahaayeen Horumar dhinac walba leh,

 

Warbixintii dheerayd ee Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka hor aqriyay Golaha Wasiirada ka dib waxaa Biloowday Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Madaxwaynuhuna waxa uu dib ugu laabtay Aqalka Madaxtooyada Kumeelgaarka ah ee Nairobi,

 

 

Kulanka Golaha Wasiirada Sida caadiga ah waxaa gudoominayay Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana la guda galay ka doodida Ajandihii shirka oo ahaa Soomaaliya Ciidamo ma la keeni karaa mise lama keeni karo,

 

Doodu waxa ay ku bilaabatay dood is waydaarsi iyo oraah ay Soojeedinayeen Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya Doodaa oo ku aadanayd Figrad dhiibasho iyo soo jeedin Xubnaha wasiirada iyadoo si aada looga Dooday Tirada Ciidan,Wadamada ay ka Imaanayaan, iyo waxa ay qabanayaan,

 

Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradu waxa ay soo jeediyeen in aan loo baahnayn in wadamada Dariska ah laga keeno Ciidamo iyaga halka Qaarkalle oo ka tiras Wasiiradu sheegeen in maadaama Soomaaliya maanta u baahantahay in la caawiyo aysan lahayn Doorasho,

 

Xaalku si walba ha noqdee waxaa la isla ogolaaday in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ajnabi ah iyadoo Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gedi halkaa ka sheegay in ay Diyaar uyihiin ku dhawaad 9 dal oo udiyaara in ay walaalahooda Soomaaliyeed Caawiyaan,

 

Waxaa arinka Ciidamada dood dheer ka dib lagaliyay in loo codeeyo iyadoo 63 Xubnood oo ka mida Golaha Wasiirada ay aqbaleen in Soomaaliya la keeno Ciidamo halka 9 Xubnood qaadaceen,

 

It seems the news was not as bad as some thought at first. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirada ee Dowladda KMG ah oo ogolaaday in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda IGAD iyo Midowga Afrika.

 

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dood dheer iyo is jiid jiid kadib lagu ansaxiixay in soomaaliya la keeno ciidamo ka kala socda Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD kuwaas oo hubka ka dhiga Maleeshiyooyinka Soomaalida.

 

Shirka oo ahaa mid albaabada u xiranaa, uuna socday muda badan ayaa maanta lagu ogoladay in la keena ciidamada Shisheye wadanka Soomaliya , waxaana cod aqlabiyad ah ku ogoladay in la keena ciidama shisheye 62 wasiir halka ay diideen 9 wasiir waxaana shirka isaga baxay wasiirka Howlaha Guud Cismaan Xasan Cali Caata oo aad ugu carooday arinta ah in ciidama la keena Soomaliya

 

Furitaankii shirka oo khudbad dheer ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu sheegay sida ay muhiim u tahay in dalka la keeno ciidamo Afrikan ah, isagoo Wasiirada ka codsaday in la ogolaado Ciidamo shisheeye.

 

C/llaahi Yuusuf oo ku dheeraaday keenista ciidamo shisheeye ayaa waxaa uu kaloo sheegay in IGAD ay ogolaaden ciidamo, halka Midowga Afrika iyagana ay diyaar yihiin.

 

Wasiirka Koowaad Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in qoraalka ay maanta ogolaadeen Wasiirada uu hordhigo Baarlamaanka KMG ah, iyadoo go’aanka ugu dambeeyay in dalka la keeno ciidamo shisheeye uu leeyahay Baarlamaanka.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga ...

DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million si ay ugu guurto Soomaaliya..

 

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com, Nairobi

Email: canabmumtaz@hotmail.com

--------------------------------------------------------------------------------

 

Kulankii wasiirada ee maanta oo wax badan ka badalnaa kulamadoodi hore waxaa looga hadlayay warmurtiyeedkii ka soo baxay wadamada IGAD ku bahoobay ee ku aadanaa ciidanka ay bixinayaan ee dowladda ka caawinaya dhinaca amniga inta ay ka helayso ciidamo tababaran oo ka shaqeeya nabad galyada.

 

Shirkan qaybtiisa hore waxaa Golaha wasiirada kala qayb galay Madaxweynaha oo usoo bandhigayay waxyaabihii uu kala soo kulmay shirkii abuuja ka dhacay oo soomaaliya loogu soo balan qaaday taageero iyo ciidamo ka socda IGAD loona soo xilsaaray in ay xoogga saaraan wadamada safka hore ee IGAD.

 

Intaas ka dib waxaa la dhagaystay ra'yiyada kala duwan ee ay golaha ka qabaan ciidamadaas,meelaha ay ka howl galayaan iyo wadamada laga qaadanayo sidoo kale in baahida loo qabi karo xiligan mid wax tar leh tahay ama aan qiima ku fadhin keenistooda.

 

Doodan oo saacado qaadatay waxaa loo batay in laga keeno ciidamada dhamaan wadamada ku jira IGAD, iyadoo aan la fiirinayn siyaasada ku kala dhex jirta wadamada safka marka xaaladda soomaaliya laga hadlayo,ee dowladda cusubna ay fiiriso waxa horyaala ee ka jira dalka soomaaliya iyo baahida shacabku u qabo nabadda oo aanay ku imaan karin kaliya sida hadalka loo dhigay siyasiyiinta soomaaliyeed ee soo dagaalamay sanadihii la soo dhaafay oo aan kalsooni badani ka dhex jirin.

 

Ra'iisul wasaare Geddi ayaa soo jeediyay in cod loo qaado ciidamadaas in ay ka howlgalaan dalka ama in ay aan la ogolaanin gabi ahaan, golaha wasiirada oo gaarayay 73 waxaa isku raacday in la keeno ciidamo soomaaliya 63 wasiir, halka sagaal ka mid ahna ay diideen in ciidamo ka socda IGAD ama meel kale gabi ahaanba aan la keenin,waxaana ka aamusay hal wasiir.

 

Kulankan Golaha wasiirada oo ahaa kii ugu adkaa uguna dheeraa waxaa la isku raacay in la keeno ciidamo ka socda Wadamada IGAD oo ay ku jiraan Kuwa safka hore Jabuuti, Kenya Iyo Ethiopia waxaana lagu jiraa ka warsugidda ciidankaas goorta la gaynayo soomaaliya iyo tirada ay keenaan IGAD oo uu qaabilsan yahay Madaxweynaha dalka Ugandha.

 

Dhinaca kale waxaa dowlada loogu deeqay lacag dhan 6 malyan oo dolar ($6 milion) waxaana bixiyay ururka midowga Yurub, Swedhan iyo UNDP, qarshkan ayaa loogu tala galay in ay dowlada ku maamusho howlaha guuritaanka iyo dirista wafdiyada soo qiimaynaya xaalada soomaaliya.

 

Lacagtan waxaa lagu wareejiyay shalay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, waxayna hay'adahaas balan qaadeen in ay la garab istaagayaan waxii lagu socodsiinayo nabad ka dhalata soomaaliya, ururadan bixiyay lacagtan ayaa ahaa kuwa ugu badan ka soo qayb qaatay qarashyadii ku baxay shirka intii uu ka socday dalka kenya, waxaa kale oo dhaqaale kan la mid ah bixinayay jaamacada carabta.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Email: canabmumtaz@hotmail.com

 

WARBXIIN LABAAD EE ANSIXINTA CIIDAMADA AJNABIGA:::

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this