Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Maxaa Soomaliland loo aqoonsan La yahay??????

Recommended Posts

Maqaal}20.11-05 Gobolada koonfureed ee USA , nov 1860 , waxaa madaxwayne loodoortay abraham lincoln , wuxuu kasoo hor jeeday ganacsiga adoonsiga , waxaa halku dhig u ahayd (if slavery is not crime ,nothing crime !!!) gobolada koonfurta ee USA waxay doonayeen in uu siijiro ganacsiga adoonsigu ,intaan lagaadhin xafladiisii (inaugurition) 4 march 1861 todobada gobol ee koonfurta dhaca ayaa ku dhawaqay in ay kagoosteen USA oo falaagoobay..........

 

 

waxay ahayd xilli aanu soo dhawayn shirka golaha baarlamaanku (koongarayska ) furitaankiisu , madaxawayne abrahan wuxuu amar ku bixiyay ciidamadu in ay talaabao adag kaqaadaan markiiba maraakiib ayaa lagu xeeray dekadohooda, 4 markab ganacsi oo diiday amarkiina waa lala wareegay , waxaana loo bixiyay American civil war !!! , waxaana (koongraysku ) uu ansixiyay april 1981 talaabadii uu madaxwaynuhu kaligiis qaaday , kadibna maxakamada sare ee U S A oo dacwadii loogudbiyay waxay go'aan ku gaadheen in uu madaxwayne abram sax ahaa , waayo qaranimada ayuu difaacay iyo in ay USA kala googodo .

 

kataanga , koongo : moise Tshombe wuxuu goostay kataanga ,july 11/ 1960 ,iyadoo dawladii biljam ku adeegsanayso si loogu jabiyo raysalwasaare patrise lamumba oo uu kasoo horjeeday ilaa 1956 markii uu xabsiga kataanga ku qoray buugii , congo my countery!!! biljam waxay soo direen lamumba waxayna u dhiibeen kataanga , jen 1961 islamaalintiiba waxaa dilay mise tshonb .

 

Dag hammarsky !! markii diyaaradu ladhacday ee loo doortay Uthant U .N general ciidamadu waxay dagaal ku qaadeen falaagadii lana soo xidhay moise tshonbe 9/ janaayo 1963 , moise waa tuu u fakaday dalka isbeyn ,

 

jamhuuriyada Biafra , Nayjeeriya sanadii 1966 Maj gen Aguiyi-ironsi kanasoo jeeday qabiilka igbo ayaa nayjeeriya inqilaabay , sanadii 1967 waxaa isgiina sii in qilaabay lieut , sol yakuba gouon may 1967 , lLT col ogukwu oo kasoo jeeday abiilka igbo ayaa arintaas ka xanaaqay wuxuuna ku dhaqaaqay in uu koonfurta nayjeeriya goostay lana baxay (jamhuuriyada biafra) dagaalkaa biafrra ee goostay iyo maad goosan ku salaysnaa wuxuu socday magasoo bilaabo 1967 ilaa 1970 , waxaana ku dhintay dagaalkaa 1000000 hal milyan oo qof , LT col yakuba wuxuu biafra soo fadhiisiyay cagihiisa markii lajabiyay biafra na LT col ojuku wuxuu ufakaday ivery coast ,

 

Nov 1995 markii dawlada Nayjeeriya dilka ku xukuntay 8 qof oo uu kamid ahaa kensaro-wigwa . nayjeeriya aduunka oo dhan waa laga canbaareeyay , waxaana laga saray ururka barwaaq sooranka , laakiin markii hal milyan oo qof lagu dilay dagaalkii biafra dawlad canbaaraysay majirin .

 

kasi . kongo : Albert kalonji , wuxuu july 11 / 1960 kii gobolka kasaay ee kamid ahaa koongo goostay isga oo biljim hoosta ka caawinaya , si loo rido lamumba , markii ladilayna lammumba , waxaa lagu wargaliyay in aan koongo lakala goyn karin , laakiin albert waa tii uu diiday , kadibna ciidamada U N tu ay soo qabteen lana soo xidhay seb 1962 kadibna uu ufakaday dalka faraans oo hory wax ulawaday

 

peaple's Democratic Republic of Yeman ( cadan) iyo Yeman Arab Republic (sanca) waxay midoobeen may 22 /1990 iyaga oo ay kala hogaaminayeen labadoodii madaxwayne Cali Cabdale Saaalax iyo Cali Saalim Al-beidh , waxayna la bexeen Republic of Yeman , sanadkii 1993 , xidhiidh koodii waa xumaaday , waa tii Madaxwayne ku-xigeenkii Albeidh uu falaagoobay oo goostay koonfurta Yaman , markii ururka jaamacada carabtu ka hungoobeen dhex-dhexaadintooda july 7 /1994 , waa tii ciidamada yamanta waqooyi ku soo qaadeen dagaal ayna qabsadeen koonfurta cadan Madaxwayne ku xigeenkii cali Saalim Albeidh iyo Madaxdii wehelisay waa tii ay dalka dibada uga yaaaceen oo noqdeen (Exile) oo aan deero deero u hirdiyin ........

 

lasoco qaybtan tan xigta , waa socotaa ...

Widhwidh online

info@widhwidh.com

 

 

(Maqaal}21.11-05 SPLA Southern sudan, John Grang, wuxuu wax badan Aduunyada ku beerlaxawsaday in ay Kiristaan yihin Jinsiyadooduma aysan Carab ahayn, Waxay dagaal ku jireen 21 Sano wuxuuna ahaa dagaalki ugu Dheeraa ee Qaaradda africa, waxaana ku dhintay sadex Millyon Qof, waxaa qaxooti ku noqday Lix Milyan sida ay qortay amnesty Internatiolanal.....

 

Ma jiri Ilaa iyo Haatan Hal dal oo Aqoonsaday, waxaana lagu qasbay in ay ka mid ahaadaan Sudaanta wayn ayna Awooda la Qaybsadaan.

 

Irish Republican Army" Nothern Ireland, waa lix Degmo(Six County) waxay ka Tirsan tahay Boqortooyada UK, Halgan kooduna wuxuu ka soo jeedaa Dagaalkii loo yiqiin Easter Monday ee 1916 kii waa Hal Qarniye garo, marki 1921kii Sothern Irland oo ka kooban 26 Degmo( County) ay Boqortooyada Uk ka go'een lana bexeen Repoblec Of Ireland, Qaybta Waqooyiga ama Nothern Ierland aysan ka hadhin Dagaalkii ee sii wadeen, wuxuu ugu daraa 35 Sano ee ugu danbeeyay, waxaa Dagaalkooda ku dhintay Qiyaastii 25,000 oo Qof, wax Rajo ah oo ay leeyihiin ma jiraan Cid Aqoonsatana warkeedaa.

 

Tamil Tigers, Sirilanka Sanadkii 1956dii Solomon Bandarnaike oo ahaa Ra'isalwasaarihii ugu Horeeyay, wuxuu afka Sinhelise ka dhigay Afka Rasmiga ah ee Dalka, Taamilka oo 18% waxay ka xanaaqeen Arinkaas, Septembar 1959 Prime minister Bandarnaike ayaa la dialay, Marwodiisii Sirimayo Bandarnaike ayaa Xilki la wareegtay, Kacdoonkii Taamilku waa sii kordhaySanadkii 1983 Jabhadii Taamil waxay ka Codsaden Xubinihii ( Taamil United Liberation Front) kaga jiray Baarlamaanka in ay ka soo baxaan si Taamil Gobolada Bari iyo Waqooyi u Goostaan, Xubnihi Baarlanaaka ahaa ee T U L F waa ay Diideen in ay ka soo baxaan Sirilanka .

 

Ka dib Taamil Tagers waxay soo Qaadeen dagaal laxaad leh, waxayna Dagaalamayeen 19 Sano, waxaana ku dhintay 61,000 oo Qof, waxaana qaxooti Noqday in ka badan 500,000 oo Qof, May 1 1995 waxay Dileen Madaxwaynhii Dalka Ranasinghe Premadasa, waxaana soo gaadhay Khasaare Lixad leh, waxaana ugu Danbaynti lagu Khasbay in wada hadal lagu dhameeyo iyo Awood Qaybsi, waxayna Dawladu iyo Taamil kala Saxeexdeen Heshiis Feberwary 22/2002.

 

Party Quebec, Canada wuxuu u dagaalamay in Quebec ay ka Go;do in ku dhaw Sodon Sano, waxay Qiil ka dhigteen in Qaanuunkii Quebec Act ee 1774kii ee Baarlamaanka Ingriisku soo Saaray uu French Territory in Nothern America uu u ogolaaday afkooda( French iyo Diintooda in loo Ilaalinayo) waxay ku Khasaareen Labo Afti( Referendum) oo ay ka qabteen Dawaynaha Quebec labadiiba waa ku guul daraysteen, may 20/1980kii waxaa ku Codeeyay 59.5% in ay Diideen falaaganimo ama Goosad, mar labaadki waxay ahayd Octobar 30/1995kii, waxaa ku Codeeyay 50.6% in ay Diideen Falaagada Party Quebec, waxaana ku Guulaysat Xisbigii Librelal oo Federalist ah.

 

Waxaana taas uga Daraa Ogost 20/1998 markii Maxkamada sare ee Canada ku Xukuntay in aan Quebec ayna Canada ka Go'i karin marka loo eego dastuurka Canada iyo Internatioaln LAW'ga Labadaba, qaanuunkii Quebec Act ee Qarngii 18aad ma uusan Hada Shaqaynayn Halkaas bayna ku dhimatay Halganki Falaagadi Party Quebec.

 

Southern Rhodesia, Ian Smith, Rhodesia waxaa Gumaysan jiray Ingriiska, Magaca Rhodesia waxaa uu ka soo jeedaa Cel John Rhodisia oo ahaa arday Oxford Univesity Dhamaysat, Bilaabayna Shirkadi ka Qoday Macdanta dalkaas, hantidiisiina ugu Deeqay Oxford, isagoo ku Magacaabay Rhodisia Schoolar Ship!!! Dadka wax ka soo bartay waxaa ka mid ah Presdent Clinton iyo Bob Rae( Ex Premer of Ontario.

 

Ingriisku waxay isku dayeen in ay mideyaan ( Federaition) 1958kii Southern, Nothern Rhorisia iyo Nyasland, Laakiin markay arkeen in la Khiyaamynayo Nothernka iyo Nyasland, waxay ka baxeen federation kii Jen 1 1964, waxayna Uk waydiisteen Xoriyad, waxaana Xornimo la siiyay isla 1964, waxyna la kala baxeen Zanbia iyo Malawi, ka dib Nov 11 1965 Ian smith oo madax u ahaa Southjern Rhodisia wuxuu ku dhawaaqay in uu ka Go'ay gacanta UK oo Dalku Xor yahay uma ogolaan dadka Afrikaanka ah in ay ka Qaybgaaln Xukunka Cunaqabatayn ayaa lagu Soo Rogay.

 

15 Sano ka dib ayuu isku dayay in uu dalka ku wareejiyo Baaderi ay ku Shaqaysan jireen Bishop Abel muzerrewa , iyagoo ku magacaabay mezerewa prime minsterJune 1/1979.. Adduunku ma aqoonsan illaa loo Ogolaaday in ay ka qayb galaan Jabhadihii Xornimo doonka ahaa, Mugabi (Zanu) iyo Joshua Nkoma) (Zapu) April 1980 waxaa la qabtay Doorash Guud waxaa lagu soo doortay Robert Mugabi oo ilaa hada Madaxwayne ka ah, waxaana Magacii dalka loo Bixiyay Zinbabwe, Salisbury waxaa loo bixiyay Harrare, Mugabi ayaa sanadkii 2000 wuxuu soo saaray Sharci lagu Qaybinayo Dhulkii laga dhacay Afrikaanka oo 400 oo cadaan ahi lahaayeen......................,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saaxiibkeeyga qaaliga ah Aqiyaar Tolstoy waxaan kaaga cudur daaranaa yaa anigoo aan jecleesan in aan kuugu jawaabo luuqada aaan aheey teeda hooyo ayaan waxaan rabaa in aan wax yar kuu caqli celiyo waxaa laga yaabaa dadbadan oo soo gal sol in ay kugu barteen nin aad u jecel in uu waxbadan qora aan micna suubin kuna qora Engilsh waxaan aad iyo aad u aamin sanahay in qofkastoo soo gal sol in ay qori karaan kuna hadli karaan englishg . Hadaan taas ka gudbo waan kuugu mah celinaayaa sida aad ii amaanta ....

 

Consequently, although, I hate to dissalution up-coming kid, in regards to ropes of debates and what have you; but nevertheless, decorum I believe, will dictate for me to say to you, that you should read wide and deeper, if you are intent of drawing any useful parallel anology from any one of these cases with that of Somaliland's case.

waxaa laga yaabaa sidii uugu fiicneed oo aad iigu jawaabi laheed in ay noqotay hadalka aad kor ku xustay.

 

 

Hadalkii oo la soo koobay somaliland oo la aqoonsado waa cirka iyo dhulkoo la is taabsiiyay amaba badoo sonkor laga dhigay. Aricadeey oo cidanka hargeeyso soo dhaafaan waa soomaaliland oo la aqonsaday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Mansa and Wiil-duco, Maadaama dowladda jowhar deggan u hadasho Somalida inteeda kale in international circles, their views count more than yours. Last time the so called PM spoke, he sounded affirmative on recognition, so why fight a losing battle? The only way to save Somalia from further disaster is to undermine these men. If that is not acceptable, waxba yaan la is daalin. Dowladdaan dowlad la'aanaa ka fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this