Sign in to follow this  
SOO MAAL

XUSEEN CAYDIID: Siyaasi aan cidna col la ahayn

Recommended Posts

SOO MAAL   

XUSEEN CAYDIID: Siyaasi aan cidna col la ahayn

 

_1723233_aideed150.jpg

 

aidid_j.jpg

 

Talaado, March 22, 2005(HOL)@8:19GMT: Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad, waa siyaasi da' yar oo mustaqbalkiisu ifayo, kaasi oo aan dooneyn in xoog iyo dagaal wax lagu xaliyo sida uu isaguba horay u sheegay.

 

Dadka arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa ka hadlay mowqifyadiisa iyo is-bedbedelkiisa siyaasadeed ee uu la soo baxay tan iyo wixii ka dambeeyay markii loo magacaabay xilalka is-dul saaran oo uu Xukuumadda ka hayo, isagoo la saaxib ah labada dhinac oo ay u kala jabtay Dowladda Federaalka. Xuseen Caydiid waxaa lagu tilmaamay in ay dani ku xambaareyso labada dhinac oo uu marba mid la jiro, matalan waxaa la leeyahay dhinaca Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha waxaa ku celinaya abaal loo galay oo ah in la isugu daray labo jago oo waa weyn, halka wasiirradii kale ee kala soo joogay Beesha ****** la siiyay Wasiirro qaarkood markii ugu horeysay hadda uun la maqlayo magacooda sida Wasaaradda Amniga Qaranka oo ka howl gudasho ahaan ay isku dhacayaan tan Arrimaha Gudaha, sidaas darteed ayuuna dhinacaas ugu caasin karin, halka dhinaca kale ee hoggaamiyayaasha Muqdishana uu ula jiro qaab beeleed aanan looga maarmi karin, bacdamaa uu ku magacaaban yahay Arrimaha Gudaha.

 

Xuseen Caydiid waxaa uu ka qeybgalay shir ay hoggaamiyayaasha Muqdisho ee dowladda ku jira ku go'aamiyeen in ay Gobolka Banaadir maamul u sameeyaan, hayeeshee iyadoo la sugayo saxiixa go'aankaas ayaa la maqlay Xuseen Caydiid oo Baydhabo la jooga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo ay hooggaamiyayaasha ****** ka soo horjeedeen.

 

Nairobi ayuu ku soo laabtay, waxaa uu wax ka saxiixay heshiiskii ay hoggaamiyayaasha ****** ku gaareen in ay Gobolka Banaadir maamul u samaeynayaan, ammaankiisana ay sugayaan, saacado kadib wuxuu hadana ka mid noqday Wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo socdaal labo maalmood ah ku tegay dalka Masar, wuu soo laabtay, waxaa dhacay kulankii xubnaha baarlamaanka isku dhangadeeyeen [uleeyeen], kaasi oo sida Guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay lagu diiday in ciidamo ka socda dalalka safka hore Soomaaliya la geeyo, wuxuuna mar kale magaciisa ka soo dhex muuqday liis ay soo saareen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo taageerayay go'aankaas Baarlamaanku gaaray. shalay ayaa u dambeysay wuxuu ku haray shir ay isaga baxeen Wasiirrada Muqdisho, kaasi oo gunaanadkiisii laga soo saaray in Dowladda Federaalka ay si KMG ah u sii degeyso magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Caydiid waxaa lagu tilmaami karaa siyaasi aan cidna col la ahayn, waxaana taasi caddeyn kara weli afkiisa lagama hayo isagoo xubin ka tirsan dowladda Federaalka si gaar ah wax uga sheegaya amaba af-lagaadeynaya sida hoggaamiyayaasha kale, isagoo weliba saaxib la ah dhinacyada isku khiaafsan Siyaasadda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis)

Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this