Sign in to follow this  
guraad

The Truth And Lies About Riyale Visit .

Recommended Posts

guraad   

London(Radiolascaanood)Wafdigii ka socda xukuumad isku sheega waqooyi galbeed oo uu hogaaminayo Daahir Riyaale Kaahin ayaa weeganba socdaal ku joogay waddanka ingiriiska.

Socdaalkan oo ay madaxda gobolada waqooyi galbeed markii dadka deegaankaa deggen ay ugu sheegeen inuu yahay mid ay sababtay martiqaad ka yimi xukuumadda waddanka ingiriiska.

 

 

Oo ay kaga wada hadlayaan arrimo fara badan uguna horayso ictiraaf ay xukuumadda ingiriisku ku siiyo Riyaale Kaahin iyo gobolada waqooyiga Somalia gooni isu taaga ay dhawr iyo tobankii sanee ina soo dhaafayba caalamka la wareegayeen.

 

Ayaa wuxuu noqday mid ay guul darro weyn kala kulmaan, kadib markii ay dawladda ingiriisku geeska ku dhufatay arrintan oo ay tidhi burburka Somaliya hormood u noqon mayso. Oo waxay taageeraysaa shirka dib u heeshiinta Somaliya ee ka socda wadanka Kenya.

 

Riyaale Kaahin intuu sawiro iskaga soo qaaday baarlamaanka hortiisa ayuu wuxuu ku noqday hoteelkiisii, halkaasoo qol weyn oo hotelka ka mid ah ay ku qabteen shir saxaafadeed ay kaga hadlayaan mawqifkooda. Shir saxaafadeedkaas oo ay ka wada buuxeen rag iyo dumar ka tirsan xubina ka ah xisbiga udub ee Riyaale madaxda ka yahay ayaa halkaa waxa ku wehiliyey dhawr nin oo ingiriisa, oo ah kuwa ugu dambeeya kuraasta baarlamaanka (Back benchers) oo hareerihiisa fadhiyey.

 

Lamay kulmin Prime Ministerka Tony Blair, lamay kulmin xitaa wasiirka arrimaha dibadda Jack Straw, waxay la kulmeen kal kaaliyaha ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee qeybta Africa caawimada siisa Chris Mullen oo ah Xogheyn minister. Warku siduu u sheegay maaha bbcda laanta afsomaliga markay lahaayeen Barlaman buu ka qudbadayn warkii shalay waa kan ee Riix .ee waxaad halkan ka dhagaysataan BBC London laanta af ingiriiska siday u sheegtayee Focus on Africa Halkan Riix

 

 

 

www.Radiolascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Originally posted by guraad:

Riyaale Kaahin intuu sawiro iskaga soo qaaday baarlamaanka hortiisa ayuu wuxuu ku noqday hoteelkiisii, halkaasoo qol weyn oo hotelka ka mid ah ay ku qabteen shir saxaafadeed ay kaga hadlayaan mawqifkooda.

This is embarrassing for Somaliland to say the least.

 

Good to see you back old man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this