Sign in to follow this  
Member-sol-

What the Shabaab are doing for Sh/hoose and it's people

Recommended Posts

Gudoomiyaha degmada Buula Mareer ugu qaabilsan Wilaayada Sh/Hoose oo warbixin naga siiyay xaaladaha degmadaasi.

 

 

 

Isniin 14 Safar 1430 (09/02/2009)

Sheekh Maxamed fanax oo ah gudoomiyaha degaanka Buula mareer u qaabilsan Wiliaayda Islaamiga ah ee Shabellada hoose ayaa noo xaqiijiyay in xaalada degmadu ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana shacabka muslimka ah ee ku nool deegaanada hoostaga maamulka ay yihiin kuwo aad ugu diirsaday kudhaqanka shareecada Islaamka oo halkaas uu maamulku ka hirgeliyay.

 

 

Sheekh Maxamed fanax ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay waxqabadkii uu maamulku ku talaabsaday mudadii uu ka ariminaayay deegaankan wuxuuna yiri"Howshii ugu horeeysay een qabanay waxay ahayd,maadaama deegaanku uu can ku yahay dhulbeereed aad u waasic ah waxaan ku dhiiri gelinay dadweynaha inay qotaan kannaal weyn oo 32km ah kaasoo u dhexeeya Jannaale,Golweyn iyo Buulamareer,wuxuuna gaaraa biyihiisa ilaa 50km isagoo soo mara tuulooyinka ay kamid yihiin Burshaan,Waagaari,Kaytooy,Dalbiyaan,Danow iyo Bardisaalax,beelihii deegaanka ayaan isku keenay hishiis baan dhexdhignay gudina waan u sameynay oo u xilsaaran qodista kannaalkaas,hada way ku socotaa mashiinadiina way saarantahayihiin".

 

 

Sheekh Maxamed fanax mar aan wax ka weydiinay isfahanka u dhexeeya maamulka iyo dadka deegaan ayuu sheegay inay aad u wanaagsantahay xariirka bulshada iyo maamulku leeyihiin isagoo arinkaas kahadlayana wuxuu yiri "Markii hore waxaan iskugu yeernay waxgaradka iyo odayaasha degmada Buulamareer,way noo yimaadeen waxaanan u sharaxnay hadalfka aan leenahay oo ah in lagu dhaqmo shareecada Islaamka,way ka hadleen madashii hadafkiina aad bay usoo dhaweeyeen,waxaanan ku hishiinay inay u sacyin doonaan helida kudhaqanka shareecada Islaamka waxayna sheegeen inay ku bixin doonaan naf iyo maal,cid kasta oo ka hortimaada hadafkaasna ay la dagaalami doonaan".

 

 

Sheekh Maxamed fanax gudoomiyaha degmada Buulo mareer ee hoostaga Wilaayada Shabellada hoose ayaa sidoo kale nooga warbixiyay xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay qaybo kamid ah deegaankaas wuxuuna yiri"Waxa kadilaacay degmada Buulomareer cudurka shuban biyoodka,wuxuu ku bilowday si tartiib ah caruur ayaa u badnaa dadkii uu markii hore haleelay xowli buu ku socdaa,hada wuxuu markii dambe u gudbay dadka waaweyn,dhowr ruux ayaa sababkaas u dhimatay oo caruur iyo dad waaweyn iskugu jira,waxaan u sameyney goob caafimaad oo la iskugu keeno dadka cudurkaasi ku dhoco waxaanan keenay shaqaale gaaraya 17 shaqaale caafimaad oon mishaarkooda anagu siino maalin walba,waxaan haynaa daawo iskugu jirta faleebooyin cusbo ah oo dadka fuuqbaxa la siiyo,iyo ORS oo biyo ahaan loo cabsiiyo dadka shubanku ku dhaco,iyo kaniiniyo lagu nadiifiyo biyaha wasaqaysan,waxaanan Allaah ka baryaynaa inuu naga dulqaado xanuunada dhamaan)".

 

 

Degmada Buulomareer iyo tuulooyinka hoos taga ayaa ka mid ah meelaha uu kataliyo maamulka Islaamiga ah ee Wilaayada Shabellada hoose halkaasoo ay Mujaahidiintu gacanta ku hayaan kana hirgelinaayaan ku dhaqanka Kitaab-ka Allaah,iyadoo shacabka Muslim ah eek u dhaqan goobahaas ay Allaah uga mahadcelinayaan nimcada ah ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo dhibki laga kor qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this