Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hussein Aideed Speaks About Somaliland

Recommended Posts

Siyaasigga Hussein Mohamed Caydiid oo mudo ka aamusnaa dhacdooyinka ka aloosan koofurta Somalia iyo isqabqabsiga ka dhaxeeya garabyada ku dagaalamaya ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay khilaaf siyaasadeedka sababay rabshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

" Khilaafka siyaasadeed iyo isla qabweyninka madaxda garabyada Somaliland,waxaa gadaal ka taagan,oo ku lugleh,Interpeace,Et hiopia iyo Al-Shabaab sedexduna waxay ka leeyihiin dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed"ayuu yiri Hussein Caydiid.

 

Eng Hussein Aideed wuxuu xusay in Xisbiga talada haya ee Xukumadda Reyaale ay sacab u tumeeyso Ethiopia oo la saaxiiba,kana biyo diidsan inay talada Somaliland qabtaan Xisbiyada Mucaaradka halka Shir gudoonka Golaha Wakiiladda iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradkana ay kala fulinayaan danaha Interpeace iyo Al-Shabaab.

 

" Ethiopia waxay qabtaa cabsi badan hadii talada Somaliland la wareegaan Mucaaradka,waxay Xulufadda Dahir Reyaale ku dhiirigelinee inay tooda meelmarsadaan,waxay siineeysaa balanqaad dhinaca Melleteriga hadii xaajada xumaato,halka Hay'ada Interpeace oo la rumeeysan yahay inay lacagahii doorashada musuqmaasuqday oo ku maqan yihiin ay ka shaqeeyneyso sidii loo ridi lahaa Xukumadda Reyaale ka yahay Madaxweynaha,taasna waxay u mareeysaa Mucaaradka iyo Gudoonka Wakiilada,oo ay ku beerlaxawsanee inay la saaxiib tahay,marka la eego dhinaca kalena kooxda Al-Shabaab waxay ku lug leedahay xiisadaha Somaliland,waxaana jirta in gudoonka Wakiiladda Somaliland qaarkood meesha lacag ka sameeynayaan oo ku dhegan yihiin sidii loo meelmarin lahaa Mashaariicda ganacsi ee ay ka heeystaan Al-Shabaab iyo Interpeace"ayuu yiri Eng Caydiid oo dhinaca kale xusay inuu isaga ka mid yahay siyaasiyiinta reer koofureed ,kana niyad xun sida maskaxda shisheeye ugu shaqeeysanee hogaamiyeyaasha Somaliland.

 

"Marka aan leeyahay gudoonka baarlamaanka ganacsi ayey sameeynayaan oo waxay ku jiraan baayac mushtar aysan ogeyn faa'idada Mustaqbalka dhaw kaga imaan karto,waxaan kala jeedaa in sandareero yar ka qaateen Interpeace iyo Al-Shabaab,hadii xitaa Interpeace tan ay ka qaateen si toosa loo siiyay,tan Al-Shabaab waxay ka helayaan ganacsato ama shaqsiyaad isku sheegaya Wadaado,oo doonayo in dalka Somaliland loogu kala baxo qabiilo kadibna ay meel cad ka qaataan ,tusaale waqtigii doorashada ayey qaraxyo la beegsadeen,hada markii doorashadii kale dhaweed wuxuu Amiirkooda soo saaray fariin ka dhana xasiloonida Somaliland"ayuu yiri siyaasiga Hussein Caydiid oo Madaxweyne Reyaale iyo garabkiisa siyaasadeed kula taliyay inay iska iloobaan ka shidaal qaadashada Xukumada Melles Zenawi,xoogana saaraan sidii ay kalsoonida shacabka ku hanan lahaayeen.

Wuxuu Hussein Caydiid ugu baaqay shacabka Somaliland inay cadalaada u hiiliyaan,kana waantoobaan tilaabo kasto oo cadawgooda farxadgelin karto.

 

"Anigu hada ka mid maaha dowlad ku sheega Shariif Sheekh Ahmed,waxaan ka tirsanahay Isbaheysiga dib u xoreynta dalka ee Asmara ,waxaan u madax ahay garabka colaada diidan,waloow Hassan Dahir Aweys noo yahay Gudoomiye oo xilka qaadis lagu sameeyn,hadana waxaan hadalkeeyga aan eexda lahayn u jeedinayaa taageerada aan u hayo Somaliland,sida taariikhda ku qorana,waxaa hore shacabka reer Somaliland loogu geeystay xasuuq,hada waxaa jira dad badan oo ka xun horumarkooda,sidaas darteed waa in madaxdooda ogaadaan in koofurta ay la degtay NGO,maskax ajnabi ku shaqeeyn,isla qabweynin iyo awood shisheeye isku haleeyn"ayuu hadalkiisa ku koobay Hussein Mohamed Aideed,oo Waagacusub.com siinayay wareeysi isagoo ku nasanaya guri uu ka degan yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

 

Hadalka Hussein Aideed ee ku wajahan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka dhigan midkii ugu cuslaa ee siyaasi u dhashay koofurta Somalia ku dhaliilo madaxda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Anigu hada ka mid maaha dowlad ku sheega Shariif Sheekh Ahmed,waxaan ka tirsanahay Isbaheysiga dib u xoreynta dalka ee Asmara ,waxaan u madax ahay garabka colaada diidan,waloow Hassan Dahir Aweys noo yahay Gudoomiye oo xilka qaadis lagu sameeyn,hadana waxaan hadalkeeyga aan eexda lahayn u jeedinayaa taageerada aan u hayo Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Who cares what he says.

 

Maxaa la odhan jiray "masku wuxuu dhalaa abrus" ...I think!

 

Libaax baa dhalay laakiin isagu waa bakhti more like dacawo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this