Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel minister defects to Sweden ? Others to be sacked

Recommended Posts

JULY 18|Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif oo wasiirad ii uu ugu kalsoonida badnaa uu midna ku dhintay Bam lagula beegsaday Hiiraan( Col. Cumar Xaashi) midna uu haatan qax ootinimo isaga dhiibay dalka Sweden ( Jinaqow)

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo wada qorshayaal ku aadan isku shaandheyn Golaha Wasiirada.

JULY 18, 2009 Radiofreesomalia.com

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa wada qorshayaal ku aadan isku shaadheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada.

 

Kulamo gaar gaar ah oo maalmihii u dambeeyay ay lahaayeen Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku saabsanaa la tashiyo ku aadan wax ka badali qaab dhismeedka Golaha Wasiirada iyo in la isku shaandheeyo.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo Shabakada Jowhar.com ka heshay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaya in qorshayaashan uu bundhig u yahay is badalo rasmi ah oo lagu sameeyo Golaha, kadib markii Wasiiro ka tirsan Dowladda ay galeen fadeexad ku aadan howlahooda iyo qaar kale oo ka bixi waayay safaro dibada ah.

 

Sidoo kale qorshaha lagu badalayo Wasiirka ayaa qeyb ka ah si meesha looga saaro heshiisyo gaar ah oo wasiiro ka tirsan Dowladda la galeen shirkado shisheeye, taasoo mid danahooda gaarka ah ku fushanayaan.

 

Isku shaandheynta Golaha Wasiirada ayaa waxaa wehlin doona xil ka qaadis Wasiiro qaar ah oo howshooda gabay, qaarkoodna ay ku socdaan eedeymo kala duwan oo ay ugu weyn tahay qiyaamo qaran.

 

Inkastoo aan la ogeyn wasiirada la badalayo ama kuwa xilalkooda la isku shaandheynayo ayaa hadana horu dhaca qorshahan uu qeyb ka noqon doonaa mid boorka looga jufo sumcad xumo iyo fadeexad ay Dowladda ku sugan tahay, kadib afduubkii qorsheysnaa ee Labadii nin saraakiisha Faransiiska martida u ahaa ee laga dhex qaaday Dowladda oo ay afduubteen kooxo Dowladda ka tirsan oo gacan saar la lahaa Xoogaga Hubeysan, kuwaasoo aaqirkii gacantooda geliyay.

 

Wasiirada qaar ayaa ah kuwo magac xumo u soo jiiday Dowladda oo qorshuhu yahay in la badalo oo xilalkooda ku waayaan qorshayaal ay si dadban u maleegaan, waxaana la ogeyn sida qorshahan uu ku dhaqan geli karo ama uu soo de dejin karo is badal rasmi oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirada DKMG , xil- wareejin, xil-ka-xayuubin , xil-buuxin iyo isku shaandheyn

Published: 18 July 2009

 

KN: Waxay u muuqataa in ay dhamaatay bishii malabka ee xukuumada DKMG ah, wax ka yar lix bilood markii loo magacaabay xilalka ay hayaan ayaa durbaba waxaa laga hadlayaa isku shaandheyn, xil wareejin iyo xil ka qaadis.

 

 

Wax noqonaya dhagax dhiga burburka dowlada cundunka ah ee uu hogaaminayo Shariif ee ay soo foodsaareen aafoyinka badan ayaa waxaa soo baxaya warar tibaaxaya isbadalo waaweyn oo lagu samaynayo xukuumada DKMG ah

 

Xil wareejin

 

Dhowr wasiir oo ka tirsan dowlada ayaa codsaday in ay xilka wareejiyaan oo kol hore gudbiyey iscasilaadooda balse wali aanan laga aqbalin, sida aan wararka hoose ku heeyno wasiirada la hadal hayo waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, iyo gaashaan dhiga.

 

Sh. Cabdiqaadir Cali Cumar oo hawada ka maqnaa tan iyo intii maleeshiyaadkii taabacsanaa ay kala tageen ayaa la sheegey in uu kol horaba ka biyo diidey siyaasada SHariifka, isla markaasina si toos ah oga baxay DKMG ah, waxay wararka intaasi ku darayaan in uu Shariifka u geeyey warqadiisa is casilaada balse aanan laga ogolaanin.

 

Waxaa la hubaa in Sheekh Cabdiqadir uusan ku nooleyn Villa Soomaaliya balse uu ku noolyahay meel Xamar ka tirsan oo ay ka taliyaan xoogaga muqaawamada, bilihii dhawaana waxaa soo baxayay in wasiirka uu si toos ah iyo si aan toos ahaynba ula shaqeynayay muqaawamada.

 

Arrinta khilaafka SH. Cabdiqaadir iyo Shariifka waxay cirka isku shareertey kadib afduubkii farenjiyinta oo madax dowlada ka tirsan ay wasiirka ku eedeeyeen in illaaladiisa ay ka dambeeyaan, balse uu isaga daffirey, wasiiro olog la ah Shariifka ayaa ku riixaya in uu aqbalo iscasilaadiisa.

 

Prof. Cabdi Maxamed Gaandi waa wasiir kale oo isagana doonaya in uu is casilo, wuxuu ku magacaabanyahay wasaarada Gaashaandhiga, wararka aan heeyno oo ay noo xaqiijiyeen dad ku dhowdhow oo Nairobi ku sugan, Prof. Gaandi wuxuu xilkiisa isaga tagayaa isagoo illaashanaya sumcadiisa shaqsiga ah iyo isku dhac xagga shaqada ah oo ku timid wasaaradiisa.

 

Arrimaha waxay sii cakirmeen markii wasiiru dowlada gaanshaandhiga Shariifka u magacaabay dagaal ooge Yuusuf Indhacade, magacaabista Indhacade ayay waxay keentey in uu ku dhaqaaqo talaabooyin jar iska xoornimo ah oo aanan lagu qancin, Gaandi oo ah nin aanan lahayn qibrad shaqo ciidan ayaa waxaa cabashooyin u keeney saraakiil ka tirsan ciidamada oo ka cabanaya Indhacade iyo wax isdaba marin baahan oo ay sameeyeen rag kale oo ciidamada ka tirsan.

 

Prof. Gaandi ayaa la sheegey in uu ka xanaaqay rag uu ka mid ah Cabdifataax Shaaweey oo qasaya arrimaha ciidanka iyagoo aanan ka tirsanayan taliska ciidanka, waxaa kaloo jirta isku dhexyaac shaqooyinka iyo waajibaad iyo doorta miliratiga iyo Police iyadoo arrimaha ciidamada militariga uu faraha ula soo galaya Cabdi Qeybdiid oo ku magacaaba taliska Police-ka

 

Arrintii ugu weyneyd ee Gaandi iyo Shariifka isugu dhaceen ayaa ah sidii loo maareeyey hubkii dowlada Maraykanku siiyey,gaar ahaan maleeshiyo beleedyo aanan tabobar ciidan lahayn oo hubka loo qeybiyey kuwaasoo markii dambe la goostey hubka ama iibsadayba

 

Waxaa la sheegey in xilka Gaandi uu noqdey mid Magac u yaal ah oo aan waxbo ku turneyn, fadeexadii ugu dambeysey waxay wasiirka qabsatay markii har cad la afduubtey sirdoonkii faransiiska ee wasaaradiisu ku casuumtey dalka, dowlada faransiiska ayaa la sheegey in ay iska raaricisey Prof. Gaandi dushana ka saartay mas’uuliyada raga maqan balse uu isaga iska riixay.

 

Waxaa la filayaa in Shariifku ogolaado is casilaada raggani

 

Xil ka qaadis

 

Dhanka kale waxaa jira wasiiro illinka la tusin doono haddii ay diidaana daaqada laga saari doono, waxaa ka mid ah wasiirada ay marada ka dhacday sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu heysto fadeexadii iibsiga badda iyo wasiir Jorille oo isagana lagu heysto qandaraas iyo heshiisyo uu macaash ka heley oo xagga isgaarsinta ah oo uu la galay shirkado ajaaniib ah.

 

Wasiiradani xilka laga qaadayo oo aanan la heynin tiradooda rasmiga ah ayaa la sheegey in Shariifka lagu qasbayo kadib markii ay fadeexado iyo muran aan loo baahnayn usoo jiideen dowlada taaso sumcadeeda hoos isuu dhigtey.

 

Xil buuxin

 

Kadib dhimashadii Col. Cumar Xaashi oo ku magacoownaa wasiirka abniga qaranka waxaa soo baxday baahida ah in booskiisii la buuxiyo, warar aanan la hubin ayaa ka hadlaya in lagu badalayo Sheekh Cabdiraxmaan Macoow, gudoomiyihii maxaakiimta Hiiraan oo dhawaanahanba ku sugnaa Xamar ayna isku heyb yihiin ninka dhintay.

 

Sidoo kale wasiirada la eryayo iyo kuwa iyaga iskood u tagay ayay tahay in booskooda la buuxiyo, waxaana xilalkani u baratamaya rag badan oo ka xamaartamaya daaha gadaashiisa,la arki doonee kuwa ay yihiin

 

Isku shaandheyn

 

Waxaa jirra wasiiro uusan Shariifka diyaar u ahayn in uu xilkooda ka qaado balse kasoo bixi waayay shaqadooda, isla markaasina sameeyey qayaanooyin la yaab leh oo ay ka mid tahay lacago lunsi

 

Waxaa wasiiradaasi ka mid Shariif Xassan Sh. Aadan (Shariif Sakiin) oo ku magacaaban wasiirka maaliyada, mid ka mid ah waxyaalaha lagu heysto waxaa ka mid ah in uusan qibrad iyo aqoon u lahayn wasaarada uu hayo oo ah mid muhiim ah, waxay tani kaliftey in dhawaan qandaraas la siiyo shirkad Britain laga leeyahay oo xisaabisa qarashaadka dowlada la siinayo, mudadii yarayn ee uu xilkani hayay waxaa lumey lacago badan oo isaga soo martay.

 

Sidaasi darted waa in xilalkooda laga badalaa isaga iyo rag kale, loona magacaabaa wasaarado kale.

 

Arrimahani oo dhan waxa ay ka dhiganyihiin qalalaasihii ugu balaarnaa ee soo foodsaara DKMG ah oo dhan kasta ka fashilantay markani, lamana yaqaano sida Shariif oga dabaalan karro moowjadahani kusoo rogmey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Juje this is new old boy nothing to do with . All the sites including the first were pro Sharif Hotel. Anyhow six months and these clowns have failed , so far the PM seems to be the only good guy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

so far the PM seems to be the only good guy.

Guess I should nod my head in agreement, should I? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

^^^ :D:D

Originally posted by General Duke:

, so far the PM seems to be the only good guy.

Ahhh DUKE you never cease to amaze me. Cheer up your Clanmates with balloons

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ the intended individual of that message has already recieved it.

 

Garoodi if Yususf failed in 4 Somaliland has in 18 years so what's your point?

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

Somaliland had 18 years to develop itself from scratch and its succeded in redevleloping its infrastructure, rebuildings it army,police,currency etc. If your talking about recognition than you are just making yourself look bad, The people's republic of China was not recognised for 40 years, Taiwain is not recognised and these countries function better than 60% of world countries.

 

Your uncle Abdullahi yusuf didnt have the objective to redevelop Somalia but to conquer it, thats the same objective of the islamic courts union, alshabab etc. These movements have failed, so did your uncle thats why he is in exile in yemen. Somaliland conquered its territory and non of its current leaders live in exile.

 

Duke, your uncles from Said Abdulle hassan to Siad Barre to Morgan to Abdullahi yusuf to all those who are yet to come. They have all been defeated by Somaliland, so get one victory at least and than come back and rub it in my face because today history,poetry,polit ics,military and reality is on my side.

 

I suggest you get out of your fake bubble and sober up to what your hero's are complete and utter losers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this