Sign in to follow this  
Kamaavi

Muran iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay Prof. Gaandi iyo Sh.Shariif

Recommended Posts

Haatu   

Originally posted by Kamavi:

hatu when you sing somaliyo toosoo isku tiirsada kolba kiiina tabar daran taageera weligeen, you are talking to/about the people and it always was about the clan and people generaly. Yaan lagu khaldin. Kismayo is more important than any ghost burning up city( like Baqdad, or Moqadisho). why would I care about it when I am considered as a second citizen in that same city? Do you remember what it rewarded Ina Ali Bare, the halyeey who was named as jugta during the presence of Ethios in Moqadisho( not to mention Ina Jees)? Magaalo muuqdisho ah yaad Kista garab dhigaysaa wager war li'idaaa niyow...
:D

Sxb, I don't care for clannism. The issue here is that I prefer the capital as it is the mirror of Somalia. If they class me as a second class citizen, then so be it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

hatu do you have an idea where this place is, after all you love the land more than you do its people ,,,, ? :D

 

2m7f237.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^ sxb, there is no land without the people. smile.gif

 

Which webi is that? I'm guessing Jubba. I've seen too many to tell them apart. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekh Shariif oo booqasho lama filaan ah ku tagay Addis Ababa

 

2zjflh1.jpg

 

Madaxweynaha DKMG ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia isagoo isla maqribnimadii galabta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Bole International ee magaalada Addis Ababa.

 

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Ethiopia(ENA) waxaa madaxweyne Sh.Shariif garoonka ku soo dhaweeyey wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka Ethiopia Maxamuud Dirir.

 

Sheekh Shariif ayaa socdaalkiisa Addis Ababa ku sheegay mid uu kagala tashanayo madaxda Ethiopia marxalada taagan ee Somalia,Waxayna saxaafada Ethiopia shaacisay in Sheekh Shariif uu dowlada Ethiopia ka codsaday inay sii wado taageerada ay la garab taagan tahay DKMG si loo ilaaliyo "xasiloonida iyo nabadgeliyada ka jirta" somalia waa sida hadalka loo dhigaye.

 

Dhanka kale safarka Sheekh Shariif ee Addis Ababa oo kedis ahaa ayaa loo badinayaa inuu salka ku hayo khilaafkii iyo murankii ka dhashay hawlgelinta iyo cida leh masuuliyada ciidamada soomaaliyeed ee taba barku ugu dhamaaday dalka Kenya.

 

Dowlada Kenya ayaa iyadu ku adkaysanaysa in ciidaman ay ka hawlgalaan gobolada deriska leh dalka Kenya(Gedo iyo Jubooyinka) halka qaar ka mid ah Madaxda DKMG iyo Ethiopia ay isku dhabar jabinayaan in ciidaman la hoos geeyo wasaarada G/dhiga ee DKMG isla markaana ay ka hawlgalaan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Madaxweynaha Kenya oo gaashaanka ku dhuftay dalabkii Sh.Shariif

 

Warsidaha Dhanaan.com ayaa isbuucii la soo dhaafay shaaciyey in madaxweynaha DKMG ee Somalia Sh.Shariif uu waraaq u soo dhiibay wafdi uu hogaaminayey Raysul wasaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid taasoo ku socotay madaxda sare ee dalka Kenya.Hadaba maxay xambaarsanayd warqadii Sh.Shariif? Maxayse Kenya ugu jawaabtay?

 

Shabakada Aljazeera.net oo soo xiganaysa masuuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya ayaa shaacisay in Raysul wasaare Cumar Cabdi Rashiid uu warqadii uu ka waday Sheekh Shariif u gudbiyey madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

 

Warqada ayaa sida la sheegay waxaa ku qornaa dalab ama codsi uu madaxweyne Sh.Shariif kaga codsanayey madaxweynaha dalka Kenya in hogaanka ciidamda laga wareejiyo Prof.Maxamed Cabdi Gaandi islamarkaana lagu wareejiyo wasiirka G/dhiga ee DKMG Cabdalla Boos ama wasiiru dowlaha Arimaha gudaha C/Rashiid Xidig.

 

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sida masuuliyiinta Aljazeera soo xigatay sheegeen dhinac iska dhigay fariintii Sheekh Shariif isla markaana diiday qorshihii madaxda DKMG ku doonaysay in Prof.Gaandi looga wareejiyo hogaanka ciidamada lagu taba baray dalka Kenya.

 

Mar hadii madaxda DKMG ay ku fashilmeen isku daygii u dambeeyey ay ku doonayeen in wax lagaga badalo qorshaha ciidamada lagu taba baray dalka Kenya ayaa dadka arimahan aadka ula socda waxay saadaalinyaan in dowlada Ethiopia ay toos usoo faragelin doonto arinta maadaamo wajigii hore ee ahaa adeegsiga Madaxda DKMG uu fashilmay.

 

Dowlada Ethiopia ayaa iyadu si toos ah Beesha caalamka ugu cadaysay in aysan raali ka ahayn ciidamada lagu taba baray dalka kenya iyo ujeedada dambe ee laga damacsan yahay, waxaana la aaminsan yahay in iyadu ay gadaal ka riixayso qorshaha madaxda sare ee DKMG ku doonayaan in masuuliyada ciidamada looga wareejiyo Prof.Gaandi.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa hada ciyaartu u dhaxaysaa oo final isugu soo baxay Ethiopia iyo Kenya waxaana ka dhur sugaynaa labada kooxood mida ku guulaysta ciyaartan siyaasadeed ee taariikhiga ah.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dowlada kumeel gaarka ah ee Somalia iyo Dowlada Kenya oo khilaaf soo kala dhex galay.

 

Beryahan danbe waxaa soo xumaanayey Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Kenya iyo tan FKM ee Soomaaliya, waxa uuna khilaafka ka dhaxeeya ku saleysan yahey ciidamo Soomaaliya oo Saraakiil Kenya tababaro siiyeen.

 

Labada dhinac ayaa isku khilaafey cida sida rasmiga u qabaneysa hogaanka ciidamadan oo ka soo jeeda Soomaaliya, sida ilo xog-ogaala oo labada dhinac ka kala tirsan ugu xog warameen aljazeera.net.

 

Dowlada KMG ayaa u xaglineysa ciidamadan in la hoos geeyo Wasaarada Difaaca iyo tan Arimaha Gudaha, halka Kenya-na rabto in la hoos geeyo Wasaarada Gaadiidka iyada oo ka duuleysa inaan ciidamadan dhanka Muqdisho loo soo daadgureyn.

 

Xilli khilaafkan adag taagan yahey, waxaa dalka Kenya Isbuucii hore safar ku tagey Ra’isul Wasaaraha DKMG Cumar C/rashiid oo kulamo dhowra la qaatey madaxda sar-sare ee Dowlada Kenya, si xal loogu helo muranka labada dhinac soo kala dhex galey ee ku aadan Ciidamadan iyo inuu u sharxo Ujeedka ay ka leeyihiin, balse isaga oo aan wax natiijo ah soo hoynin ayuu dib Muqdisho ugu soo noqdey.

 

Intii kulamadaas socdeen, Cumar C/rashiid waxa uu Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki u gudbiyey warqad uu uga sidey dhigiisa DKMG, Sh Shariif oo ku aadaneyd ciidamada Muranku ka taagan yahey.

 

Shariif waxa uu qoraalkiisa uga codsadey Mwai Kibaki in Mas’uuliyada ciidamadan ka wareejiyo Wasiirka Gadiidka Maxamed Cabdi Gaandi kuna wareejiyo Wasiirka Difaaca C/lle Boos Axmed ama Wasiiru-dowlaha arimaha gudaha C/rashiid Xidig, balse Kenya codsiga Sh Shariif way diidey si Aljazeera.net ay ugu xog warameen Mas’uuliyiin Kenya ah oo Soomaaliya u dhashey.

 

Kenya ayaa ciidamadan ka leh Ujeedooyin dhowra oo ka mid tahey iney ku ilaashato amaanka Xuduudka Soomaaliya kala dhaxeeya.

 

Isha warka!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this