Sign in to follow this  
Liqaye

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay Dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii

Recommended Posts

Liqaye   

cshakuur.jpg

 

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay Dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso

 

C/raxmaan C/shakuur Warsame

Jimco, October 31, 2008(HOL): C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoryenta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa si kulul u cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ee ka tirsan Somaliland iyo Puntland.

 

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sheegay in ay ahayd arrin qaldan in magaalooyin nabadgelyo ah oo ay dad rayid ah ku nool yihiin laga sameeyo qaraxyo, wuxuuna xusay in ay falkaas ka dambeeyeen dad doonaya sida uu u yiri in ay marin habaabiyaan qadiyadda halganka loogu jiro in dalka Soomaaliya looga saaro Ciidamada shisheeye.

 

“Aniga oo ka wakiil ah Isbaheysiga Dib u xoryenta Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku cel celiyay in uu si weyn u jir-diidayo in dad aan waxba galabsan oo dhul nabadgelyo ah ku nool qaraxyo laga dul rido.

 

Maamullada ka taliya Magaalooyinka ay qaraxyadaas ka dhaceen ayuu C/raxmaan C/shakuur ugu baaqay in ay taxadaraan oo aysan dhibaato u geysan dad aan ku lug lahayn qaraxyadaas, kuwaasi oo ay dhici karto in ay Magaalooyinkaas u tageen in ay uga badbaadaan dhibaatooyinka ka jira meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan dadka falalka ceynkaas oo kale ah geysanaya ee doonaya in la marin-habaabiyo halganka loogu jiro in dalka lagu xoreeyo”ayuu mar kale yiri C/raxmaan C/shakuur oo maanta ka qeybgelayay Barnaamijka hadal-heynta Jimcaha ee ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa cambaareyn taas la mid ah jeediyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo isna barnaamijkaas marti u ahaa isagoo sheegay in uu ka xun yahay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii qaraxyadaas ku dhintay.

 

Prof. Samatar waxaa uu sheegay in ay xaaraan tahay in la dilo qof muslim ah oo aan waxba galabsan, isla markaana lagula kaco falalka ceynkaas oo kale ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in falalkaas ay ula muuqdeen kuwo ay ka dambeeyeen dad naxariis-laawayaal ah oo ka xun nabadgelyada magaalooyinkaas ka jirta.

 

Qaraxyo ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso 29-kii Oktoobar 2008 ayaa waxay sababeen dhimashada dad 30 ruux ku dhow iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo u badnaa dad rayid ah oo ay qaraxyada qabsadeen iyagoo howl maalmeedkooda wata.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this