Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Libray and SSF Organization Speak To Media About Their Services

Recommended Posts

Cowke   

CABDI-RASHIID-300x225.jpg

 

ARDAY-300x225.jpg

 

Madaxa Hay,adda SSF iyo Xarunta Libareeriga Puntlnad oo RBC uga waramay Xarunta Libareeriga waxa ay u qabato Bulshada

 

(Garowe) RBC: Cabdi rashiid Maxamed Cali oo ah Madaxa Xarunta libareeriga Puntland ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland xarunteedu tahay oo waraysi gooniya siinayay Warbahinta RBC ayaa sheegay in xarunta Libareeriga ay tahay Xarun u shaqaysa Bulshada qaybaheeda Kala duwan.

 

Waxuuna tilmaamay in xarunta ay tahay xarunta kaliya ee Puntland ka howlgasha iyo xitaa Soomaaliya wallow ay jiraan sida uu sheegay xaruma kale oo Xarunta ka madaxabaanaan balsa aaysan xarumaha ahayn xaruma sida tan taya u leh sida uu sheegay Cabdi Rashiid .

 

Cabdi rashiid Maxamed Cali ayaa sheegay in aas aaskii xaruntaan ay ka danbaysay kidib markii la ogaday in muhiim ay tahay in la helo xarun laga helo macaluumaad kala duwan waxuuna sheegay in taa ay keentay in la aas aaso xaruntaa.

 

Xaruntaa oo ah xarun ay yalaan 4000 oo bug oo kala duwan ayaa waxa ka howlgla 17 shaqalo oo dhamaantood ah shaqalo u tababaran howlahaa xaruntaa lugu qabto waxuuna tilmaamay in dhamaan shaqaalahaa ay yihiin kuwaa aad aqoon ugu leh shaqooyinka kala duwan ee xaruntaa laga qabto.

 

Goobtaa ayaa ah goob ay u soo akhristagaan dad kala duwan oo iskugu jira arday iyo dadyoow kale kuwaas oo aan lugu xirin wax dhaqalo ah waxa ayna yimaadaan waqtiga ay doonaan gaar ahaan xiliyada xarunta furan tahay waxa ayna ka baxaan xiliga ay doonaan sida qaarkood oo aan xaruntaa kula kulmay ii sheegeen.

 

Xaruntaa libareeriga Magaalada Garowe oo dad badan u soo akhristagaan ayuu sheegay madaxa xaruntaa in ay kala kulman dadka imaanaya caqabado kala duwan oo an sida u badnayn balsa sida uu sheegay asagu in oo u arko baahiya in ay ku kaliftay in ay buugaataa fursada loo siiyaya in ay ka faa,idaystaan in qaarkood dadkaa ay isku dayaan in ay xadan.

 

Xarunta libareeriga ayaa la aas aasay sanadii 2007 waxaana tan iyo xiligaa wixii ka danbeeyay xarunta ahayd mid la sii balaarinayay si loo gaarsiiyo Gobalada kala duwan ee Puntland wallow aysan wali si rasmi ah xaruma waa wayn ugu yeelan Gobalada Puntland waxana iminka socda qorsho la rabo in lugu balaariyo .

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

GAROOWE: Puntland Libarery and Resource Center oo guddoonsiiyay Buugaag Waxabarasho Urur ka shaqeeya Waxbarashada.

 

Posted to the Web Jul 28, 08:21

 

Garoowe: (pp)- Puntland libarery and Resource Canter ayaa maanta xarrunta Maktabadooda ku gudoonsiiyay Buugaag Waxabarasho (Somali horn association for Health and Education Development ) oo ah urur kashaqeeya horrumarinta Waxabarashada iyo Caafimaadka. Deeqdan la gudoonsiyay urukaasi ayaa isugu jirta maadooyinka dugsiyada sare lagu qaato ee kala duwan iyo buugaaag kale oo ah dhanka horrumarinta Waxabarashada iyo tignoolijiyada,waxaana deeqadaan si rasmi ah ula wareegay madaxa waxabarashada uruukaasi.

 

Madaxa Xafiiska Maamulka Hayada Somali Family Services(SFS) Abdurashiid Ali Farax iyo Madaxda leebareeriga Mr: Ibraahim Maxamed Ducaale, ayaa si wada jir ah u guddoonsiiyey deeqdan Waxbarasho madaxa waxabarashada ee uruurka (SHAHED) C/risaaq Cumar Saalax, waxaana uu C/risaaq ka warbixiyay faa'iidada ay buugataani u leedahay ururkiisa, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqdan ay siyeen masuuliyiinta (SFS) ayna aad usoo dhawaynayaan kana faaiidaysan doonaan buugtan, isagoo ku daraya in buugtani waxa ka Taridoonto kor uqaadida aqoonta ardayda hoosyimaada ururuka.

 

C/risaaq Cumar Saalax oo ah maxdaxa waxabarashada uruka (SHAHED) ayaa saxaafada u sheegay in buugagtan ay kala yihin sidaan soo socta: Mathmatics,English,Biology,Chemistry,Social study ,General books,marketting,It, Heaith,Literature

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee puntland Library uu deeq buugaag ah guddoonsiiyo arday wax kabarata iskuulada Puntland ama urur ka dhisan puntland.

 

Siciid Cabdisalaan Siciid

Wakiilka Puntlandpost-garoowe

E-mail loole15@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this