Sign in to follow this  
Rokko

Bille Qabawsade in Kismayo as we speak.

Recommended Posts

Rokko   

Bille Qabawsade left Boosaaso and is in Kismayo tonight na'maen. listen here Skip the first couple of minutes.

 

Ka naxoo nafta waa.

 

The situation is so caotic, Hiirale is for the first time thinking of pulling out of Kismayo after today's and testerday's great losses na'mean. The fool Hiiraale is injured, his men are feeling the heat. The fools from Indho cade militia who destroyed Dhooble and run to Kismayo will pay for this na'mean.

 

Read this text interview with a JVA official in Kismayo.

 

Waraysi: Sarkaal ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba.

Waxaa noo suurtagashay in aan khadka telephonka ku wareysano, asagoo gurigiisa jooga, sarkaal sare oo horay uga tirsanaa maleysiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku sugan magaalada Kismaayo. Sarkaalku waxuu ka mid ahaa ciidamadii wax ka qabtay Kismaayo, waxuuna ka mid ahaa mas'uuliyiinta sare ee hoggaamiya ciidamada Isbahaysiga, haatana sidaad waraysiga ka arki doontaan ka soo horjeeda siyaasada Barre hiiraale. Sarkaalku waxuu oggolaaday in aan magaciisa shaacinno, ha yeeshee waxaan door bidnay in aanan shaacin magaciisa dhabta ah, nabad galyada awgeed. Waraysigiina sidaan ayuu u dhacay:

 

Nooga warran magaalada Kismaayo?

 

Waa Kismaayo iyo caadadeedii. Magaalada Kismaayo waa goob dagaal. Dagaal culus ayaa soo food saaray. Guri walba baroor ayaa ka yeereysa. Isbtitaalku asagoo dhaawacii hore la ciirciiraya, ayaa wali dhaawacu iska daba imanayaa, markii meel la kala dhigo la waayeyna [hiirale/morgan's clan] ayaa guryaha magaalada loo qaybiyey, ispitaalkana dhaawacii USC ayaa loo daayey. Nasiib darro, ayaga laftoodii oo kali ah ayuu isbitaalkii weynaa ee magaalada Kismaayo ku fillaan waayey. Ma aqaan meel la geyn doono haddii dagaalku sii socdo. Sida kale meeshu waa Kismaayoo waligeedba balo u joog ayey ahayd, sida kale waa la badbaado qabaa.

 

Ma jiraan dhaawac magaalada la keenay ama maxaabiis laga qabtay ciidammada General Morgan?

 

Isbitaalka waxii shalay ka horreeyey waan tagayey si aan dhaawaca u soo eego, lama keenin ilaa hadda cid ka tirsan maleysiyada Morgan. Maxaabiisna ma jirto, mana filayo in maxaabiis Morgan laga qabtay Kismaayo nabad lagu keenayo. Waxay Hiiraale ka yeeli lahaayeenba, xooggagga USC oo aagga hore ka dagaallamaya ayaan oggalayn in cid la bixiyo nolol. [hiiraale] waxba kama diidi karo si ayan xulufadoodu u kala daadan. Misaal waxaan kuu ah General Axmed Warsame waa fiirsanayey, kolkii [indhacadde] Dhoobley gubeysey oo ay kula kaceen magaalada foolxumooyinka ay ka mid yihiin bililiqada, dhaca iyo kufsiga. Damiir ma leh ninka [hiiraale] ee meesha marayaa. Dhinaca Morgan waa jiraa rag ay soo daayeen. Qaar ka mid ahna saacaddan ayey ila fadhiyaan.

 

Maxaa ka jira guulaha ay tirsanayaan Isbahaysiga Dooxada Jubba?

 

Waa mid aan raad lahayn. Meeshaan qasaare weyn ayaa ka dhacay. Qasaarahuna waxuu u badan yahay sida muuqata dhinaca Isbahaysiga. Ma tiraahdid dhaawac, ma tiraahdid dhimasho, ma tiraahdid gaadiid. Heer waxaa la marayaa la la'yahay cid dagaallanta, oo cod baahiyayaal magaalada gawaari lagu naadinayaa in ay soo baxaan rag aan meesha joogin. Raggaa oo waa' hore geeloodii iyo degaankoodii ku laabtay kolkay u adkeysan waayeen maamulxumada iyo musuqmaasuqa Barre Hiiraale iyo xoogaaga USC ah ee ku adeegta. Wax guul la yiraahdaa ma jirto, asaga laftiisa ayaa dagaalka ka baqaya oo ku marmarsoonaya dhaawac aad u sahlan oo ilaa hadda Kismaayo ka bixi la'. Waxuu iska dhigayaa nin xabbadu ku dhacday, ayadoo la ogyahay in xabbadu garabka ka sartay. Waa dhaawac been ah oo baqdin iyo fulaynimo ku saleysan. Guul baad sheegeysaaye, shacabkii iyo masaakiintii ayaa la qafaalayaa si xabbaddana la isaga xijiyo. Marka been weeye in ay guul soo hoyiyeen ama soo hoyin karaan.

 

Ciidammada Isbahaysiga u soo hiilliyay oo ka yimid Xamar iyo meelaha kale maxaad kala socotaa tiradooda?

 

Ciidamadaas wixii ka imaan karey waa ka yimaadeen. Ilaa hadda ayagii ayaa jabaya oo haaddu ka dharagtey, jabka aad u badanna haleelay. Waa ciidammo badan oo aan filayey in aan loo babac dhigi karin, maxayse kuugu taallaa Barre oo kale oo miiran ayaa wata oo meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo aan midna garanayn. Waa jabayaan haddiiba ilaa hadda lala dagaallamayo.

 

Yaad hubtaa in ay ka mid yihiin ciidammada soo duulay?

 

Waa niman dano badan isugu yimid, Shiikh Xasan Turki, Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Indhacadde (shiikh fatuud miiran), Suudi Yalaxaw, Caato iyo niman badan oo ganacsato ah oo dekadda Kismaayo bilaash wax ugala soo degi jirey ayaa meesha maraya, inta aan arkay. Xoogaa ka yimid dhinaca RRA oo uu watey, ma arage sida la sheegayo Saransoor, Bu'aale ayey ka soo gudbeen, ha yeeshee dagaal xun ayaa ku qabsaday agagaarka Xagar. Halkaasna ma ayan soo dhaafin, mana filayo in ay soo dhaafi doonaan.

 

Ma hubtaa Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys in ay dagaalka ku jiraan?

 

Labadaa nin cidi ma aragto oo waa dhuuntaan, laakiin ciidanka weerarka galay ciidankooduu ayuu ahaa. Waliba kuwa in Aweys waxay ku jireen ciidammadii Kismaayo maray oo Dhoobley gubey.

 

Degaalka hadda ogaantaa xaggee ka socdaa?

 

Dagaalka ugu weyn waxuu ka socdaa dhulka loo yaqaan Joorre. Waana dagaalka ugu qaraar uguna adag. Isbahaysiguna halkaa ayey ku jabeen. Kuwa u soo hiilliyeyna waa ka war wareeggeen intii karaankood ah, labadaan berise waa galeen, taasna waxaa caddeynaya dhaawaca iyo dhimashada soo gaarey magaalada Kismaayo. Shacabka degaanka Joorre dega ciddii ay gacan siiyaan wax weyn ayey u tareysaa. Taknikadu iyo baabuurtu micne weyn kama sameeyaan halkaa. Ciidan hubaysan ninkii ku haystaa cidwalba waa jabin karaa. Halkaa ayey ku jabeen Isbahaysigu.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this