Sign in to follow this  
SOO MAAL

Hadalkii Dhexmaray Madaxweynaha JSL Iyo Cabdillahi Yusuf Axmed , Madxweynaha Somaliya

Recommended Posts

SOO MAAL   

Warsaxaafadeed Ku Saabsan Wada - Hadalkii Dhexmaray Madaxweynaha JSL Iyo Cabdillahi Yusuf Axmed , Madxweynaha Somaliya

Hargaysa, Somaliland

9 March, 2005

Xafiiska Guud Ee Hargaysa

 

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

 

KULMIYE

 

Date 09.03.2005

 

WARSAXAAFADEED

KU SAABSAN WADA-HADALKII DHEX-MARAY MADAXWEYANAHA JSL IYO CABDILLAHI YUUSUF AXMED MADAXWEYNAHA SOMALIA

 

 

Waxa wargeiska madaxa banaan ee Haatuf ku soo baxay 01-02-05 cadadkiisii, waraysi uu C/laahi Yuusuf kula yeeshay magaalada Nairobi

.17-02-05 Wariye madax banaan oo reer S/land ah, magiciisana la yidhaahdo Maxamed Siciid Giriig.

 

Waraysiga C/laahi Yuusuf uu wariyuhu la yeeshay, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo qaarkood khuseeyaan S/land iyo Madaxweyne Daahir Riyaale.

 

Haddaba su'aalahaa waxa ka mid ahaa.

 

S. Daahir Riyaale Madaxweynaha S/land saxaafada ayaad isku dhaafsateen aflagaado badan markii aad qabsatay Dalka S/land Gobolka uu sheegto ee laascaanood xiligaas oo aad ahayd M/weynaha Punt land, xidhiidhkiinu waa sidee wakhtigan maamulka S/land.

 

J. Su'aasha la weydiiyey jawaabaha uu ka bixiyey C/laahi Yuusuf waxa ka mid ahaa jawaabtan

.

" Madaxweynaha maalintii dhaweyd ee uu joogay Jabuuti Telfoon ayaanu ku wada xidhiidhnay, waxbadan ismaanu waydiin ee horta xidhiidh wacan oo walaaltinimo ka dhex abuuraya Somalia inaanu samayno mabda'iyan waanu isla qaadanay, xidhiidhana waa u socdaan maamulka Punt land, waanan ku dhiiri geliyey labada M/weynaba markii aan la xidhiidhay, runtii Daahir waa nin aan intii aan bartay aqoontiisa iyo garashadiisa u qadariyo figradihiisa, sidii aan ka qabay wax badanbaan ka bedelay oo hore waanigii u sheegay in ay cidii meesha dhigatay ku shaqaysato laakiin waa nin figradiisa u Xorra geesinimo badana waa muujiyey, waa nin bisil oo walaaltinimada Somalidu ka go'antahay, markaa waa wada shaqayn doonaa ( isha allah )

 

 

Jawaabtan uu ka bixiyey C/laahi Yuusuf su'aashan waxa ay u qaybsan tahay laba qaybood:

 

A. Qayb uu ku qiimaynaayo shaqsiyada Daahir Riyaale iyo sida uu isagu u arko.

B. Qayb uu kaga hadlay wada hadal Telphoon ku dhexmaray, oo ay kaga wada hadleen arimaha Somalia.

 

Hadaba M/weyne Daahir Riyaale markii uu Haatuf ku soo baxay waraysigani waxa uu ka dhigay qaylo dheer iyadoo Radio Hargeisa muddo laba maalmood ah uu ku celcelinayey beeninta warkaa isaga ah.

 

Xisbiga KULMIYE waxa u cad in had iyo jeer ay Xukuumada Daahir Madaxda ka yahay aad uga qayliyo marka ay jaraa'idku helaan ee faafiyaan shirqoolo Dalkan iyo Dadkiisa lala maagan yahay, sida qayladii xukuumadu ka qaylisay heshiiskii Dawlada jabuuti iyo xukuumada S/land ku wada galeen in adhiga S/land laga dhoofiyo Dekada Jabuuti, heshiiskan oo xataa iyadoo la hayo Dukumantiyadii la kala sexeexday hadana xukuumada S/land ilaa hadda dafirsantahay, halka dawlada jabuutina ay qirsantahay heshiiskaa waxa laxidhiidha.

 

Sidoo kale xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa in M/weyne Daahir Riyaale ay caado u tahay inuu dafiro dhacdooyin dibindaabyo loogu gaysanayo Dalkan S/land iyo Dadkiisa sida:

 

1. Dabayaaqadii Bishii January ee sanadkan waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay inaanuu jirin wax xidhiidh ah oo dhexmaray isaga iyo Cadde Muuse, halka uu 23-02-05 ka qiray inuu wada hadal dhexmaray, welina uu usocdo.

 

2. Waxa 3wasiir, 13madax dhaqameed, Gudoomiyaha Guurtida iyo M/weynuhu isugu yimaadeen shir ay Madax dhaqameedyada ugu xilsaareen in ay iyagu ka hawlgalaan siddii arinta gobolka Sool wada hadal loogu dhamayn lahaa isla 23-02-25 Madaxweynuhu wuu dafiray.

3. madaxweynuhu wuxuu hore u caddeeyay inaanu wax hadal ah la yeelanayn cid ka socota soomaaliya haddii aanay ahayn cid sidayada loo soo doortay, tan uu hadda ku kacayna waa mid ka hor imanaysa siyaasaddiisaa hore .

 

4. Dibindaabyada iyo dhabarjebinta aan kala go'ayn ee xukuumada jabuuti ku hayso Dalkan S/land Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyaa inay tahay saaxiibkeena 1aad Qadiyadeena ya iyadoo hormood ka tahay, iyadoo manta xataa caruurta aanay ka qarsoonayn halka xukuumada Jabuuti ka taagan tahay Qadiyada S/land.Waxa aynu ognahay in ay dawladda Jabouti tahay ta keliya ee caalamka ka mida ee madaxweynaheedu cadayay in aanay weligeed Somaliland ictiraafi doonin.

 

 

Hadaba dhacdadan u danbaysa ee C/laahi Yuusuf iyo Daahir Riyaale dhex martay dafiraadeedu iyo ka qaylinteedu waxba kama duwana kuwaa ka horeeyey. waxaana halkaa ka cad inaan marna lagu kalsoonaan karin hadallada madaxweynaha iyo siyaasadaha uu dalka ku dhaqayo, horena waxaa looga bartay inuu beeniyo wax cad oo la wada arkayo, tanina waxba kama duwana kuwaa hore.

Iyadoo weliba Dadka C/laahi Yuusuf dabeecad ahaan u yaqaanaa sheegeen inuu yahay nin aan wax badan qarin, waxa jirana aan been ka sheegin.

Halka M//weyne Daahir aad mooddo inay yartahay Daacadnimadiisu, caadana ay u tahay dafiraada dhacdooyinka dhabta ah.

 

Waraysigan oo la sheegay maalintii la qaaday, halkii lagu qaaday, iyo ciddii qaadayba uma eka in M/weyneheena laga been abuurayo, sidoo kale ilaa hadda muu beenin C/laahi Yuusuf.

 

Waxaynu kaloo la soconaa in Jabuuti tahay marinka kaliya ee M/weyneheenu uu leeyahay marka uu Dalka ka baxayo iyo marka uu ku soo laabanayoba.

 

Xisbiga KULMIYE waxa uu M/weynaha iyo cidkasta oo la aragtiyaba u sheegayaa oo ugu celcelinayaa inay samir iyo iimaan ka qaataan isku noqoshada danbe oo S/land iyo Somalia ah.

 

Xoghayaha guud xisbiga

Daa’uud Maxamed Geelle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this