Sign in to follow this  
Xoogsade

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday xerada Asluubta Ex-Control Afgoye Duleedka M/Muq

Recommended Posts

Xoogsade   

Mujaahidiinta Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday xerada Asluubta Ex-Control Afgoye Duleedka M/Muqdisho

 

 

Beerdhiga 22.05.2008 19:32

 

Abaarihii 06:20 galabnimo ayay Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus oo ka fool ka fool ahi ku qaadeen fariisinka ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Asluubta Ex-Control Afgoye Duleedka Magaalada Muqdisho oo mudo ka badan sanad aan wax weerar ahi lagu qaadin tan iyo intii ay soo dageen isla markaana ay yaaliin kayd badan oo hub iyo shidaal isugu jira.

 

Afahaheenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ay Beerdhiga la xiriirtay ayaa u xaqiijiyay in weerar ka fool ka fool ahi oo loo adeegsaday madaafiicda garbaha laga rido ee sabanadda, hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca iyo qoryaha fududba ay ku qaadeen Xerada Asluubta oo ah fariisinka ugu weyn ee ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ka deganyihiin Magaalada Muqdisho.

 

Sarkaal Sarre oo aanu wax ka weydiinay khasaaraha ay soo gaarsiiyeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh xerada Asluubta ayaa waxa uu yiri “ ilaahay (SW) khasaaro badan ayuu soo gaarsiiyay, dagaalkana waxa uu socday mudo 40 daqiiqo ah iyo waliba siyaado”

 

sarkaalkaasi ayaa intaa ku daray “ koley culays badan waa jiraa meesha qiiq iyo gubasho waa ka jirtaa guud ahaan, waana lagu dhawaaday ama waa la galayba, koley gumeysiga culays badan waa gaaray”.

 

Dagaalkan oo ahaa mid culus isla markaana socday in mudo ah ayaa dhawaqa madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen laga maqlayay degmooyin badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Mujaahidiinta ayaa la sheegayaa in ay ka soo weerareen xerada asluubta 3 jiho oo kala ah:- dhinaca wadada Xoosh Degmada Madiina, dhinaca Wadada Ex-Control iyo dhinaca deegaanak Garasbaaleey duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Intii dagaalku socday ayay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya waxa ay madaafiic aan loo meel dayin ku garaaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in ay qaarkood ku dhaceen KM4, Saybiyaano iyo xaafada Afrikan Village ee Degmada Hodan.

 

Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Madfac ka mid ah kuwa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya u qeybinayeen Xaafadaha Muqdisho uu ku dhacay xaafada Afrikan Village isla markaana uu ku geeriyooday hal nin oo oday ah iyo gabar yar.

 

Dhinaca kale websitka ku hadla afka Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in Abaanduulaha ciidamada Mujaahidinta Al-Shabaab General Abu Suleym uu daboolka ka qaaday taaktikooyin cusub oo aan hore loo arag in ay ku soo biirinayaan fagaaraha dagaalka ee Soomaaliya

 

General Abu Suleym ayaa ku sheegay taaktikooyin cusub in ay yihiin hab dagaallan Cusub iyo howlgallo fariid ah oo ay fulinayaan Bi Idnillaah buu yiri Mujaahidinta Al-Shabaab,iyadoona howlgalladaasi lagu dhameystiri doono ayuu yiri cadowga soo duulay iyo cawaantiisa maalmaha kooban ee u haray.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Mujaahidiinta JABISO oo weerar ka fool ka fool ah ku qaaday Warshadii hore ee Baastada ee M/Muqdisho.

 

 

Beerdhiga 22.05.2008 18:40

 

Abaarihii 05:30 galabnimo xiliga Magaalada muqdisho ayay Xoogaga Mujaahidiinta Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(JABISO) weerar culus oo ka fool ka fool ahi ku qaaday fariisinka Warshadii hore ee Baastada Ex-control Balcad ee Magaalada Muqdisho oo ay deganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

 

Sarkaal ka mid ah Jabiso oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa oo Beerdhiga la soo xiriiray ayaa u sheegay in weerar ay u adeegsadeen qoryaha garbaha laga rido, hubka sida daran dooriga u dhaca iyo waliba waxyaabaha qaraxa ay ku qaadeen warshadii hore ee Baastada Ex-control Balcad ee Magaalada Muqdisho.

 

Daryanka Madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsanayo ayaa ah kuwo laga maqlayay qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho, waxaana ay ciidamada gumeyisga Itoobiya ku jawaabayeen madaafiic aan loo meel dayin taas oo aan si rasmi ah loo sheegi Karin khasaaraha ka dhashay.

 

Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada gumeysiga Itoobiya balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaarooyin naf iyo maalba leh oo soo gaaray ciidamadaasi.

 

Dhinaca kale Jabiso ayaa sheegtay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dagaalkaasi isla markaana ay dib ugu laabteen fariisimahoodii iyaga oo bad qaba.

 

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maanta barqadii Qarax miino oo ah nooca meelaha fog laga hago lagula beegsaday ciidamada gumeyisga wadada dheer ee maka al-mukarama taas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 4 askari oo itoobiyaan ah tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

 

Sido kale arintani ayaa timaaday ka dib markii Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay ka gooyeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee degan warshadda baastada baadkii iyo biyihii ay ka keensan jireen meelo ka baxsan farisinkooda ka dib markii ay Mujaahidiinta weeraro iyo qaraxyo gaadmo ahi la beegsadeen gawaarida u soo qaada baadka iyo biyaha.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this