Sign in to follow this  
Garaad Bari

Xildhibaannada Baarlamaanka oo wada mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

Recommended Posts

BAYDHABO: Xildhibaannada Baarlamaanka oo wada mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

Posted to the Web Jan 14, 10:47

 

 

Muqdisho (PP) - Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 55-xildhibaan ayaa wadda qorshe lagu doonayo in xilka looga qaadayo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Mooshinkaan oo ay soo diyaariyeen xildhibaannadaan oo intooda badan ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu hordhigo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, waxaana tani ay timid kaddib markii guddoomiye Shariif Xasan uu diiday inuu soo galo Magaalada Baydhabo.

 

Xildhibaannadan ayaa waxay wadaan olole ay xildhibaannada kale kaga dhaadhicinayaan inay qaataan go'aankaan isla markaana ay mooshinkaan qayb ka noqdaan, iyadoo ilo wareedyo soo baxayana ay sheegayaan in xildhibaannada qorshahaan isku waafaqaya ay sii badanayaan.

 

Magaalada Baydhabo oo uu baarlamaanku fadhiyo ayaa waxaa ka socoto shux-shux hoose oo ku aaddan sidii mooshinkaan loo horkeeni lahaa golaha baarlamaanka toddobaadkaan intuusan dhammaan, waxaan tani ay sababi kartaa in guddoomiye Shariif Xasan uu jagadiisa Guddoomiyenimada Baarlamaanka waayo haddii uu hirgalo qorshahaan la wado.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda ku sugan Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kaddib markii ay dowladda Kenya ka soo eriday dalkeeda, waxaana eryiddiisa ay saldhig uga dhigtay inuu yahay guddoomiye baarlamaanka oo ka soo horjeeda xildhibaannada uu guddoominayo iyo dowladda uu ka tirsan yahay oo haatan gacanta ku haysa dhammaan dalka Soomaaliya.

 

http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7333

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this