Sign in to follow this  
Mahdi

DGPL oo cambaraysay Afdubka Maraakiibta loo gaysanayo

Recommended Posts

Mahdi   

Waxaa shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada magaalo madaxda DGPl ee Garowe shirkii Khamiis laha ahaa iyada oo ay isugu yimaadeen golaha xukuumada maamul goboleedka Puntland.

 

Kulankaan ayaa qodobada looga hadlayey waxaa kamid ahaa Xaaladda nabadgelyada guud ee Puntland, xaaladda Afdubka Marakiibta Xeebaha Puntland, Barnamijka dib u dhiska iyo horumarinta Somaliya kalinta Puntland kaga adan iyo warbixin ku sabsanayd Barnamijka 5 sanno ee soo socota kaas oo ah horumarinta Puntland.

 

Shirkaani maanta ayaa waxa muhiimad wayn la siiyay Maraakiibta rayidka ah ee af-duubka loogu haysto xeebta konfureed ee Puntland waxaana kulankan Maamulka Puntland uu ku cambareyay Maleshiyooyinka gaysanaya falalka afduubka Marakiibtan, waxaana ay ku tilmameen mid ka baxsan dhaqanka Bini'adanimo iyo xeerka Caalami ee u dagsan badaha aduunka.

 

Dowlad Gobaledka Puntland ayaa tibaaxday in aysan lahayn awood ay kaga hortagaan afduubka loo gaysanyo Maraakiibtan rayidka ah iyo kuwa gar-gaarka bini'aadnimo u sida dadkooda ku tiirsan taagerada hay'daha QM sida aysan awood ugu lahayn in ay wax ka qabtaan xaalufka ba'an oo lagu hayo badaha Somaliya gaar ahaan kuwa Puntland, kuwaas oo ay gaysanyaan shirkado shisheeye iyo kuwa sokeeyaba, waxayna caalmka ka codsadeen in arintaan si deg-deg ah gacan uga gaystaan inta aan la gaarin xaalad amaan iyo mid bay'adeed oo soo wajahda deegamda Puntland iyo Caalmkaba.

 

Shirkadaha xaalufiya Badaha Puntland ayaa dhiiri galiya qaabkan afduubka madaama ay ganacsatada caadaysatay in ay ka taajiraan xadida khayradka badaha ay kiraystaan Malishiyooyin u ilaaliya marakiibta shisheeye ee badaha ugu jira kuwaas oo mararka qarkoodna ku kaca afduubyo ay u gaystaan Marakiibta rayidka ah iyo kuwa gargaarka u wada shacabka tabaalysan si ay uga helaan lacago madaxfurasho.

 

Waxaa kaloo shirkii Maanta lagu sheegay inay Puntland ka soo horjeedo Madaxfurasho la siiyo burcadan taas oo dhiirigalinayso burcaddnimo midan ka badan.

 

Ugu dambayntii kulankii maanta ayaa waxa looga hadlay, sidii loo dardar galin howlaha dowalada iyada oo ay soo foodsaartay habacsanan aan horay loo arkin taas oo sababtay in hakad galaan adeegyada dowlada sida amniga oo u eg mid faraha ka sii baxaya marka la eego magaloyinka wawayn ee maamul goboleedka, taas oo dad badan u aanay-nayaan niyad jab soo food saartay shaqaalaha Dowlada sababtuna ay tahay iyaga oo aan qaadan mudooyinkaan mushaharooyinkoodii ay ku lahaayeen maamul goboleedka.

 

Garoweonline

Xafiiska Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this