Sign in to follow this  
Gabbal

Somali-Kenyan-Ethiopian tri-border peace being concluded.

Recommended Posts

Gabbal   

shircel061.jpg

 

shircel062.jpg

 

salcel1.jpg

 

 

Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Wadohadaladii Ceelwaaq

 

Wadahadaladii nabada ee maalmahanba ka socdey degmada Ceelwaaq ee G/Gedo ayaa haatan ku dhow heer gebogebo ah,heshiis rasmi ah oo laga gaaro nabadaynta Ceelwaaq ayey ku xiran tahay hadba natiijada ka soo baxda kulamo u soconaya xubno ka tirsan DFKMG,Ugaasyada,masuuliyiinta maamulka G/Gedo,odayaasha iyo waxgaradka labada beelood oo loo xilsaarey inay xal ka gaaraan qaab qeybsiga maamulka Degmada Ceelwaaq oo wadaag ay ku yihiin labada beelood.

 

Arinta ugu muhiimsan oo laga wadahadalayo ayaa ah sheegashada dhulka degmada Ceelwaaq iyo qaabkii loo qeybsan lahaa gudiga maamulka oo ka kooban 21 xubnood,iyadoona horey laysula meel dhigay Qodobka sheegashada dhulka oo xubnaha Dowlada ka socdey labada dhinac ay ku qanciyeen labada beelood in arintaasi ay u taalo dowladda federaalka,isla markaana cid ayan si gaar ah u sheegan karin dhulka.

 

nkastoo arinta Gudoomiyaha la siiyey beesha Garre, hadana weli waxaa jira qaabka wax loo qeybsanayo oo Beesha Garre weli ay ku adkeysanayso tirada 20ka in saami dheeri ah la siiyo. Guddigaasi ayaa waxaa ka mid ah dhinaca Beesha Garre:

 

Cabdi kaafi Macalin Xasan –W/kuxixeenka Boostada

ismaaciil Cabdi Maxamed ---W/kuxigeenka Beeraha

Xildhibaan.Ibraahin ***** Ceymooy

Xidhibaan Hore Kenya –Aden Maxamed Nuur

Ugaas Aden Ugaas Cali.

C/laahi **** -Mayorka Mandera

Geedow Aden *****

Fiiloow ***** ibraahin

 

Dhinaca Beesha Sade:

 

Xildhibaan Xasan Cumar

Xuseen Sh.Cabdi ismaaciil-Gudoomiya G/Gedo

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi

Ugaas Ciise Ugaas C/lle

Maxamed Cabdi Aden (iris)

Xasan Nuur Sharmaake (warbac)

Nabadoon Mxamed Axmed (indho-yare)

Indhabuur Jaamac Deer

 

Gudoomiyaha Maamulka G/Gedo Xuseen Farey oo aan kula kulmay hoolka shirka ayaa rajo wanaag ka muujiyey heshiis laga gaaro qodobka hadda leysku hayo ee xaga maamulka ,isagoo dhianaca kalena sheegay in maalmaha soo socda maamul loo sameyn doono Degmada Ceelwaaq.

 

A C Saalixi

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this