Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland Delegation lead by President Faroole arrive in Addis Ababa today

Recommended Posts

Masuuliyiinta Puntland oo Ethiopia gaaray

 

faroole_zenawi2.jpg

 

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ee Puntland Mudane Cabdirahmaan Sh. Mohamed Faroole ayaa maanta u booqash an horey loo shaacin ku aadey wadanka Itoobiya,booqashadaan oo ah mid casuumaada oo uu ka heley Madaxweynaha Itoobiya.

 

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka arimaha Gudaha iyo kan dekadaha,wxaa kaloo weheliya qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland iyo madax kale.

 

Madaxwdaan Puntland ee u kicitimay Adis ayaa la filayaa iney kulamo kala gadisan la qaataan hogaamiyayaasha Itoobiya ayna kawada hadlaan arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo ganacsigaba, iyo waliba arimaha Soomaaliya.

 

Wixii kasoo kordha kala soco allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo u duulay dalka Itoobiya

 

Posted to the Web Mar 28, 10:00

 

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi balaaran oo la socda ayaa saaka waxaa ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim Air port ee Magaalada Boosaso.

 

Wafdiga Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa ay safaro ku kala i doonaan dalalka Itoobiya iyo Kenya, Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), Wasiirka Degaanka Cabdiqani Yusuf Cadde, Agaasimaha Batroolka Dr. Ciise Dhoolawaa.

 

Socdaalka Madaxweynaha Puntlland ayaa sidii aan shalay u shaacinay waxaa uu salka ku hayaa in madax Sare oo ka tirsan Hay'addaha Sirdoonka Maray anka FBI uu kala soo hadlo qaabkii ay u sii wadi lahaayeen Taageerida iyo dhaqaalo siinta ciidanka Sirdoonka Puntlland ee PIS iyo ciidanka PIS ay ka amar qaataan Taliska guud ee dowlada Puntlland.

 

 

Shabakadda Warar Halgan.net ayaa shalay ka soo xigatay safarka Madax wey naha iyo Wafdigiisa ay ku tegi doonaa dalka Itobiya isagoo laga yaabo in uu sii maro dalka Kenya , Ilo wareed aan la hadalnay ayaa noo sheegay in safarka Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu ku saabsan yahay siddii xiriirka u dhexeeya Puntlland iyo Hay'addaha Dowliga ee Maraykanku ay xiriir fiican u yeelan doonaa.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Faroole oo Maanta u Dhoofay Addis Ababa

 

Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.

Safarka madaxweynaha ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah xubnaha dowlada iyo saraakiisha madaxtooyada.

 

Waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha saaka ku sii sagootiyey gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf, duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumada.

 

Ma jirto wax faahfaahin oo madaxweyne Faroole ka bixiyey safarkiisa Ethiopia, hase yeeshee warar ku dhow dhinaca dowlada ayaa sheegaya in safarkiisu uu ku xiriirsan yahay wada hadao dhexmari doona madaxweyne Faroole iyo saraakiil Mareykan ah.

 

Warar ka soo baxaya saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in safarka madaxweynaha ay ku sii wehlin doonaan qaar ka mid ah wasiiradiisa sida wasiirka amniga Gen Yuusuf Axmed Khayr, hase yeeshee waa uu ka baaqday inuu socdaalka madaxweynuhu uu ku wehliyo.

 

Socdaalka madaxweyne Faroole ayaa sida la sheegay ah mid deg deg ahaa waxaana socdaalkan uu ka dhashay khilaaf xoogan in dhoweydba u dhexeeyey madaxweyne Faroole iyo agaasimaha hay’ada PIS ee sirdoonka Col. Cismaan Diyaano oo isagu ka biyo diiday xilka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha bishan horaanteedii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Dalka Itoobiya u Duulay

March 28, 2010| NEWS: Category

 

Madaxwaynaha Dowladda puntland Dr CabdiRaxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim Air port ee Magaalada Boosaso iygoona ku sii jeeda Magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

 

Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), Wasiirka Deegaanka Cabdiqani Yusuf Cadde, Agaasimaha Batroolka Dhoolawaa iyo qaar kale oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

 

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid deg deg ah waxaana uu casumaada helay markii uu tegay magaalada Bosaso, Safarka ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro isbedelka dhanka maamulka ah ee madaxweynuhu sameeyay, taas oo uu ka dhashey khilaaf kadib markii agaasimihii hay’adda sirdoonku uu ku qanci waayey isbedelka Madaxweynaha, sidoo kale saraakiil ka socota dawladda Maraykanka oo taageera hay’adda ayey madaxweynaha isku fahmi waayeen qaabka ay noqoneyso mustaqbalkeeda, waxaana inta badan safarkan looga arinsanayaa sidii loo xalili lahaa mushkiladda ka dhalatay. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa sidoo kale in uu u gudbo dalka Kenya.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this